Wakaalada Biyaha Hargeysa Oo Ku Guuleysatay Inay Biyo Gaadhsiiso Xaafad Aanay Biyuhu Gaadhin

0
637

Picture5Hargeysa (Geeska) – Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici) ayaa xadhigga ka jaray biyo gelin Wakaaladda Biyaha Hargeysa u samaysay xaafado ka mid ah magaalada, kaas oo laga hirgeliyey mashruuc ku cusub dalka oo si casri ah loogaga faa’iidaystay biyaha roobka.

Mashruucan oo ah biyo-xidheen farsamo hindisaheedu dalka ku cusub yahay lagaga sameeyey dooxa Maroodi-jeex ee tuulada Xaraf ee galbeedka magaalada Hargeysa oo ka kooban waadi biyaha qabta oo laga garab-jeexay dooxa wayn oo la dhexdhigay tuunbooyin waawayn oo qabanaya, sifaynayana biyaha roobka kadibna ku shubaya ceel sabbad ah oo halkaasi laga sameeyey, kaas biyaha ku tuuraya dhuumo waawayn oo iyaguna ku shubaya berkad lagu kaydinayo oo u jirta cabbir dhan 6.3KM, isla markaana u qaybinaysa goobo kaalmo ah oo ay ka cabbaan dadweynaha ku dhaqan xaafadaha Ayax1, Ayax2, Ayax3 iyo Sheekh Cumar ee Koonfurta magaalada Hargeysa oo aan hore biyo nadiif ah u heli jirin.

Mashruucan oo muddo toddoba bilood ah oo uu socday ay ku baxday lacag xaddigeedu yahay $650,000 (lix boqol iyo konton kun oo doollar) oo ay si wadajir ah uga qaybqaateen Wakaalladda Biyaha Hargeysa oo hormuud ka ahayd, hay’adaha UNICEF, TS (Terre Solidali) iyo shirkadda Coca-Cola qaybteeda Somaliland ee SBI, ayaa furitaankiisa xaflad ballaadhan oo loogu sameeyey shalay goobta laga sameeyey berkad kayd ee xaafadda Sheekh Cumar waxa ka qaybgalay Madaxweyne-k-xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Saylici, Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa, Wasiirrada Khayraadka Biyaha, Macdanta iyo Tamarta, Qorshaynta, Madaxa shirkadda SBI iyo Saraakiil ka socotay hay’adaha gacanta ka geystay.

Maareeyaha Wakaaladda Biyaha Hargeysa Ibraahim Siyaad Yoonis, oo ugu horeyn halkaasi ka hadlay ayaa faahfaahiyey isla-markaana sharaxaad ka bixiyey mashruucan oo dadka deegaankaasi ku nooli aad u soo dhaweeyeen, waxaanu yidhi “Mashruucan biyaha ee Xaraf waxa ku baxday lix boqol iyo siddeed kun oo doollar, waxaana iska kaashaday si aan hore u dhici jirin, waxaana ugu horeysay oo bixisay $ 180.000 doolar wakaalada biyaha , Midowga Yururb iyo hay’adda TS, waxay bixiyeen $ 156000 doolar, Hay’adda UNICEF 150.000 doolar ayay bixisay, shirkadda Coca Colla wuxuu bixiyay 122000 doolar”

Maareeyuhu wuxuu sheegay oo kale “Waxaanu Dhaam weyn ka samaynay dooxa Xaraf , ka dibna barkad biyood oo aanu ku rakibnay mishiinkii iyo bamkii biyaha soo tuurayey, waxaanuna Sheekh Cumar ilaa Xaraf soo dhignay 6KM oo beeb ah, markaa ka dibna waxaanu halkan (Xaafadda Sheekh Cumar) ka samaynay taaggi biyood oo qaadi kara 60MQ” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Waxa kale oo aanu xaafadda Sheekh Cumar ka samaynay saddex kaalmood oo biyood Oo dadwaynuhu ay ka dhaansan karaan biyo jaban oo nadiif ah, waxaanu kaalinta biyaha iibinaysa ka siin doonaa foostadii 1300 shilin, iyaguna waxay dadka ka siin doonaan 2500 shilin, annaga oo ku kaantarooleynaya oo eegayna”

Madaxa Shirkadda Sharaabka ee SBI Mustafe Cismaan Geelle, oo isna halkaasi ka hadlay ayaa sheegay in hirgalitaanka Mahsruucani yahay Wax Alle (SW) loogu Mahadnaqo, isaga oo sidoo kalena sheegay inb mashruucan ay ka faa’ideysan doonaan dad lagu qiyaasay ilaa 50.000 qof.

