Wariye Hereri Oo Ka Sheekeeyay Daad Gaadhigiisa Ku Qaaday Dooxa Biyaguure Oo Uu Dirqi kaga Badbaaday

0
847

Berbera(Geeska)-Wariye Cabdisalaan Hereri ayaa ka sheekeeyay daad gaadhigiisa qaaday oo ay dirqi kaga badbaadeen isaga iyo koox dalxiistayaal ah oo ay isku raaceen meesha caafimaadka lootago ee Biya Kulule.

Wariye Cabdisalaan Hereri ayaa sheegay inay gaadhigiisa oo camuud ka galay inay qodayeen marka ay arkeen daad wax yar uun u soo jira, waxaanu isaga oo magaalada Berbera ku sugan ka sheekeeyay sidii ay wax ugu dhaceen  “ Rag badan oo aanu asxaab nahay ayaanu wada soconay shalay ilaa tobankii markay ahayd ayaanu ka baxnay magaalada Berbera dooxa Biyaguure oo dhawr iyo toban Km ujirta magaalada ayaanu tagnay Xildhibaan Maxamuud Jaamac Warfaa iyo wiil uu dhalay,Cabdixakiin Sanyare,Cabdi Muuse, nin Naasir la yidhaahdo, Fuaad Cabdilabahi Ciise rag faro badan ayaanu ahayn laba gaadhi ayaanu wadanay roobab farobdan ayaa ka da’ay dhulka buuraha ah war war badan ayaa jiray oo ahaa inay daadad soo rogmadaan anaguna taas waanu ka war haynay laakiin gaadhigayga ayaa meesha galay ka saara ayaanu is nidhi waanay adkaatay, waxa alle ka waday intaase ayuu daadkii na soo galay in ili qabatay ah ayaanu ka aragnay dabadeedna cawralaay cago ayay noqotay, waa la kala yaacay, qaar naga mid ah oo aan anigu ku jiray gaadhigii kale ayay hal haleel ku fuuleen intii kalena buuraha ayay fuuleen rag badan ayaa iyaga oo cago cad buurahaad garanayso u baxay oo kabihiina daadku ka qaaday, adigu ragayagii laba iyo tobankii kala lumay ninkii ugu danbeeyay waxa aanu helnay lixdii fiidnimo oo qofba meel ayuu ka baxay laakiin waxaanu alle ugu mahadnaqaynaa wax khasaare ah oo na soo gaadhay in aanay jirin oo aan ka ahyan  gaadhigaas uu daadku naga qaaday.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here