Warqad Furan Oo Ku Socota Golaha Guurtida Yuusuf Godir Maxamed

0
769

Marka hore waan idin salaamayaa. Hawsha manta laydinka sugayaa waa inta ay noqonayso dib u dhigista doorashaddu. Xilidhaaf baynu ku jiraa, qaar duruuf baan keentay, qaarna hawshii qaranka oo laga gaabiyay. Geedigii aynu doonaynay in aynu kaga guuro guriga qabiilka una guuro mid qaranimo muu taabo gelin. Waxaana ka markhaati ah in xaajo kasta oo culays leh oo inagu timaadaa noqoto mid qaxar. Tusaale: Xidhiidhka debedda labadii heshiis ee Berbera. In aynu caalamka heshiisyo la galaa waxay xoojinaysaa qaranimadeena. Laakiin, waa in sifo sharci ah la mariyaa. Kii ugu danbeeyay ee saldhiga ciidan ceebtiisu waxay ahayd in farta loo taago iyadoon laga doodin.

Doraad markii aynu gudoomaynay deeqdii dawladda Itoobiya, maxaa ka muuqday goobtii! Runtii, waxaa halkaa inaga tegay rag haybadi ka muuqato, laakiin nidaamkii dawladeed ka maqan yahay. Dawladda Itoobiya waxa u hadlay masuul qudha, dhinaceenana waxaa ka hadlay ugu yaraan afar masuul. Ninka Itoobiyanka ahi wuxuu ku hadlayay magaca qaranimadda Itoobiya, isagoo ka wakiila raysal wasaaraha wadankiisa; inagana waxay ahayd in hadalka loo daayo wasiir u dawlaha arimaha debedda, maxamed Maxile, haddii laga fursan waayana gudoomiye ku xigeenka guddiga abaaraha Xasan A/salaam. Isbarbaryaacu waa tilmaan sheegaysa in aanu jirin hanaan kala danbayneed.

Waxbarashadda: haddii dunidu ku tartanto waxbarashadda Somaliland waxay qaadi lahayd koobka khiyaamadda cilmiga. Marka ardaydu ka baxayso fasalka 8daad waxaa loo diraa kharashkii qishka; marka ka 12aad la gaadhana moobaylkii loogu soo diri lahaa jawaabaha. Labaddii wasiir ee ugu danbeeyey ayaa isku dayay in ay xakameeyaan, iyana waxay ku fashilmeen in ay wax ka bedelaan xafiiska imtixaanadka. Jaamacadaha wadanka ka jira oo guud ahaanba tayadoodu liidato ayaa kuwii sii socon kariwaayay furayaan shahaadaddii labaad (master). Waxaa la arki doonaa qof aan warqad codsi qori Karin oo sita(PHD.)

Caafimaadka: Guurtiyay dunida aynu dul joogno qofka ayaa ugu qaalisan, Ilaahay wuxuu inoogu waramay aayadda 17:70, sidii uu u sharfay aadamiga jidh ahaan iyo hadalka, sidii uu bad iyo beriba ugu mariyay gaadiidka, sidii cuntada ta wanaagsan uu ugu irsaaqay; iyo weiliba in uu ka saraysiiyay in badan oo ka mid ah ciddii uu abuuray.

Maanta Somaliland raashinka iyo saliida aynu cuntada ku darsano su’aalo ayaa ka taagan. Waxaa la sheegay hadhaaga saliida cuntada oo loogu talo galay mishiinadda, laguna kaydiyo xaaladdo ka duwan ta cuntada loogu talo galay in aynu maanta wax ku darsano. Halkii laynoo keeni lahaa kii cuntada inaga eegi lahaa,   Waxaa laynagu dayay in laynoo keeno mishiinkii baabuurta inaga eegi lahaa.

Siyaasad Durugsan: (Long-term strategy) ma jirto, waayo waxay toosin lahayd waayeheena maanta; afkeenii hooyo wuu sii tirtirmayaa!

Gebo –gebo: Madaxweeneheena maantu mudane Axmed Maxammed Maxamuud wixii uu qaban karayay wuu qabtay; wuxuu joogaa meeshii uu hawlaha aduunyadda ka nasan lahaa; mana aha in wixii uu qatay la sii garoocdo. Maanta korodhsiimo loo kordhiyaa meesha kuma jirto. Hadal iyo guntii waxaynu u baahanahay in sida ugu dhakhsaha badan doorasho loo qabto. Sidii aynu Alle ka arki jiray gu’gu wuxuu da’aa Maarij, Abriil, iyo May, yaanay doorashaddu inagu dhaafin Juun, Idinkana Ilaahay hadin garan siiyo.

Qore: Yousuf Godir Mohammed

Email: ygoodir2016@hotmail.com