Mustafe Cismaan Geelle, oo arrimahaa ka hadlayaa waxa uu yidhi “Sharaf weyn ayay noo tahay haddii aanu nahay shirkadda Coca Colla, waxaan filayaa waxay ahayd lix bilood ka hor in Madaxwayne ku xigeenku hawsha oo ka socota Xaraf uu noo yimid isaga iyo Maareeyaha Wakaaladda biyuhu, ILAAHAY baa mahad leh, waxaan u malaynayaa inaanu saddex bilood ka soo hor-marnay mudadii loogu talo-galay in mashruucu dhamaado, qorshuhuna wuxuu ahaa in Mashruucani dhamaado February 2014-ka, taana waxa Mahaddeeda leh Maareeyaha Wakaaladda biyaha Hargeysa Ibraahim Siyaad Yoonis iyo kooxda ka socota Hay’adda TS oo aad iyo aad u dedaalay”

Madaxa shirkadda SBI, waxa kale oo uu ka waramay qorshayaasha shirkadda COCA COLA ay dadka Afrikaanka ah kaga caawinayso sidii ay u heli lahaayeen biyo nadiif ah “Haddii aan si kooban idiinkaga waramo shirkadda COCA COLA iyo barnaanijyada ay Afrika kaga caawiso biyaha Nadiifta ah, saddex sanadood shirkadda  COCA COLA waxay bilowday mashruuca la yidhaahdo (RAIN) oo lix sanadood soconaya, 30 Milyan oo doolar ayaa shirkadda COCA COLA iyo warshadaheeduba u balan qaadeen inay Afrika ku caawiyaan, 30-kaa Malyuun oo doolarna waxaanu rejaynaynaa nuu dhalo 2 Malyuun oo dad ah oo Afrika ku nooli inay helaan biyo nadiif ah lixdaa sanadood gudahood” ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Mashruuca laga hirgaliyey Xaafadda Sheekh waxa ku baxay lacag ka badan 600.000 doolar, shirkadda COCA COLLA waxay bixisay 1,22000 doolar, waxaanan qiyaasayaa marka la isku daro xaafadaha Sheekh Cumar, Ayax 1, Ayax 2, Ayax 3, inay biyahan ka faa’ideysan doonan dad aanu ku qiyaasnay ilaa 50.000 qof, waxaan aad iyo aad ugu Mahadnaqayaa hay’adaha iyo dawladda Somaliland oo qayb libaax ka qaadatay hirgalintii mashruucan, haddii aanu nahay COCA COLA, waxaanu ku rejo weynahay inaanu halkaa ka sii wadi doono haddii ILAAHAY yidhaahdo”

Munaasibaddan oo ay ka hadleen Masuuliyiin ka socday hay’adaha UNICEF, EU, TS iyo weliba shakshiyaad ku hadlayey Magaca dadka deegaanka oo ka mahad celiyey biyo galinta loo sameeyay, ayaa isaguna waxa halkaasi ka hadlay Wasiirka Wasaaradda Biyaha Somaliland Xuseen Axmed Cabdilaahi, waxaanu yidhi “Haddii aanu nahay Wasaaradda Khayraadka biyaha, waxaanu ku rejo weynahay mashaariic badan oo socdaa inay dhawaan innaga baahi tiro doonaan baahida aynu biyaha u qabno”

Wasiirku waxa kale oo uu soo qaaday “Mashruuca Biyo saarka Xubno weyne markuu dhamaado, waxaan hubaa in baahida biyaha ee Hargeysa ay wax badan ka tari doonto. Hay’adaha mashruucan gacanta innaga siiyeyna dhammaantood way mahadsan yihiin”ayuu yidhi.

Madaxwayne ku xigeenka Somaliland Md. Cabdiraxmaan Cabdilaahi Ismaaciil (Saylici), oo isagu xafladdan soo xidhay, ayaa amaanay dedaalka Maareeyaha iyo Hawl-wadeenada Wakaaladda biyaha Hargeysa oo uu sheegay inay karti muujiyeen isla-markaana ku guuleysteen inay dadkooda biyaha u baahan ay biyo gaadhsiiyaan.

Madaxwayne ku xigeenka oo arrimahaa ka hadlayaana waxa uu yidhi “Dhammaanteen waxay inoo tahay farxad aad iyo aad u weyn, Maadaama oo aynu joogno meel danta qaranka awgeed Hargeysa (Sheekh Cumar) loogu soo daad-gureeyay, maantana la daboolay baahi badan oo jirtay, maantana la dhamaystiray mashruucii aanu 7 bilood ka hor dhagax dhignay, biyihiina lagu cabayo qiimo jaban, waa wax ILAAHAY loogu mahad-naqo”

Madaxwayne ku xigeenku, wuxuu u mahad-naqay Maareeyaha Wakaalada biyaha Hargeysa iyo hay’adaha Mashruucan gacanta ka geystay “Waxaan u mahad-naqayaa hay’adaha gacanta ka geystay iyo Wakaalada Biyaha Hargeysa oo uu hormuud ka yahay Ibraahim Siyaad Yoonis oo runtii dedaal xoog leh galay, wax walbana kama soo hadho sida wax loo maamulo, aad iyo aadna waxaan ugu hambalyeynayaa hay’adaha Unicef, EU, TS, shirkadda COCA COLA oo iyada oo muddo yar dalka joogtay tabaruceedii koowaad galisay-na aad iyo aadbaanu ugu mahad-naqeynaa” ayuu  yidhi waxaanu intaa ku daray “Waxa kale oo aanu u mahad-naqeynaa dadka reer Xaraf iyo inta soo dhaweeyay beebka soo dhex maray ee aan caqabadda ku noqonin horumarka socday iyo biyaha la soo gaadhsiinayey…beeb hal Mitir hoos loo qodaana beerta kaama qaadayo”