Wararkii U Dambeeyay Ee Mooshinka Maamuus Ka Xayuubinta Farmaajo Iyo Mudaharaado Iska Soo Horjeeda Oo Ka Dhacay Muqdisho

0
1344

Hargeysa(Geeska/W.Wararka)-Soomaaliya ayaa u muuqata inay galayso qalalaase siyaasadeed oo hor leh, ka dib markii ay xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Soomaaliya gudbiyeen mooshin ah maamuus ka xayuubinta Madaxweyne Maxamed Farmaajo.

Xildhibaano katirsan golaha shacabka Soomaaliya ayaa sheegay in guddoomiyaha ay u gudbiyeen mooshin ka dhan ah madaxweynaha Soomaaliya, Maxamed Cabdillaahi Farmaajo.

Guddoomiyaha golaha shacabka, Maxamed Mursal ayaa sheegay inuu qabtay mooshin ka dhan ah madaxweynaha. Xildhibaannad waxay sheegeen in madaxweyne Farmaajo uu si aan waafaqsaneyn dastuurka qodobka 36aad uu dowladda Ethiopia uu ugu dhiibay Cabdikarim Qaldbi-Dhagax, taasoo xad-gudub ku ah dastuurka Soomaaliya.

Xildhibaannada ayaa sheegay in madaxweyne Farmaajo uu heshiisyo iyo is-afarad qarsoodi ah la galay dowladda shisheeye, oo sheegay inay la saxeexdeen Soomaaliya heshiishyo lagu wareejinayo dekedaha Soomaaliya, Sidoo kalena lagu mideynayo waddamada Soomaaliya, Ethiopia iyo Eritrea.

Xildhibaannada ay qodobada kale ee madaxweynaha ku eedeeyeen waxaa ka mid ah inuu ku faragelin ku sameeyay arrimaha gaarka u ah maamul-goboleedyada, sida doorashooyinka, deeganaanshaha amni iyo siyaasaeed, isagoo ciidamo u diray si loo afduubo doorashada Koonfur-Galbeed.

Madaxtooyada Soomaaliya, ayaa saxaafadda Muqdisho u sheegtay inay aaminsantahay inay mooshinkan maamuus ka xayuubinta Farmaajo ka dambeeyaan dawlado shisheeye oo aanay magacaabin.

Xildhibaanada Mooshinka gudbiyay ayaa shalay sheegay in xabsi guri la geliyay guddoomiyaha Baarlamaanka Maxamed Mursal, kaas oo ay sheegeen in uu hayo hindisaha xilka qaadista madaxweynaha, waxaanay sheegeen in loo diiday inay tagaan guriga guddoomiyaha oo ku dhex yaala madaxtooyada Soomaaliya.

Moshinka ayaa kiciyay xiisad siyaasadeef oo cusub, waxaana magaalada Muqdisho ka dhacay laba banaanbax oo midna looga soo horjeedo mooshinka midna lagu taageersan yahay.

Dadka siyaasadda falanqeeya ayaa aaminsan inay sharci ahaan adagtahay jidka loo marayo maamuus ka xayuubinta Madaxweynaha Soomaaliya, laakiin waxa ay talaabadan ay xildhibaanadu mooshinka ku gudbiyeen ku noqonaysaa Madaxweyne Farmaajo tumaati siyaasadeed iyo nabar cusub oo ay mucaaradkiisu la heleen.

Wararkii ugu dambeeyay ayaa sheegaya inay Madaxweyne Farmaajo iyo Raysalwasaare Farmaajo bilaabeen qorsheyaal ay doonayaan inay ku fashiliyaan mooshinkan, waxaana qorshahan hoggaaminaya labada guddoomiye ku xigeen ee Baarlamaanka oo si adag uga horyimid guddoomiyahooda Mursal.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here