Waraysi Gaar Ah; Wasiirka Arrimaha Dibadda Dr Sacad Cali

21
3416

Hargeysa (Geeska)-Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dr Sacad Cali Shire, ayaa ka hadlay aragtidiisa ku saabsan in ka mid ahaado Golaha Wasiiradda labada Xukuumaddood ee taladda dalka iskaga dambeeyey ee Axmed Siillaanyo iyo Muuse Biixi, Siyaasada Arrimaha Dibadda, qaabka ay u dhacday Munaasibadii Xil wareejintu,mawqifka Somaliland ee Qudus iyo qodobo kale.

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibadda Dr Sacad Cali Shire oo Wargeyska Geeska Afrika wareysi la yeeshay ayaa wuxuu wareysigu u dhacay sidan

Muddo xilkeedkii todobada sanno iyo badhka ahaa ee Xukuumadda Madaxweyne Siillaanyo,labadii sanno ee hore waxaad ka ahayd Wasiirka Qorsheynta, intii ka dambeeysayna Wasiirka Arrimaha Dibadda ayaad ahayd, oo haddana Madaxweyne Muuse Biixi isla xilkan Wasaaradda Arrimaha Dibadda uu ku magacaabay, sidee ayaad u aragtaa?

Xil aad iyo aad u muhiim ah, Madaxweynihii xilka ka dagay ee Muddane Axmed Maxamed Maxamuud (Siillaanyo), haddii uu hore igu magacaabay Wasaaraddaha Qorsheynta iyo Arrimaha Dibadda, waan uga mahadnaqaya, haddii uu Madaxweynaha hadda taladda dalka loo doortay ee Muddane Muuse Biixi Cabdi, haddii uu mar kale ii igmaday Wasaaradda Arrimaha Dibaddana, waan uga mahadnaqayaa, insha allaah ILLAAHAYNA waxaanu ka baryeynaa inuu nagu asturo, Madaxweynahana  waxaanu ka rajaynaynaa in wixii taageero ah ee aanu uga baahano uu inala garab taaganayo insha allaah.

Muddadii aad ahayd Wasiirka Arrimaha Dibadda, maxa iska bedelay Siyaasada Arrimaha Dibadda Somaliland, ma horumar baa laga gaadhay mise dib u dhac?

Labadii sanno ee ugu horeeyey xidhiidh badan baan sameeynay, sidii loo dhisi lahaa Wasaaradda, gudde iyo dibadba taas waanu ku guulaysanay, imikana waxaanu xooga saarnaynaa sidii aanu ugu guulaysan lahayn qadiyada ictiraafka iyo iskaashiga caalamiga ah iyo waliba maalgashiga, waxaan odhan karaa Dawladda badan baynu xidhiidh la yeelanay, wax inoo hagaagay mooye, waxba inagamay xumaan, oo xitta wadamo badan baynu Wakiilo ku yeelanay.

Halkee ayuu ku dambeeyey codsigii shacabka reer Somaliland (Petition), ay Beesha Caalamka kaga codsanayeen in Aqoonsi la siiyey iyo warbixintii aad ku ururseen?

Codsigaas ay Shacabkeena kol hore ay ku dalbanayeen aqoonsiga, ee aanu kal hore ka qaaday, waa arimaha markhaatiga ka ah mawqifka ay dadkeenu ka taagan yihiin gooni isutaageena, sannadkii 2001 boqolkiiba todoba iyo sagaashan (97%), ayaa Dastuurka u codeeyey, Dastuurka oo gundhig u ah Madax banaanideena, codsigan (Petition), hal milyan baanu ka qaadnay, waxayna Shacabkeenu muujiyeen inay yihiin Wadan madax banaan oo doonaya inuu ka mid noqdo bahda caalamka.

Adigu waxaad ahayd Guddoomiyihii Guddida qaban-qaabada xil wareejinta Madaxweynaha, markaas maxay xil wareejintani kaga duwanayd kuwii ka horeeyey, maxa se ku cusbaa?

Runtii xil wareejinadii hore si fiican bay inoogu dhici jireen munaasibadahoodu, balse Munaasibadan xil wareejintu si aad u qiimo badan  bay inoogu dhacday, mahadaas oo dhana ILLAAHAY baa iska leh, si nabada ah oo nidaam wanaagsan bay inoogu dhacday, waxay inagala soo qayb galay dad badan, oo ajinabiya, oo ay ka mid yihiin Wasiiro, Xildhibaano, Safiiro, Warbaahin caalamiya, Siyaasiyiin, Khubaro, intuba wey inagala soo qayb galeen si fiican wey inoogu dhacday, tusaale ayeyna u ahayd in Geeska Afrika meel iskugu yimadaan, Saddex Madaxweyne oo xilka isku dhiibay, Madaxweyne ku xigeenadii dalka soo maray oo iyana goob joog ahaa, waana wax taariikhda wadamada afrika aan looga baran, tusaale cadna waxay u ahayd geeddi socodka Dimuqraadiyadeena, halkaas ayaana ka sii wadi,

Qaramada Midoobay, Midawga Yurub, Doorashadii Somaliland iyo qaabka ay u dhacday Shacabka reer Somaliland wey ku bogaadiyeen, balse maxa sababay in Jaamacadda Carabta, Ururka Afrika iyo IGAD, ay ka hadli waayeen, isla markaana hambalyeyn waayaan?

Horta IGAD wefti bay inoo soo dirtay, oo joogay, Jaamacada Carabtana xubin kama nihin, laakiin Madaxdu waxay si toos ah u bogaadiyeen Madaxweynaha, oo wey soo tahniyadeen, waxaana ku kalsoon nahay in tahniyada meelo fara badan ka heli doono.

Madaxweynaha Mareykanku wuxuu ku dhawaaqay inay Qudus tahay Caasimadda Israil, Wadamo badan oo Islaam ahina si adag bay uga soo naqdiyeen, markaas waa maxay mawqifka Somaliland ee ku aadan Qudus?

Mawqifka Somaliland, waa mawqifka ay dawladdaha islaamka iyo ahi ka qabaan iyo sidoo kale mawqifka jamiicyada Qaramada Midoobay oo Qaramada Midoobay ka dhexeysa waxay u haysta Qudus meel la haysto, Markeykankuna waxaanu lahayn ma bixin karo, markaas inaga mawqifkeenu waa kaas Dawladda Islaamka

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here