Wasaarada Caafimaadka Oo Ka Hadashay Jadeeco Dalka Ka Jirta

24
2767

Hargeysa (Geeska)-Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr Maxamed Cabdi Xargeeye Faarax, ayaa ka hadlay cudurka Jadeecada oo deegaano ka mid ah Somaliland ka dilaacay, waxaanu tilmamaay in Bulshada looga baahan yahay inay aad iyo aad uga feejinadaan cudurkan, isagoo xusay in aanu wali fidin, Wasaarad ahaana ay sida ugu dhakhsaha badan uga hortagayaan sidii ay u dabar jari lahaayeen.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr Maxamed Cabdi Xargeeye Faarax, oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay muhiimada uu Caafimaadku leeyahay waxaanu ugu horeyn yidhi isagoo ka hadlaya cudurka Jadeecada “Dilaac weyni ma jiro, laakiin waanu ka cabsoonaynaa in cudurka jadeecadu fido, Cudurkana waxa uu ka mid yahay Cudurada lagaga hortago talaalka, ee waxa haboon in talaalka la qaato, oo sidiisa loo qaato, bulshadana waxaan guud ahaan ku boorinayaa inay aad iyo aad uga taxadiraan, kana feejignadaan Cudurka Jadeecadda, anaguna Xukuumad ahaan iyo Wasaarad ahaanba diyaar ayaanu u nahay in aanu ka hortagno xaalad kasta oo dhib iyo caafimaad daro ku keenaysa Bulshadayda, in Cudurkan Jadeecadu faafana waanu ka hortagaynaa insha allaahu”.
Agaasimaha Caafimaadku mar uu ka hadlaayey Shir uu ka qayb galay oo Kenya ka dhacay ayaa yidhi “Xanuunka iyo Caafimaadkaba labada ALLE ayey gacantiisa ku jiraan, oo ALLE waxaanu qadarin marnaba qofka kuma dhacaan, laakiin qof walba waxa looga baahan inay ku dadaalo ilaalinta caafimaadkiisa, ilaalinta caafimaadka deegaankiisa, muhiimada kowaad ee lagaga hortagi karo cudur kasta oo faafana waa ilaalinta nadaafada, ee waa inay Bulshadu ku dadaasho ilaalinta nadaafadooda iyo nadaafadda deegaankooda”.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here