Wargeyska New York Times Oo Baahiyay In Qatar Ku Lug Lahayd Qaraxii Boosaaso Ee Lagu Dilay Sarkaalka DP World

0
635

Wargayska The New York Times ee ka soo baxa dalkan Maraykanka ayaa daabacay maqaal xasaasi oo uu ku tilmaamay dalalka Khaliijka gaar ahaan Imaaraatka iyo Qatar inay si weyn ugu loolamayaan siyaasadda Somaliya.

Warbixinta ayaa lagu sheegay in ganacsade ku dhow amiirka Qatar uu sheegay in qarax ka dhacay magaalada Boosaaso la fuliyey si “sare loogu qaado danaha Qatar”, qaraxaas oo looga dan lahaa in Imaaraadka laga sarao Boosaaso.

Dowladda Qatar waxay sheegtay inaanay faro-gelin arrimaha gudaha dalalka kale, islamarkaana cid kasta oo sidaas sameysa aanay matalin.

Wargayska NYT ayaa sheegay inuu hayo “cod telefoonka lagu duubay” oo ah wadahadal dhex maray safiirka Qatar ee Soomaaliya iyo ganacsade aad ugu dhow amiirka Qatar oo sheegay in “koox mintidiin ah ay qaadeen weerar Boosaaso ka dhacay” oo ay sheegteen kooxda daacish, si ay u meel mariyaan danaha Qatar oo ah in ay “meesha ka saaraan waddanka uu xifaaltanka uu kala dhaxeeyo ee Iimaaradka Carabta”.

“Qaraxa iyo dilka waan garanaynaa cidda ka dambaysa” ayuu yidhi Khaliifa Kayed Al Muhanadi mar uu telefoonka ku hadlayey 18-kii May, todobaad kaddib weerarkaas.

Wargayska oo sheegay inuu toos u soo xigtay Muhanadi oo sheegay, “xasaradda ayaa looga gol lahaa in Dubai meesha lagaga eryo”, isagoo ula jeeday xarunta dhaqaalaha ee Imaaraadka. “Ha eryeen qolyaha Imaaraatka, si aanay ugu cusboonaysiin heshiisyada, waxaanan heshiisyada keeni doonnaa halkan Dooxa,” ayuu yidhi Muhanadi sida uu qoray wargeyska The New York Times.

Ma jiro ilo madaxbannaan oo xaqiijinaya in uu sax yahay warkan uu baahiyay wargeyska afka dheer ee Mareykanka laga leeyahay. Balse, khilaafka ka dhexeeya dalalka Khaliijka ayaa saameeyay wadammada geeska Afrika.

“Soomaaliya waxay u muuqataa tusaalaha ugu wanaagsan ee loo soo qaadan karo dagaalka ka dhaxeeya waddamada Khaliijka, xasilooni darrada uu ka abuuray,” ayuu yidhi Zach Vertin oo ah khabiir ka tirsan machadka Brooking horayna u ahaa Dibloomaasi dowladda Mareykanka.

“Saaxiibadeen ayaa ka dambeeyey qaraxii u dambeeyey,” ayuu yidhi Mr Muhanadi oo arrinta u xaqiijinaya safiirka, sida ku qoran Wargeyska NYT.

Wargayska wuxuu sheegayaa in ninkaas uu saaxib dhow la yahay amiirka Qatar, Sheekh Tamim bin xamad Al Thani, wuxuuna sheegayaa in ay jiraan sawirro ah labadooda sida laga soo xigtay warbixinno iyo sawirro laga helay ilo sirdoon. Wargaysku wuxuu intaa ku daray “in aalaaba ninkaasi uu la safro amiirka”.

Wargaysku wuxuu sheegayaa in “haddii taasi ay sax tahay ay noqoneyso caddayn cusub oo aanu mugdi ku jirin oo muujinaysa xajmiga uu leeyahay loollanka u dhaxeeya dalalka gacanka”.

Soomaaliya ayaa garoonka Muqdisho, sannadkii la soo dhaafay ku qabatay $9.6 milyan o doolar uu Imaaraadka lahaa. Saraakiisha Imaaradkana waxay lacagtaasi ku sheegeen iney ahayd mid lagu bixinayay mushaaraadka ciidamada iyo Booliska Soomaliya.

