Taageerayaasha KULMIYE Oo Shalay Si Laxaad Leh Isugu Soo Baxay Gobalada Dalka

0
646

 

 

sayHargeysa (Geeska)- Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan Cabdilaahi ismaaciil (Saylici) ayaa khudbad dheer u jeediyay Kumanaan ka mid ah taageereyaasha xisbiga tallada haya ee KULMIYE, kuwaasi oo shalay si balaadhan isugu soo baxay fagaaraha beerta xorriyadda Hargeysa.

Kumanaan ka mid ah taageereyaasha xisbiga KULMIYE oo sitay sawiradda murashaxiinta xisbiga KULMIYE ee degmada Hargeysa iyo calanka xisbigaasi ayaa shalay iskugu soo baxay maalintii koowaad ee xisbiga KULMIYE u lahaa kaltanka ololaha doorashada.

Boqolaal Gaadiid ah oo ay saaran yihiin taageereyaasha KULMIYE ayaa samxad xoog leh ka abuuray jidadka faras-magaalaha, kuwaasi oo ku dhawaaqayay hal ku dhigyo ay ku taageerayeen murashaxiinta KULMIYE u soo xulay Golaha deegaanka Hargeysa.

Waxa kale oo xaflada dhoola tuska xisbiga KULMIYE ku qabsaday fagaaraha Beerta Xoriyadda ka qeyb galay Wasiirro, Xildhibaano ka tirsan Goieyaasha Baarlamaanka ee wakiiladda iyo Guurtida iyo musharixiinta u taagan golaha deegaanka caasimadda.

Guddoomiyaha Xisbiga KULMIYE Md. Muuse Biixi Cabdi oo ka hadlay halkaasi ayaa si weyn ugu mahad celiyay taageereyaashooda, waxaanu u soo jeediyay inay soo saaraan oo ay doortaan murashaxiinta 23-ka degmo doorasho ee ay u soo xuleen Goleyaasha deegaanka oo uu tilmaamay inay dhammaantood yihiin xubno aqoon iyo karti leh oo ka soo dhalaali kara masuuliyadda dawladaha Hoose.

Guddoomiyaha KULMIYE waxa uu intaasi ku daray in xukuumadda ka dhalatay xisbigooda ee tallada dalka haysaa ay labadii sannadood ee ay xilka haysay ay muujisay wax qabad.

Wasiirka waxbarashada iyo tacliinta sare marwo Samsam cabdi Aadan, oo halkaas ka hadashay ayaa iyaduna ka sheekaysay wax qabadkii xukuumadooda, waxaanay sheegtay inay ku faanayso inay ka tirsantahay xisbiga KULMIYE. Wasiirka kalluumaysiga Md. Cabdillaahi Cismaan Geeljire ayaa isna fagaarahaas ka hadlay.

Madaxweyne Ku xigeenka Somaliland Md. C/Raxmaan Cabdilaahi ismaaciil (Saylici) oo ka hadlay xafladaasi ayaa khudbad dheer ka jeediyay waxaanu kaga xog waramay waxyaabihii dawlada u qabsoomay, “Mudanayaal iyo Marwooyin. Ugu horeyn, waxan salaan iyo mahadnaq u dirayaa dhamman shacbiga Somaliland gudo iyo dibedba meelkasta oo ay joogaan. Aniga oo og mar kalena uga mahad celinaya taageerada buuxda ee ay xukuumadda la garab taagan yihiin taageerayaasha iyo bahweynta xisbiga kulmiye, waxaan idiin rajaynayaa inaad halkaa ka sii waddaan dedaalkina, annaguna waxaanu ballanqaadaynaa in aanu dhinacayaga dedaalka halkaa ka sii wadi doono oo aanu sii kordhin doono.”  Ayuu yidhi Saylici oo ay khudbadiisu aad u dheerayd.

Magaalada Burco, waxa iyaguna KULMIY kala qayb galay ololaha doorashada wasiirka arrimaha gudaha Md. Maxamed Nuur Caraale, guddoomiye xigeenka KULMIYE Maxamed Kaahin iyo siyaasiyiin kale. Magaalooyinka Borama, Ceerigaabo, Berbera, Lascanod iyo kuwo kale ayuu KULMIYE ku soo bandhigay olole xoogan.