Wararkii U Dambeeyay Ee Wada Hadalo Fool-Ka-Fool Ah Oo U Bilaabmay Xisbiga Waddani Iyo Guddiga Doorashada

43
3258

Hargeysa(Geeska)-Waxa shalay kulan fool-ka-fool ah yeeshay guddiga doorashooyinka iyo madaxda xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, kaas oo lagaga wada hadlay go’aankii uu xisbiga Waddani ku hakiyay wada shaqayntii guddiga doorashada.

Kulankan ayuu xisbiga mucaaradka ah ee Waddani, guddiga doorashada wuxuu ugu gudbiyay liis tabashooyin ah oo uu ka tirsanayo hanaankii doorashada, waxaanay guddiga doorashadu si rasmi ah Waddani uga guddoomeen cabashooyinkii, iyagoo ku wargeliyay inay ka war sugayaan saacado gudahood si ay ugu soo jawaab celiyaan.
Sida ay warar xogogaali u sheegeen Geeska Afrika, waxa ay isla xalay labada dhianc yeesheen kulan labaad ka dib markii uu ay gudiga doorashadu soo sameeyeen wada tashi dhexdooda ah, waxaana kulankan dambe oo ahaa mid balaadhan ay labada dhinac ku faaqideen cabashooyinka uu Waddani u bandhigay iyo sida ay guddiga doorashadu u arkaan.
Sida ay wararkani sheegeen, waxa ay labada dhinac xalay isla qaateen inay saaka isugu yimaadaan kulan kale oo xal lagaga gaadho cabashooyinka xisbiga Waddani si mar kale loo bilaabo hawshii wada shaqaynta labada dhinac ee uu xisbiga Waddani hakiyay.
Geesta kale murashax Cabdiraxmaan-cirro ayaa saxaafdda u sheegay inuu wada hadal u bilaabay xisbiga iyo guddiga doorashada, “Waxaan u sheegaynaa dhammaan shacabka Somaliland iyo taageerayaasha xisbiga Waddaniba inuu wada hadal u bilaabmay guddiga doorashada iyo xisbiga Waddani, si loo xalilo codsiga iyo tabashada uu gudbiyay xisbiga Waddani, wada hadalkii koowaad waanu yeelanay waanan u gudbinay wixii dareen ah iyo tabashoyion ahba ee aanu u aragno in xaaladda lagaga bixi karayo oo ah is qancin, kuna saabsan dhammaan wixii xisbigu dalbaday inay fuliyaan, waxaanan isugu iman doonaa wada hadal kale oo aanu ku heli doono go’aanka komishanka, waxaanan shacabka ugu baaqaynaa inay naga war sugaan waxaanan rajaynaynaa in xaaladaas la xaliyo oo xal laga gaadho oo la qanciyo xisbiga iyo taageerayaashiisaba.”
Wuxuu tacsi u diray dadkii ku geeriyooday rabshadihii ka dhacay Hargeysa iyo Burco, isagoo ciidamada ammaanka ugu baaqay inaanay shacabka u adeegsan rasaast, “Waxaanu tacsi u diraynaa dadkii shacabka ahaa ee ku geeriyooday shaqaaqadii ka dhacday Burco iyo Hargeysaba, waxaanan Alle uga baryayaa inuu naxariistii jano siiyo, intii dhaawacantayna inuu caafimaad deg deg ah siiyo.”
Isagoo ciidamada la hadlaya wuxuu yidhi “Waxaanu ugu baaqaynaa ciidamada ammaanka inay u tudhaan shacabkooda ay masuulka ka yihiin ammaankiisa ee aan hubaysnayn inay u adeegsadaan rasaas nool nool.”

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here