Wargeyska Indian Ocean Oo Warbixin Uu Qoray Kaga Hadlay Murashaxnimada Muuse Biixi Iyo Taageerada Uu Haysto

0
550

Picture5Hargeysa(Geeska)-Wargeyska Indian ocean ee ka soo baxa wadanka Faransiiska oo aad uga faallooda siyaasadaha qarsoon ee dunida, ayaa cadadkiisii 1 May ee bishan warbixin uu qoray ku sheegay  in Muuse Biixi uu dedaal ugu jiro sidii uu u noqon lahaa murashaxa xisbiga KULMIYE ee madaxweyne, marka uu Madaxweyne Siilaanyo wakhtigiisa dhammaysto.

Wargeysku wuxuu sheegay in Madaxweyne Siilaanyo oo lagu rajo weynyahay inaanu doorashada dambe isa soo sharixin, ay u dhowdahay in guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi uu noqdo murashaxa bedeli doona Madaxweyne Siilaanyo marka la eego taageerada uu ka haysto aqalka madaxtooyada iyo golaha wasiirada, waxaanay warbixintu sheegtay inay Muuse Biixi murashaxnimadiisa taageersanyihiin wasiiro hadda xilal ka haya xukuumadda Madaxweyne Siilaanyo iyo  wasiirkii hore ee arrimaha dibadda Maxamed Cabdillaahi Cumar iyo xubno ka tirsan qoyska madaxtooyada. Warbixintu waxay  tilmaantay  in ninkii Muuse Biixi sida adag ula baratamayay oo ah Cabdicasiis Maxamed Samaale aanu culayskii hore lahayn tan iyo wixii ka dambeeyay markii lagu bedelay Wasiir Samsam Cabdi Aadan oo qabatay xilkiisii wasiirkiisa maaliyadda.

Guddoomiyaha xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi, ayaa hore u cadeeyay inuu murashax madaxweyne noqon doono marka uu Madaxweyne Siilaanyo wakhtigiisa dhammaysto, isagoo cadeeyay inaanu Madaxweyne Siilaanyo kula dhex tartami doonin xisbiga dhexdiisa.