“Wasaarad Ahaan Diyaar Ayaanu U Nahay In Aanu Tayada Caafimaadka Ee Dalka Sare U Qaadno”

0
600

Agaasimaha Guud Ee Wasaaradda Caafimaadka

Hargeysa (Geeska)-Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr Maxamed Cabdi Xergeeye,ayaa ka hadlay xaalada Caafimaad ee dalka, waxaanu tilmaamay inay dadku aad u fahmeen qiimaha iyo faa’iidada uu talaalku leeyahay.

Agaasimaha guud ee Wasaaradda Caafimaadka Dr Maxamed Cabdi Xergeeye oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika, ayaa ugu horeyn hadalkiisi ku bilaabay “Imika Bulshadu sidii hore maaha, maxaa yeelay talaalku qiimaha uu leeyahay aad  baa loo fahmay, waalidiintuna ubadkooda imika aad bay u talaalaan, talaakuna faa’iidooyin balaadhan buu sidiisaba ubadka u leeyahay, maxaa yeelay waa ka hor tag, waxaanu ka hor taga cudurada sida fudud u faafa, wacyigilo balaadhana waanu sameeynay, Wasaarad ahaana diyaar ayaanu u nahay in aanu tayada caafimaadka ee dalka sare u qaadno”.,

Mar uu baaq u diraayey Bulshada ayaa yidhi “Inta badan wakhtiyada roobabka waxaa dhacda in inta badan qashinka in dadku dhigaan meelo aan ku haboonayn ama aan loogu talagalin, halkaasna waxaa ka dhalan kara cuduro, markaas waxaan leeyahay dadku aad ha uga taxadiraan in qashinka ay dhigaan meelo aan ku haboonayn, runtiina Caafimaadku waa muhiim, ee aad ha looga taxadiro khatar kasta oo caafimaad daro keenaysa”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here