Waraysi Gaar Ah: Wasiir Sacad Cali Shire

0
884

Dr-Sacad-Cali-ShireHargaysa( Geeska )-Wasiirka qorshaynta qaranka iyo xidhiidhka hay’adaha Md. Sacad Cali Shire, ayaa soo jeediyay aragti uu u arko in xal lagaga gaadhi karo khilaafka wershadda sibidhka Berbera, taas oo ah in wershadii hore ee sibidhka wada jir loo wada maalgashado.

Wasiir Sacad, oo shalay waraysi gaar ah siiyay Wargeyska Geeska Afrika, wuxuu ka hadlay wershada sibidhka Berbera, isagoo sheegay inaanu hadda u muuqanin suuq dihin oo dhinaca sibidhka ah oo wershad sibidh oo Berbera laga sameeyaa haysto, sidaas daraadeed wuxuu tallo ku soo jeediyay in wixii khilaaf ah ee wershadaas ku saabsan wada hadal lagu dhameeyo, lana maalgashado hal wershad oo keliya. Wasiirku, waxa kale oo uu ka hadlay eedayn uu Salaasadii wasiirka arrimaha gudaha Somaliland u jeediyay hay’adda UNDP. Waraysigaasina wuxuu u dhacay sidan:

Waxa jiray qorshayaal aad ugu talo gasheen in lagula xisaabtamo, hay’adaha wadanka ka shaqeeya, arimahaasu halkay ku danbeeyeen?

Way jirtaa arintaasu, oo sharcigii baarlamaanku ansaxiyay, madaxweynuuna saxeexay waxa uu dhigayaa in hay’dahu ay qorshahooda inala soo socod siiyaan, markay wadanka yimaadaan isla markaasna ay ka soo war baxiyaan mashaariicda ay qabtaan, arinkaas ayaanu runtii ku dhaqaaqnay fulintiisa, oo aan ka wada codsanay inay noo-soo gudbiyaan qorshayaashooda, kana soo warbaxiyaan tii ay kal hore qabteen, qaarna waa ay noo soo jawaabeen oo waa ay noo soo direen waxii aynu waydiisanay, qaarna wali noomay soo jwaabin,taasi halkaasay maraysa waana wax sharciyaan loogu leeyahay.

Wasiirka arimha gudahu waxa uu sheegay in waxqabadkay sanadkii hore u balan qaaday hay’ada UNDP ciidanka booliska aanay waxba ka qabsoomin, arintaas sidaad u aragtaa?

UNDP-da marshuuc baa jira la yidhaahdo SIDP oo ay wasaaradaha ku kaalmayn jireen qaarkood, xaga farsamada, markaas sidii ay u shaqayn jireen waxbay ka badaleen, kadib markii ay badaleen madaxii shaqaalahooda, markaas waa ay jiraan hawlo ay ahayd kal-hore inay qabtaan oo baaqi ku ah, mana aha wasaarada arimaha gudaha oo kaliyaata, xataa wasaaraddayadu waa kamid, oo wasaarado badan baa jira oo waxii ay ka filayeen aan ka helin.

Dhawaanbay noo yimaadeen si arinkaas looga wada hadlo, waxaanu u sheegnay baahidayadu waxa ay tahay iyo waxii dhimanba, waa ay isku maqan  yahiin, markaas waanu ka war sugaynaa.

Dhanka kale mudane wasiir sida la wada ogsoonyahay waxaad tahay wasiirkii qorshaynta, wasiiradduna deegaanda ay ka soo jeedaan waa ka wakiil markaad nidaamkeena eegto,  Berbera waxa ka taagnayd arintii laysku maan dhaafsanaa ee dhisitaanka warshadaha sibidhka, markaas waxaan ku waydiin lahayn-bal arintaasu halkay cago dhigatay?

Sida aad la socotaan dawladii hore shirkad bay ruqsad u siisay inay warshadii hore ee dawlada ay dhistaan, ruqsad kalana waxa la siiyay warshad kale oo la yidhaahdo Sahil Cement, halkaas waxa ka yimi runtii xoogaa khilaaf ah, inkasta oo labada qolaba markii hore ay doonayeen inay isku darsadaan oo ay hal shirkad oo kaliya wada yeeshaan, caqliguna sidaas ku siinaayo, waayo runtii wakhigan xaadirka ma lahin shirkado warshado qaada, ama suuq la xaqiijiyay oo gacanta lagu hayo oo marka aynu soo saarnaba inaga qaadanayaa ma jiro.

Isku soo duuboo waa arin ganacsi, dadkuna ganacsiga waa ay ku heshiiyaan ama waa ay isku khilaafaan, arinkii hadda dawladaa lagu wareejiyay, arinkuna si kale maahee waa arin ganacsi.

Waxa jiray qodabo aad ka soo saarteen kulan xal loogu raadinayay khilaafkaas, oo adiga iyo wasiirka arimaha gudahu aad la yeelateen guddida horumarinta gobalka Saaxil, qodabadii halkaas ka soo baxay halkay ku danbeeyeen?

Horta shirkada iyo dhulsiintu waa arin gaar ah, taas macnaheedu maaha in wax ay ka badalayso xalkii aan soo jeedinay ama laguma heshiin karo, maadaama oo warshada Sahil Cement la siiyay ruqsad, warshada laga samayn maayo hawadee meel baa laga samaynayaa,  haddii meel loo cayimo dee waa arin xalka daba socda, taas macnaheeduna maaha laguma heshiin karo in warshadii hore la wada yeesho, anigu waxan aad ugu  rajo weynahay  haddii aynu nahay Somaliland in warshadaas hore laysugu tago oo la’wada maalgashado, oo la dhameeyo waxii khilaafa ee ka taagan xaga saamiyada, anigu sidaas ayaan aaminsanahay.

Ugu danbayn, waxaad ka mid tahay wasiirada ugu culus xukuumadda haatan, dhawaan shirkii London-na in Somaliland iyo Somaliya danahooda ka wada hadlaan ayaa ay beesha caalamku ka soo saartay, wada hadalkaas sidaad u aragtaa inuu u dhaci karo?

Imikaba wada hadal waa aynu la yeelanaa wadamadda aynu jaarka nahay, oo Itoobiya waa aynu la hadalnaa, Jabuuti waynu la hadalnaa,  Somaliya-na wadamadaas ayuunbay kamid tahay, waxaana intaas inoo  dheer inaga dano faro badan oo inaga dhaxeeya Somaliya ayaa jira, ama hanti ha’ahaato ama dad ama nabadgalyoba ha’ahaato, markaas anigu waan qabaa in lala hadlo, oo aynu u wada hadalno sidii laba dawladood, waxaynu ka wada hadlaynaa laba dawladood oo jaar ah waxii dano ah ee ka dhaxeeyn jiray, ama dhaqaalo ha’ahaadaan, ama siyaasad ama nabadgalyo.