Wareegtooyinka Wasiir Warancade Xal Ma U Noqdeen Xaaladaha Suuqyada Iyo Waddooyinka Hargeysa : W/Q: Jamac Hilaac

0
771

Picture3Wasiirka wasaarada arrimaha gudaha JSL Mudane Cali Maxamed Warancade oo ah masuul lagu tilmaamo in uu faham wayn ka haysto waxa loo yaqaano dawladnimada (State hood), Sidoo kalena ka mida saddex wasiir ee dawlad yaqaanka ah(State Man ) ee ku jira dawlada madaxweyne Siilanyo, ayaa dhawaan soo saaray wareegtooyin {circulars} oo uu wasiirku doonayo inuu wax kaga qabto xaaladaha adeegyada bulshada, suuqyada,waddooyinka, iyo xaafadaha Hargeysa ee sii xumanaya gaar ahaan bilicda, waddooyinka  iyo isku socodka gaadiidka {traffic jum} I.W.M. Adeegyadan ayaa ah kuwo ay masuuliyadeeda leeyiin goloyaasha deegaanka ee laba sano horteed la soo doortay {elected city councilors}  iyo maaamulka dawlada hoose ee Hargeysa. Wasiirka wasaarada arrimaha gudaha oo masuul ka ah wasaarada ugu awooda badan uguna mashquulka badan hay’addaha dawlada {The Busiest Ministry} ayaa wakhtigan umuuqda in ay ka go,an tahay {committed} in uu ku cadadiyo masuuliyiinta dawlada hoose ee Hargeysa in ay wax ka qabtaan xaaladaha qalafsan ee ka jira suuqyada ganacsi, waddooyinka iyo xaafadaha Hargeysa kuwaas oo haday xaaladoodu sidan ku sii socdaan dhibaatooyin bulsho ku keeni kara nolosha asaasiga ah ee dadka iyo duunyada ee ku dhaqan caasimada Hargeysa. Qoraalkan wasiirka ayaa ku soo beegmaya wakhti ay bulshada reer Hargeysa ay aad uga war war san yihiin adeegyadii arrimaha bulshada ee dawlada hoose oo markii horeba liitay in ay dhamaantood meesha ka baxaan, taasi haday dhacdana saamayn wayn ku yeelan karta nolosha bulshada reer Hargeysa, In kastoo maamul ahaan ay kala madax banaan yihiin dawlada dhexe {central government} iyo dawladaha hoose {local government}ay maanta leeyihiin madax banaani buuxda {full autonomies} hadana dawlada dhexe waxay awood u leedahay in ay faragalin toosa {direct intervention} ku samayso dawladaha hoose si looga hortago inay burburaan adeegyada markii horeba aan dhamays tirnayn{liitay} ee ay bixiyaan dawladaha hoose ku wasoo haday bur buraan bulshooyinka magaaloyinka ku keeni kara mashaakil bulsho {social problems}. Qoraalka wasiir waran-cade waxa kaloo oo uu ku soo beegmayaa xili golayaashii deeganka Hargeysa ee la soo doortay ay tahli kari waayeen in ay wax ka qabtaan adeegyada bulsho ee ay u xilsaaran yihiin ee sii xumaanaya ku wasoo  u muuqda inay istaagaan, golaha deeganka Hargeysa oo ka kooban 25-xildhibaan ayaa badidoodu tahay (kuray)dhalinyaro ah kuwaas oo aan lahayn waayo aragnimo shaqo iyo mid maamul oo la xidhiidha shaqada iyo hawlaha muhiimka ah ee dawladaha hoose u qabtaan dadwaynaha soo doortay taas oo la aaminsan yahay in ay dib dhac ku keeni karto bixinta adeegyada bulshadu u baahnayd.

