Hargeysa(Geeska)-Siyaasiga caanka ah ee Xasan Ciise Jaamac, oo ahaa madaxweyne-xigeenkii u horeeyay ee Somaliland haddana ka tirsan madasha wada tashiga, ayaa si adag uga hadlay warqadda la sheegay inay Wikileaks faafisay.
Xasan Ciise, ayaa warsaxaafadeed uu soo saaray wuxuu u qornaa sidan “Arinta lagasoo wariyay Wikileakes ee sheegaysa in wasiiro ka tirsanaa xukuumada Somaliland ay galeen heshiisyo Somaliland ka dhigayaa gobal ka tirsan nidaamka fadaraalka ee Somaliya, hadii ay rumowdo, waxa weeye khiyaamo qaran tii ugu darayd ee wadankan soo marta intii la soo celiyay madax banaanida Somaliland tan iyo may 1991.
Waxaa layaabka leh in eed itaas le’eg aanay ilaa imika xukumada Somaliland ka soo saarin wax war ah oo rasmi ah oo dadka u cadaynaya sida ay wax u jiraan!
Culayska ay arintani leedahay awgeed iyo sida ay xukuumadani uga aamustay waxay lama huraan ka dhigayaan in si deg dega la isugu yeedho baarlamaanka ooy fadhi qayru caadiya isugu yimaadaan. Baarlamaanku waa in uu sugaa sida ay arintani wax uga jiraan kana joojiyaan xukuumada wax kasta oo kale inta arintan gunteeda la soo xaadhayo. hadii arintani sugnaato waa in la isugu yimaado shir qaran oo go’aanka ku haboon lagu qabto, maxkamad gaar ahna lagu saaro cida ay khusayso.”