Wasaaradda Arrimaha Gudaha Oo Shacabka Ugu Baaqday Feejignaan

0
573

Hargeysa(Geeska)-Wasiirudawlaha arimaha gudaha Somaliland Maxamed Muuse Diiriye ayaa guud ahaan shacbiga Somaliland ugu baaqay faajignaadaan iyo inay si buuxda ula shaqeeyaan ciidamada nabadgalyada ee dalka.

Waxa uu wasiiru dawlahu sidan ku sheegay mar uu warbaahinta kula hadlay xafiiskiisa, waxaana hadaladiisa ka mid ahaa  "Umadda reer Somaliland iyo umadda islaamkaba waxaan leeyahay Ramadaan kariim, umadda reer Somaliland shacab weynaha yar iyo weynba, sheekh iyo shariif iyo haldoorka dalkanba waxaan leeyahay waxaynu nahay ciidan, waxaynu nahay gacmahii ciidanka nabadgalyada waxaan ku baraarujinayaa inay ilaaliyaan oo ay dhawraan nabadgalyada oo kala shaqeeyaan ciidamada kala duwan ee dalka waxii hawl ah ee nabadgalyo ah iyaga ayaa gacmahoodii,indhahoodii iyo dhagahoodiiba ah waxaan leeyahay ciidanka wax alle iyo waxii aad dareentaan ama ogaataan inay la soo socodsiisaan ciidanka dalka, inaan wada ilaashano nabadgalyadeena dhibaato badan ayaa dhinacyada inagaga wareegsan sidaas daraadeed waa inaan ka tabaabushaysanaa loo baahan yahay aan foojignaano oo aan u dhago nuglaano oo la shaqayno ciidamada nabadgalyada."

Inta badan ciidamada Somaliland ayaa faajignaan gala xiliga ramadaanta oo ururda xagjirka ah ay sameeyaan hawlgalo iyo firfircooni intoodii hore ka saraysa.