Wargeys Sheegay In Imaaraadku Uu Somaliland Ka Taageero Tababbarrada Iyo Horumarinta Tiknoolajiyadda Ciidammada

0
946

Hargeysa (Geeska) – Wargeyska The Tennessee Tribune oo ka soo baxa dalka Maraykanka, ayaa war-bixin dheer ka qoray Doorka Dawladda Imaaraadka Carabta oo Saaxiib dhow la ah Somaliland ku leedahay Dalalka Koonfurta Qaaradda Aasiya iyo Bariga Afrika.

Wargeyska The Tennessee Tribune wuxuu sheegay in Imaaraadka oo qayb libaax ka qaaday heshiiskii Dawladaha Eritrea iyo Itoobiya uu xilligan isku dayayo inuu dhexdhexaadiyo Dalalka Pakistan iyo Hindiya ee Koonfurta Qaaradda Aasiya, kuwaasi oo ku muransan Gobolka Kaashmiir.

War-bixinta ayaa lagu sheegay in Imaaraadku qorshaynayo inuu Xalka khilaafka Pakistaan iyo Hindiya ka ciyaaro mid la mid ah kii uu ka qaatay heshiiskii ay wada gaadheen Itoobiya iyo Eritrea.

Imaaraadka ayaa xidhiidh Ganacsi oo weyn la leh Pakistan iyo Hindiya, si gaar ah sannadkii hore ee 2020 waxa dhex maray Ganacsi lagu qiimeeyay $59,110 million, halka Pakistan ay xidhiidhka Ganacsi ee ay la leedahay Imaaraadku uu sannadkii 2019-ka uu ahaa $6 billion, sida uu sheegayo  The Tennessee Tribune.

Wargeysku wuxuu War-bixintiisa ku soo qaatay Xidhiidhka uu Imaaraadka Carabtu la leeyahay Dalalka Geeska Afrika, gaar ahaan Jamhuuriyadda Somaliland.

Arash Azizi oo ah Taariikhyahan ka tirsan Jaamacadda New York University oo u warramay Warbaahinta Zenger News isla-markaana uu soo xigtay Wargeyska  The Tennessee Tribune ayaa sheegay inaan Dad badan rumaysnayn doorka Milletari ee Imaaraadka, laakiin Imaaraadku uu xidhiidh wanaagsan la leeyahay Somaliland oo ah halka ugu nabdoon dalkii la isku odhan jiray Jamhuuriyadda Soomaaliya  “Halka ugu nabadda badan Soomaaliya (wixii la isku odhan jiray Soomaaliya) waa Somaliland oo uu Imaaraadku ka taageero Awoodda Milletariga.” ayuu yidhi Taariikhyahan Arash Azizi, waxaanu intaa ku daray in Imaaraadku uu Somaliland ka taageero Tiknoolajiyadda Ciidammada iyo Tababbarka.

 

Geeska.net/Hargeisa Office