“Wasaaradda Biyahu Ha La Timaado Siyaasad Biyo Balaadhin, Oo Gobol Kastaa Ku Helayo Biyo Ku Filan”

0
1001

Xildhibaan Cabdixakiin Cumar Faarax (Budeeye)

Hargeysa (Geeska)-Xildhibaan Cabdixakiin Cumar Faarax (Budeeye), oo ka mid ah Xildhibaanada Golaha Guurtida, ayaa baaq u diray Xukuumadda, gaar ahaan Wasaaradda Biyaha, oo ugu baaqay inay si deg deg ah biyo ula gaadho dadka iyagu biyo la’aantu hayso, ama biyuhu gabaabsi ku yihiin.

Xildhibaan Cabdixakiin Cumar Faarax (Budeeye), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika, ayaa ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay “Hadda waxaan ku sugan nahay Deegaanada Gobolada Bari ee dalka, gaar ahaan Deegaanada Buhoodle, maansha allaah, xaalada nabadgalyo ee deeganadani wey fiican tahay, nabadgalyaduna cid walba waa u dan, waana inoo wada dan, ee qof walba dhankiisa ha ka ilaaliyo nabada, laakiin Abaar baa deeganka ka jirta, xaaladu wey kulushahay, biyuhu waa gabaabsi, ILLAAHAY baynu  sugaynaa  oo aynu ka baryeynaa inuu roobkiisa iyo nimcadiisa inoo shubo,Xukuumadda waxaan ugu baaqayaa inay dadka bilaa biyo ah inay biyo si deg deg ah ula gaadho, Wasaaradda Biyahana xil gaar ah ayaa saaran, ee waxaan leeyahay ha la timaado siyaasad biyo balaadhin, oo deegan kasta iyo gobol kasta ay ku helayaan biyo ku filan”.

Xildihbaan Budeeye oo hadalkiisa sii wata ayaa yidhi “Cabdirashiid Cabdilaahi Xasan, oo ahaa Taliye oo Oog lagu dilay, waxaan ALLE ugu baryayaa inuu u naxariisto, oo janadii ka waraabiyo, ehelkiisi, axsaabtiisi iyo umadda reer Somaliand ee uu ka baxayna Samir iyo imaan ha ka siiyo, waxaana runtii Marxuumkani ahaa nin aanu aad saaxib u nahay, ee ALLE godka ha u nuuro”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here