Wadooyinka waaweyn {main roads} ee iskaga gudba galbeedka iyo bariga magaalada iyo kuwa kale ee dhexmara suuqyda caasimada ayaa dhamaantood isu badalay saylado ganacsi oo cidhiidhi ah kuwasoo ay buuxdhaafiyeen kumanaan ganacsato yar yar ah {small business} oo bacad yaala. Kana ganacsada badeecado kala duwan sida ,sarifka

 lacagaha ,jaadka ,khudradaha kala duwan ,dharka,dahabka,kabaha, I.W,M, Si ay uga helaan quutal daruuri gooda kadib markii ay waayeen goobo ku haboon ganacsigooda oo ay xaq ugu leeyihiin inay ka helaan dawlada hoose. Ku ganacsiga suuqayada iyo wadooyinka caasimada oo ah mid sii kordhaaya ayaa waxa ugu sii daray Kumanaan gaadiidka dadwayanaha ah {transport buses} oo istaamo ka dhigtay wadooyinka dhex mara sakadaha magaalada {streets} kuwasoo caqabad ku noqday nadiifinta khashinka meel kasta daadsan iyo isku socodka gaadiidka iyo dad waynaha, sidoo kale waxa suuqyada iyo wadooyinka magaalada culays ku haya gaadiidka xamuulka ah ku wasoo markay dajinayaan ama rarayaan badeecadaha kala xidha wadooyinka markii horeba cidhiidhiga ahaa .si kastaba ha ahaatee gaadiidka kala duwan ee istaanada ka dhigtay wadooyinka iyo badeecadaha tirada badan ee bacadyaalka ah oo aan marnaba ka faaruqin suuqyada ayaa sababay in suuqyada magaaladu ay waayaan cadceed iyo hawo ku filan. khubarada aqoonta u leh caafimaadka iyo faya dhawrka {health and sanitation{experts}ayaa aaminsan in goobaha sidan oo kale ah ay dadku ku badanyihiin {over crowded areas} ee aan helin cadceed iyo hawo ku filan ay ka dhalan karaan cuduro khatara oo aan lagaranayn {unknown hazardous diseases}. La Soco

 

 

 la mid ahi dabcan ka jiraan Waaxaha(Degmooyinka) iyo xaafada ay ka kooban tahay Caasimadu maamulka dhulka oo ah adeega ugu muhiimsan ee Dawlada Hoose Hargeysa bixiso ayaa 15kii sanadood ee ugu danbeyay  noqday mid fawdo ah (folince ) kaaso aan lahayn siyaasad cad oo lagu maamulo iyo mid lagu ilaaliyo(Control and Management Mechanism ) Nidaamka qorshaha dhul bixinta iyo naqshaha magaalada oo ah mid liidata ayaa hadana gacanta u gashay Masuuliyiin badan taaso keenay in qorshaha dhulka kolba sidii la doono loo dhigo  keentayna  in xad-gudub ku dhaco qorshaynta guud ee dhulka ee waaxaha iyo xaafadaha  xad gudubkan oo kale ah sida tan

1.Waxaa la jaray lana dhistay Wadooyin hore u jiray.

2. Waxaa la dhistay sifo sharici daro ahna loo sharciyeeyay dhul dan guud ah oo qaranka mooye cid kale yeelan Karin sida (Buuraha iyo Biyo-mareenada),  biyo mareenada La dhistay ayaa khataro badan keena marka roobabku da,aan. Waxaa goobo ganacsi laga sameeyay dhinacyada dayrarka Iskuulada kuwaaso xidhay Wado lugeedyada dhinac mara Wadooyinka Waaweyn (Side Walks) taaso keentay in gaadiidka iyo dadku isku wado noqdaan.

3. Waxaa marar badan dhacda in dhul qof loo sharciyeeyay loona Caseeyay oo laga saaray nashqada guud ee magaalada hadana mar labaad loo Caseeyo Qof kale Taas oo dhalisa iska hor-imaad bulshada dhexdeeda ah

4. Waxaa Seesas iyo dayrar sharci daro ah lagu jaray Wadooyin qorshaysan Kuwaas oo Sababay in dhismayaal kale raacan. Seesaskaas iyo dayrarkaas oo is waydaar Sakadaha ah abuuray.

5. Waxa la Soo Yareeyay Cabirka wadooyin hore u qorshaysnaa Waxaana la badalay Jihooyinkii (directions) si dhul looga helo taaso keentay cidhiidhi iyo qorshe xumo.