Warqad Furan: Baaqa Bulshada Iyo Madaxweynaheeda W/Q: Jibriil Jirde

0
671

Waxaad ahayd arday firfircoon, kuwa uu la faca yahay na ugu sarreeya oo aanay liicin, lagana fisho guul iyo horumar. Ururiye ardayda ku jiheeya dantooda una horseeda horumarka iyo hal- abuurka fikrado cusub. Waxaad ahayd guddoomiyaha ardayda haga ee hab maamulka iyo hannaanka waxabarsho ku hoggaamiya, xaqooda na u dooda iyaga dhexdooda na dhisa niyad ahaan iyo nafsi ahaan ba. Waxaad u dedaali jirtay sidii hadba hir wacan oo hogol fiican leh ardayda aad ka mid ka tahay ugu rari lahayd. Dhiirrigaliye tusa ardayda mustaqbal fiican . Ardayda waxa aad ku guubaabin jirtay in wax la qabsado oo aan cidna wax laga sugin, lana ahaado arday la qabsan karta  xaalad kasta oo murugsan oo soo waajahda. Guddoomiye gardaadiya ardayda oo u gole sameeya goor iyo ayaan ba.

Waagii jabhadda, kuwii xansaska iyo xaabada u shiday ayaad ahayd. Ololiye dabka ku daaray dhimbiilihii shidnaa ayaad dhamac ka dhigtay; ilaa ay isla oogsatay oo dabku is qabsaday oo inta uu uuro alluuban noqday uu hawada isku shareeray.

Maad dhex hawaarin balse waad hoggaamisay, muddadii ugu dheerayd. Dhib iyo dhalandhool ayaad la soo martay, waad kuftay haddana kacday , waad dheeliday haddana is dhidibtay, waad u dherernayd in badan hadda na maad dhibsan, waa lagu tukhaantukhiyay hadda na kamaad tegin, ee halkii ayaad halgankii ka sii waday ilaa maandeeq baadigoobkeedii la helay.

Dalka ayaa la soo galay, nabadaynta ayaad nabar ku negaatay illaa dalku naq iyo nabad noqday, dib u dhiska kaalin mug leh ayaad ka qaadatay; wasiir ayaad ka soo noqotay, waad dedaashay intii karaankaaga ahayd.

Waxa aad ahayd aasaasihii xisbiga kulmiye haatan na ah xisbil xaakimka dalka. Mucaarad ayaad noqotay, mar na kaama aannu faaruqin, waannu kula fadhinay haddaad fadhido, waannu kula joognay haddaad sara joogto, haddii aad jiifta na kaama aannu maqnayn ee niyadda ayaannu kaala soconay. Marka aad werwerta na waannu kaa darnayn, dad yaraan haddaad dareento dibnaha inta aannu qanniino ayaannu cududdayada muujin jirnay marka loo baahdo, daacad ayaannu kuu ahayn, daqiiqad in aad daranyooto kuuma aannu oggolayn. Sidaa ayaa lillaahi naga ahayd.

Magacaaga waannu ku dhaadan jirnay, dhawaaqiisu na waxa uu nooga dhignaa kan ugu macaan ee dhegtu maqasho. Dabka gala haddaad tidhaa diyaar ayaannu u ahayn, wax walba na adiga awgaa in aannu u samayno way naga go’nayd, xataa hadday dacarta ka qadhaadhahay.

Doorasho ayaad gashay, dirqi ayaanad ku sigatay inaad gasho laba daryaalaha loo tartamayay, 80 cod ayaad ku wayday. Haddii caadifad iyo carruurnimo na qaaday dab na aannu shidi gaadhnay daaya ayaad na tidhi, annagu na kumaanu diidi karayn, walow aannu la yaabnay go’aanka aad qaadatay haddana waaban kugu sii jeclaanay, dareenka waddaninimo iyo sida aad ugu diirnaxayso dadka una doonayso in dalku nabdoonaado, barwaaqoobo, dantaada na ay uga horreyso tan shacabku, wixii maalintaa ka dambeeyay magac haddii aannu maqalno waa noo kaaga, sawir haddi aan aragna na waxa nooga dhex bidhaamayay kaaga, shay walba na adiga ayaa nooga soo dhex mudhayay xataa cuntada. Habeenkii in aannu kugu riyoonnaana waxay iska noqotay wax aannu la qabatimnay. Waxa aad ku sifawday guddoomiye garaad leh, gobonnimo leh, guurtinimo leh, aragti leh, aftahan ah kaas oo inta ba ku darsaday aqoon dadka anfacday.