Halka Soomaaliyana lacagtaasi ay ku sheegtay mid looga tala galay in lagu cadaadiyo dowladda ama “gudaha waddanka Soomaaliya xasilooni darro lagaga abuurayo”.

Xilligaa wixii ka dambeeyay Imaaraadka wuxuu xiriirka u jaray dowladda Soomaaliya, waxayna yareeyeen howlihii ay ka hayeen Soomaaliya.

Xafiiska Isgaadhsiinta dowladda Qatar ayaa soo saaray hadal qoraal ah oo uu kaga jawaabayo eedda wargeyska New York Times lagu daabacay 9-ka July ee sannadkan.

Dawladda Qatar ayaa hadal qoraal ah oo ay soo saartay ku sheegtay siyaasadda arrimaha dibadda ee Qatar iney ku dhisan tahay xasiloonii iyo horumar iney abuurto oo aanay faragelinin arrimaha gudaha ee dalalka madaxa bannaan.

“Ciddii sidaas samaynaysana ma aha cid matalaysa xukuumaddeena,” ayaa lagu yidhi hadalkaas qoraalka ah ee ka soo baxay xafiiska warfaafinta ee dawladda Qatar.

Hadalka Dawladda Qatar ay soo saartay waxay ku sheegtay in Khaliifa Al Muhanadi aanu  iminka ahayn horena u ahayn la taliye la shaqeeya xukuumadda Qatar.

Waxaa lagu yiri qoraalka “ma matalo dawladda Qatar, xaqna uma laha inuu ku hadlo magaca xukuumadda. Baadhitaan ayaan ku samayn doonnaa shaqsigan waxaana loo qaban doonaa mas’uuliyadda hadalladiisa”.

“Soomaaliya waa saaxib muhiim u ah Qatar, balse xukumadda Qatar ma farageliso arrimaha gudaha ee dalka Soomaaliya. Xidhiidhka aan Soomaaliya la leennahay wuxuu ku saleeysan yahay ixtiraam iyo inaan iska kaashanno danaha labada dal oo waxtar u leh labada dowladood iyo shacabkooda”, ayaa ku xusan warka.

Xafiiska Isgarsiinta Qatar wuxuu wargeyska ka codsaday inuu la wadaago codka caddeeynta uu sheegay si ay xukumadda Qatar baadhitaan iyo dabagal dheerad ah ugu sameeyso arrintaasi.

Hase ahaatee wargeyska NYT wuu diiday codsiga dowladda Qatar inuu ka jawaabo iyaga oo ka duulayo sharciga warqeysgkaasi u yaalla.

Geesta kale Madaxweynaha Puntland Siciid C/laahi Deni ayaa dowladda Soomaaliya ka dalbaday in baaritaan ay ku sameyso warbixinta lagu qoray wargeyska NYT.

Wuxuuna Yidhi: “Waxaan doonayaa inaan dowladda federaalka ka codsado waxa wargeyska The New York Times lagu qoray maqaal waxyaabo badan ka hadlaya oo ay u badan tahay iney heleen caddeymo cad oo warbixintaasi ay uga duulaan.”

“Wargeyska New York Times waa wargeys caan ah oo aad u weyn, dad badanna ay ku taxan yihiin. Warbixinnada ay qoraana waa lagu kalsoonaan karaa; waxay qoreen weerarki qaraxa ee ka dhacay Afaafka hore ee Maxakamada Boosaso iyo dilki Madaxii DP World loo geystay,” ayuu yidhi madaxweyne Deni.

Madaxweynaha Puntland oo shalay ka hadlay Garowe ayaa dowladda Soomaaliya ka dalbaday “inay baadhitaan dhab ah ku sameyso” Qoraalka uu daabacay wargeyska NYT, isagoo intaas raaciyay iney “tani abuurtay tuhun ay hore  u qabeen dad badan oo ah in meelo ka baxsan dalka laga soo abaabulo falal lid ku ah xasilooni darada Puntland iyo guud ahaan Soomaliya”.

Dowladda Soomaaliya ayaa weli ka hadlin warbixinta uu qoray wargeyska The New York Times iyo falcelinta ka dhalatay intaba.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here