Hargeysa, (Geeska/dpa)- “Idahan iyo riyahu waa batroolka Somaliland. Sacuudigu batrool ayuu aduunka ka iibiyaa, annaguna dhaqaalaha waxaan ka helaa xoolaha aan sucuudiga ka iibino.” Sidaa waxa yidhi, Axmed Cali Nuur, Badhasaabka gobolka Gebilay.
Maqaal jariidada Manila Edition, ka qortay faa’iidada ganacsiga xoolaha u leeyahiin koboca dhaqaalaha Somaliland, aya alagu bilaabay, “Ganacsiga idaha, riyaha iyo geela ayaa si weyn uga socda Somaliland, isla markaana, dadka tuulooyinku ku tilmaamaan “Foostooyin shidaal” waana mid horumariya dhaqaalaha Somaliland oo ku taal geeska Afrika.”
“Idahan iyo riyahu waa batroolka Somaliland. Sacuudigu batrool ayuu aduunka ka iibiyaa, annaguna dhaqaalaha waxaan ka helaa xoolaha aan sucuudiga ka iibino.” Sidaa waxa yidhi, Axmed Cali Nuur, Badhasaabka gobolka Gebilay.
Somaliland, oo aqoonsi buuxa raadinaysa, aya axornimadeeda kala soo noqotay Soomaaliya, markii rajiimkii Siyaad Barre la riday 1991, waanay ka nabadgelyo fiican tahay Soomaaliya, oo AMISOM, hogaamiye-kooxeedyo iyo Shabaab ku hirdamayaan maamulkooda.
Dekedda Berbera ayaa dhowaan xoolo gaadhaya dhowr milyan uga dhoofeen magaalada Jidda, oo gowracii xoolaha xajku ka socdeen. Seylada xoolaha Hargeysa, ayaa neefka idaha iyo riyahu taagnaayeen 70 dollars. Ganacsatada ayaa tirinayey xidhmooyin lacagta Somaliland oo kun-ka shillin ku sawirnaa xoolo maraakiib lagu rarayo.
''Aqal walba waxay haystaan laba ama saddex riyaad oo hilib iyo caano caruurtooda ka siiyaan.” Ayuu yidhi Ciise Nuur Liibaan, aqoonyahan caafimaadka xoolaha. Isagoo raaciyey, “Dhaqashada xoolahu waa dhaqankayaga, iyo nolosha. Waxay ku jiraan maskaxda qof walba.”
Xoolaha ku dhaqan Somaliland ayaa lagu qiyaasaa inay ka badan yihiin tirada dadka ku nool oo gaadhaya 3.5-million. Cashuuraha laga helo dhoofka xoolaha ayaa kala badh loo adeegsadaa kharashka xukuumada. Waxaana jira saddex wasaaradood gaar u leeyahiin Beeraha, xoolaha iyo kaluumaysiga.
''Markaad qiimaysid in dhoofka xoolahu labanlaabmay saddexdii sannadood u danbeeyey, meel dagaalo jaar la ah, waa layaab,” ayey tidhi Isabel Faria de Almeida, khabiir horumarka dhoofka u qaabilsan Midowga Yurub.
Midowga Yurub ayaa kharash gaadhaya 23 million euros ku dhisaya maxjaro iyo gobo laga raro xoolaha, si loo kobciyo dhaqaalaha dhoofka xoolaha.
Xoolahan oo laga iibiyo Sacuudiga iyo suuqyada barriga dhexe aya aqaarkood laga keenaa koonfurta iyo badhtamaha Soomaaliya. ''Waxa jira dekedaha Muqdisho iyo Kismaayo, taasoo hadii dib loo furo, halis ku ah faa’iidada Berbera.”