Waraysi Gaar Ah: Fu’aad Aadan Cadde

0
684

130fuaadHargeysa(Geeska)-La taliyaha Madaxweynaha ee gobalada bari Md. Fu’aad Aadan Cadde, ayaa ka hadlay sida uu u arko qodob ku jiray war-murtiyeedkii ka soo baxay shirkii Ingiriiska oo dhigayay inay wada hadlaan Somaliland iyo Somaliya.

Md. Fu’aad, oo xalay waraysi gaar ah siiyay WargeyskaGeeska Afrika, wuxuu sheegay inuu soo dhawaynayo wada hadalkaas oo uu sheegay inuu isagu muddo dheer aaminsanaa. Waraysigiina wuxuu u dhacay sidan:

Shirkii  London waxa ka soo baxay qobo ay kamid yahiin in Somaliland iyo Somaliya wada hadasho, markaas adiga siduu wada hadalkaas kuula muuqadaa?

Madaxweynaha iyo goleyaasha iyo salaadiinta iyo cid walba waan  ku hanbalyaynayaa, wax bari hore loo baahnaa buu ahaa, aduunyadu markay sideenaa u kala noqonaysa labada dal ee kala noqnaya ayaa ka wad hadla arimahaas, horaan u idhi mar ay xildhibaano tageen meesha la yidhaahdo Jabuuti oo halkan lagaga kacay oo  ay goleyaashu diideen ayaan ka hadlay oo waxan idhi waa istubidh In la yidhaahdo meeshii Somali joogtaba halaga cararo.

Maanta haddaynu qaadanay oo uu madaxweynaheenu ku hogaaminaaya aad iyo aad ayaan u hanbalyaynayaa, dantu meeshay inaga gashaba waa inaynu galnaa, markaas qodobakaas wada hadalku waa qodab aad iyo aad u wanaagsan weeye.

Waxa hadda aad looga hadal hayaa bal qaabka ay Somaliland iyo Somaliya ku    wada hadli karaan caynka uu noqnaayo, adiga aragtidaada siday kala tahay in lagu wada hadli karo?

Horta dunidan waa laynala xukumaaye kaligeen ma xukuno, wada hadla ayaana  layna yidhi, shirka Turkigana dabcan way ku jirtaa wada hadalka, dee nin waliba waxiisa ayuu sheeganayaa, waxa laga yaabaa qoladaasu inay tidhaahdo dee nagu soo biira, waxa lagama maarmaanka ahina waxa weeye horta in la ogaado oo iyaguna ay ogaadaan inaynu nahay Somaliland iyo Somaliya, haddaad ka dhigto waqooyi iyo koonfur horta cid dafiraysaa miyay jirtaa, dadkaas oo wada hadlaaya oo gudboon ayaynu noqnaynaa, ninkii taas ka booda ee yidhaahda sidii barigi hore waan ku liqayaana ma suuroobayso, inaguna  inaynu wada hadalka ka cararno ma suuroobayso, markaas danbaa laga wada hadlayaa inaguna teenaynu jeedsanaynaa iyaguna tooda.

Haddii dunida waa laynala xukumaaye ay arinku noqdo inaynu isku noqono waxa banaan inaynu halkana dawaldeenii ku yeelano halkaasna aynu qayb gayno, dee hadaynu teena ku guulaysanona kaba sii wanaagsan.

Xukuumadda Somaliland waxa wada hadalkaas ku xidhay in horta Somaliya loo soo dhiso dawlad dadka matasha, siday taasi kuul muuqataa?

Horta marka la wada hadlaayo shuruuduhu  waa ay bataan, inagu waxaynu leenahay in dawlad loo sameeyo, iyaguna waxay  kalay odhanayaan, qolana waxii laakiin bir kuma goynayso, meel adag ayay istaagyaan meel adag ayay istaagayaan, Vietnam ayaan la socday oo markii Maraykanku ka baxay waxa in mudo ah laga wada hadlaayay halkee lagu wada hadlayaa, Paris baa lagu heshiiyay, miiska yaa ka soo qayb galaaya ayaa hadana muddo laga hadlaayay, intaas kadib ayaa haddana laga hadlay maxa laga hadlayaa ama hadalku maxuu noqonayaa. waa la kala cadhoonayaa waana laysku soo noqnayaa waxii illaahay qoraana waa ay dhacayaan, laakiin wada hadalkaas waxa laga yaabaa inuu muhiimad badan inoo yeesho.