Warbixin: Dawladda Maraykanka Iyo Taageerada Kor-U-Kaca Dhaqaalaha Soomaalida Iyo Doorka HORN GARDENS

0
1056

Hargeysa(Geeska)-Warbixin uu soo saaray xafiiska Dublamaasiyadeed ee dawladda Maraykanku ku leedahay Somalia 14kii bishan February ee 2019 ayaa lagu sheegay in Dawladda Maraykanka ay ka go’an tahay sidii loo abuuri lahaa Berri maanta ka wanaagsan iyadoo loo marayo kobcinta dhaqaalaha Soomaalida iyo shaqo abuuris.

Dawladda Maraykanku waxay ballan-qaaday in $70million oo dhaqaale ah ay ku bixiso sidii loo xoojin lahaa mashaariicda ku aadan wax-soo-saarka iyo shaqo-abuurka.

Safiirka dawladda Maraykanka u fadhiya Somalia Donald Y. Yamamoto ayaa bishan booqday shirkado Somaliyeed oo taageero ka hela sanduuqa Maraykanka ee USAID iyadoo lasoo marinayo mashruuca GEEL. Intii uu booqashada ku jiray waxa uu yidhi Ambasadoruku; “Dawlada maraykanku way ku faraxsan tahay inay dib ugu soo noqoto taageerada dadka Somaalida ee dhanka wax-soo-saarka iyo shaqo-abuurka, anagoo arkanya inay diyaar u yihiin kor-u-qaadista ganacsiga”

Ganacsiyada guusha gaadhay, taageeradana ka helay sanduuqa horumarinta Maraykanka ee USAID waxa ka mid ah;

HORN GARDENS oo tusaale u ah sida USAID ay wada shaqayn ula yeelan karto hormoodka ganacsiga Soomaalida ee leh hiigsasho dhab ah si ay uga midho-dhaliyaan.

Horn Gardens waxay muddo dhawr sanno laga joogo ganacsiga ka bilowday hal guri oo cagaaran (Green House) iyadoo maanta noqotay hogaamiyaha hab-beeritaan aqoon leh, waxaanay macaamiisha siisaa agab beereed tayo leh, sidoo kale waxay gacan siisaa beeralayda kale si ay guulo u gaadhaan. Wakhtigan xaadirka ah waxay la shaqeeyaan 31 beerood oo ay bareen Guryo cagaaran oo cimilada dalka la jaan-qaadi kara iyo habka waraabka ee dhibic-dhibicda si 80% loo yareeyo isticmaalka biyaha. Waxa kale oo xusid mudan in hababka loo maamulo beeraha casriga ah ay ka taageeraan 400 oo beerood.

 

Waxa aanu fursado u abuuraynaa dumarka beeralayda ah iyo dadka halabuurka ganacsi ku jiro anaga oo wada-shaqayn la yeelan doona MicoDahab. USAID waxa ay dumarka ganacsatada ah ka caawinaysaa inay Amaah qaataan si ay u kabaan ganacsigooda beeraha.

Dumarka Soomaalida caqabado ayaa ka haysta qaadashada Deynka, si loo jabiyo caqabadahaas GEEL waxay la shaqaysay Baananka iyo ganacsiyada dumarka si loo helo xalal waara. Geel waxay taageertay mid kamida haweenka ugu horeeya ganacsiga Soomaalida oo leh shirkadda Somfresh waxaanay deyn ka heshay Dahabshiil Bank si ay u suuragaliso fulinta hawleheeda ganacsi ee Jumladda iyo tafaariiqda Khudradda, taasi oo wax ka tari karta kaydinta khudradda, iyadoo loo samaynayo bakhaar leh cimilo sugan (Cold Storage).

Waxa sidoo kale ka mid ah shirkadaha mashruuca GEEL ka helay taageerada; Habo Tunna Canning Factory oo si toos ah u shaqaalaysay 160 qof kana iibsata kalluunka 2000 oo dabato. Tageerada USAID ayaa shirkaddan u suura-galiyay inay dib isku habayso adeegeena ay ballaadhiso sanadkii 2017.

USAID waxay wada shaqayn la leedahay qaar kamid ah shirkadaha xoolaha nool ee ay kamid yihiin Irmaan Dairy, Beder iyo Sommilk iyadoo kor loo qaadayo tayada iyo waxsoosaarka caanaha.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here