Dib baannu u hawl galnay, waannu dibad-yaalnay una hadh iyo hoosiis diidnay, waan hurdo seegnay. Hawd iyo xeeb na meel meel ayaannu jaanta u soo dhignay, sawirkaaga na u soo sudhnay, walow dadku sawirkaaga baahi badan aanay u qabin waayo quluubta ayaad u wada sudhnayd, way kugu hadaaqayeen kugu na heesayeen, mar walba na waxay hibashadoodu ahayd maalin maanta dhaanta iyo inaad adigu keeni karto.

Aftahamadaada ayaa dadka galinaysay naxariis iyo naruuro. Dadku afka iyo gacanta may kala qaadi karayn, kan dhegtu cuncuntaa na ma xoqon karayn, dadku inay isriixaan wax ba umay arkayn, inay milicda taagnaadaan na may dareemayn waayo cid ba wax may xasuusanayn ee afkaaga iyo kolba wixii ka soo baxa ayuun baa lagu wada dhaygagayay, waayo waxay kaa dhex arkayeen waxay u baahnaayeen waanay kuu jeellanaayeen dhammaantood.

Ilaahay innagu ma xilin ee wuu inoo dhabeeyay, dadku iyaga ayaa muujiyay wixii ay doonayeen, fartooda na waxay ku fiiqeen qofkay u baahnaayeen oo adiga ah, markii ay ogaadeen inaad noqotay aabbahood na way wada ilmeeyeen farxad darted, waanay wada qosol gariireen guul awgeed, way debaal dageen badhkood na may seexan habeen iyo dharaar ilaa qorraxdu intay ka dhacday haddana ay ku soo dul baxday.

Waad gashay laba daryaalihii waad isku dayday inaad u abaal gudo bulshadii, balse meel ay wax si ka noqdeen mooyiye badh naga mid ah ayaa lagu marsiin waayay, way muraara dillaaceen. Mooyi inay degdegayeen iyo inay wax arkeen.

Bil na bil kumay darayn ee kolba dar ayay qoomamo iyo ciil ay ku noqotay waxa dhacayaa. Xaasha! mar na inay ka maageen meeqaamkaaga, magacaaga iyo masuulnimadaada balse mar kasta dayrka idin dhex galay adiga iyo bulshada ayaa ahaa mid adag oo dhibta keenay.

Qaarkood gaajo iyo calool madhnaan ay is lahaayeen waad ka baxaysaan ayaa ku sii balaadhatay, waxa aanay aammineen in gaajadu la dhalatay.

In is lahayd shaqo la’aan ayaa idin gacmo iyo lugo tirtaye waxa idin barriinsan shaqooyin oo idinka tan badan way u qaadan waayeen waxay la kulmeen.

Dad is lahaa qabiilka aad tihiin waa la idinku garanayaa ee waligiin qayb kuma helaysaan ayaa ku heshay oo ku faraxday, kuwa kale na wax bay ku waayeen oo waxay ku calaacaleen in qabiilkan nasiibkiisu yar yahay aanay dooran. Adduun caaryaale!!

Da’yar ku joogtay waad dhargaysaan oo yididiilo filanaysay way dhaqaaqeen oo hilibkoodii ayaa halkeer saxaraha wadhan; Ka ba sii darane dal dheer oo nolol wacan ay ka filayaan ayay u tacabiri jireen balse hadda jaarka ayay u jahaysteen. Tolow maxaa galay jaarka na?.

Dhibtan oo dhan iska dheel-dheel ayay ahayd, waayo waxa aannu ku il doogsanaynay dal xor ah iyo yididiilooyin badan , waxa aannan ku naaloonaynay xorriyad waarta, waayo ciidan noo cagojugleeyaa ma ceegaagin carradayada.

Ma jeclin gumaysi iyo gumayn, waayo? Waan soo aragnay, uma diyaar ihin tacadi iyo tumid waayo waannu naqaan, umana adkaynsan karno dullayn iyo dulmi, waayo? hore ba umaannu yeelin. Maanta Madaxweyne na aqbal, dhegta noo dhig, waxa aannan kaa codsanaynaa annaga oo dadkaagiiya, kuwaad madaxweynaha ku tahay ah, kuwaad maamuuska ku leedahay ah, kuwii aad ku tashanaysay na ah madaxweyne,  ha nagu saxeexin heshiiskaas, hana noo horseedin gumaysi carbeed iyo dagaalo diin ku salaysan oo aan badhtanka u galno,  mudane madaxweyne  Berbari bar ciidan uma baahna. Ugu dambayn madaxweyne waxa aannu ku leenahay:

Ciidan jooga carradoo,

Noo cago jugleeyoo,

Curadkeenna diloo,

Cawradeenna ciiloo,

Dadku ay ka cawdaan,

Caadilkaan ka baryaynaa,

Inaannu carrada iman,

Dadku na caam ahaantii,

Way ka cawd billaysteen,

Adiguna na camal garo!!