“Wakhti Adag Ayeynu Ku Jirnaa Ee Dadkeena baaruhu Saameeyeen Aynu La Gaadhno Gurmad & Gargaar  Deg-deg Ah…” Suldaan Aadan Faarax

0
434

Hargeysa (Geeska) – Suldaan Aadan Faarax Cumar oo ka mid ah Salaadiinta iyo Madaxda Dhaqanka Somaliland, ayaa ka hadlay xaaladda dalku marayo, gaar ahaan wuxuu ku baaqay in dadka danyarta ah ee ay abaartu sida gaarka ah u saamaysay in loo gurmado oo gargaar deg deg ah lala gaadho.

Suldaan Aadan Faarax Cumar oo u warramay Wargeyska Geeska Afrika wuxuu yidhi “Abaar baa jirta, oo abaartu waxay ka jirtaa deegaano dhawr ah oo dalkeena ka tirsan, marka hore waxaynu ALLE ka baryeynaa inuu abaaraha inaga dulqaado, raxmaad khayr qabana inoo shubo, wakhti adag ayeynu ku jirnaa ee dadkeena danyarta ah ee abaaruhu sida daran u saameeyeen aynu la gaadhno gurmad iyo gargaar  deg deg ah, xaqiiq ahaan Dawladeeda, Ganactadeena, Shacabkeena iyo qaybaheena kala duwanaba marka ay xaaladdan oo kale timaado waynu isku gargaarnaa, ee dadkeena jilicsan ayeynu wax tarnaa, imikana dadkeenaas jilicsan ee xaaladda adag ku jira aynu intii karaankeena ah tarno, ajar iyo khayr baa inoogu jiree, ALLENA waxaynu ka baryeynaa inuu mar walba khayrkiisa ina siiyo, inagana hayo abaaraha, masiibooyinka xanuunada iyo dhibaatooyinkaba”.

Mar uu ka hadlaayey qaranimada Somaliland wuxuu yidhi “Adduunka waxaa ugu qiimo badan waa kalmadda tawxiidka ah, inagana astaanteena qaranimo oo ah calankeena oo uu ku qoran yahay tawxiidku weligii dhinici maayo insha allaah, ee mar walba aynu nabadeena, qaranimadeena iyo dawladnimadeena ilaashano”.

Dhanka kale, wuxuu Suldaan Aadan Faarax Cumar tacsi u diray ehelka, qaraabada, asxaabta iyo shacabka reer Somaliland ee uu ka baxay Maxamed Yuusuf Alloore, oo dalka Turkiga ku geeriyooday, waxaanu ALLE uga baryey inuu u naxariisto, jannadiina ka waraabiyo isaga iyo dadka kale ee muslimiinta ah ee geeriyooday.

 

Geeska.net/Hargeisa Office