Wakiilka Yemen Oo Ka Hadlay Xidhiidhka Ganacsi Ee Somaliland Iyo Yemen  

0
613

Picture3Hargeysa (Geeska)-Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Yemen danjire Cali Maxamed Axmed, oo hadda ku sugan caasimadda Somaliland ee Hargeysa ayaa ka hadlay kulan uu la yeeshay Guddida Jahliyada dalka Yemen ee Somaliland ee fadhigoodu yahay Magaalada Hargeysa, waxaanu sheegay in ujeedada kulankaasi ahaa sidii uu u ogaan lahaa xaalada dhabta ah ee ay ku sugan yihiin, waxaanu tilmaamay inay ka mahad sheegteen Xukuumadda oo ay mar walba garab taagan.

Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Yemen Cali Maxamed Axmed, ayaa isaga oo wareysi ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika waxa uu sheegay in xidhiidh soo jireen ah oo qoto dheer uu ka dhexeeyo Somaliland iyo Yemen,oo sinaba aanay labada dal u kala maarmi karin, waxa kale oo uu tilmaamay in dagaalada Yemeni ay Sameeyn ku yeesheen ganacsigii labada dal, balse hadda ganacsigii uu dib u bilamay, oo uu meel wanaagsan marayo, waxaanu ugu horeyn hadalkii uu ku bilaabay sidan “Waxa aanu la kulanay Guddida Jaaliyada Yemen, ee fadhigeedu yahay Magaalada Hargeysa, waxa aan ugu tagay in wixii dhibaato ee haysta iyo qaabka ay u wada shaqayaan Xukuumadda Somaliland in aan ka waraysto, waxa igu weheliyey Cabdixakiin Axmed, oo ah la taliyaha Guddida, run ahaantii aad iyo aad ayey uga mahadnaqeen Xukuumadda Jamhuuriyadda Somaliland sida ay u wada shaqayaan iyo sida ay gacan uga siiso xalinta khilaafkooda, waxa ay kale oo ay nala socodsiiyeen in ilaa iyo laba kun oo qof oo Yemen oo Qaxoontiyi dalka ay joogaan, iyo 270-Arday oon ilaa hadda gaadhin Jaamacadaha, oo ay ku mashquulsan yihiin sidii loogu heli lahaa Caruurtaas Dugsiyadii ay wax ku baran lahaayeen, Xukuumadduna way kala socotaa arintaas” Wakiilka Somaliland u fadhiya dalka Yemen ayaa mar uu ka hadlaayey xidhiidhka labada dalka ka dhexeeya  yidhi “Xidhiidhka  inaga dhexeeya inaga iyoi Yemen waa xidhiidh aad iyo aad u qoto dheer, muddo dheer soo jiray, xilliyadan dambena soo xoogobayey waxaanu salka ku haya is ixtiraam, is qadarin iyo in qolo waliba qolada kale danaheeda ixtiraamto. Muddadii aan joogay wax mushkilad ah ulamaan tagin nooc kastaba ha ahaatee,  waxa aan xabsiyada ka sii daaynay qaar ku xidhan, waxa aan Madaarka ka sii daynay qaar ku xidhan, Ardayda ayey siiyaan deeq waxbarasho oo fiican, qolada ganacsatada ayaanu uga samaynay ciqaamado, markaas aad iyo aad ayey noo ixtiraamaan, mar aanu is ka hor nimid qolada Somaliya inaga ayey gacanta ina siiyeen, aad iyo aad ayaan ugu mahadnaqaya, aad iyo aad ayaanu xidhiidhkeenu u fiican yahay, sida lala socdana dalalkan aynu dariska nahay ee Yemen,Jabuuti iyo Itoobiya waa sanbabadii aynu ka neefsanaynay, waxaana loo baahan yahay in mar walba xidhiidhkeenu fiicnaado, waayo dan ayaa is keen baday, in mar walba xidhiidhkeenu fiicnaadana wey haboon tahay, kulankaas aan la yeeshayna aad iyo aad ayuu u fiicnaa is afgarad wanaagsana wuu ka soo baxay, runtana waan u sheegay oo waxa aan ku idhi Xukuumadda Somaliland waxba idinka hagran mayso, xalinta dhiibatadiina, markaas arintaas ayaan ugu tagay, waxaana Bulshada Somaliland u soo jeedinayaa kana codsanayaa inay mar walba ilaaliyaan, oo ay ixtiraaman dadka reer Yemen ee aynu jaarna nahay ee dalka yimid”. Safiirka Somaliland u fadhiya Yemen ayaa mar uu ka hadlaayey Ganacsiga labada dal u dhexeya iyo sameeynta uu ku yeeshay dagaaladii dalkaas ka dhacay waxa uu yidhi “Haa dabcan dagaalkaasi wuu ku yeeshay samayn dhinaca Ganacsiga labada dal, inkasta oo uu imika dib u soo noqday, warbixin aanu gudbinay waxa aanu ku sheegnay in Saddexdii Bilood ee ugu dambeeyey dhaqdhaqaaqa Ganacsiga Xoolaha ayaanu kaga waranay, Gacansigiina dib ayuu u soo noqonayaa, waxaad mooda in dagaalkii dhamaanayo, oo dib nabadgaliyadii u soo noqoyso, oo la iskaga imanayo, Safaaradhihii iyo Xafiisyadii ka furnaa, sida keena oo kalena dib ayaa loo soo rarayaa, Ganacsiguna hadda si fiican ayuu u socdaa, oo hadda waxa baxay laba markab oo xoolo ah, wakhtigan qaadashada Xooluhu aad iyo aad ayey u badan tahay, madaama ay tahay Ciidi, ganacsigii Bagaashkuna dib ayuu u soo noqday, dalka Yemena Ganacsi soo jireen ah ayaa inaga dhexeeya, mana kala maarano”