Marwo Faadumo Siciid Oo Si Kulul U Weerartay Marwo Aamina-weris Iyo Masuul kale

0
730

Picture6Hargeysa(Geeska)-Xoghayaha maaliyadda xisbiga mucaaradka ah ee UCID marwo Faadumo Siciid Yuusuf,ayaa si adag ugu jawaabtay agaasimaha samafalka wasaarada dib u dajinta Aamina Maxamuud Diiriye iyada oo ku eedaysay musuqmaasuq iyo aqoon la’aan.

Waxa ay sida oo kale marwo Faadumo Siciid dhaliilo xoogan u soo jeedisay marwada madaxweynaha Amina Waris Maxamuud Jirde oo ay ku dhaliishay waftiyada ay u hogaaminsay dhanka Wajaale iyo awood maroorsi,iyada oo sheegtay in marwadu wakhtigii SNM-tii ay ka dhuuman jirtay ololayaashii lagu taageerayay SNM.

Waxa ay sidan ku sheegatay marwo Faadumo Siciid mar ay u waramaysay warbaahinta waxaanay hadalkeeda ku bilawday sidan “Waxaan u jawaabayaa gabadh aan is taahilin inaan u jawaabo oo aan mustawahayga taagnayn,laakiin ay igu qasabtay markay dadkii xabaalaha ku jiray ay soo saartay,marxuunkii Idirs Ibraahin wasiirkii xanaanada xoolaha Alle janada ha ka waraabiyo isaga iyo umadda islaamka ah bee waxii uu sameeyay iyo waxii uu qabtay anigu halkan kama wada dhamays tiri karo, waxa uu ahaa ninkii Geeska Afrikaba xoolaha u furay,Somaliland oo maxjarku waxa uu yahayba aqoon ninkii u sameeyay ayuu ahaa, waxa uu ahaa ninkii dugsiga xoolaha ee Sheekh oo la doonayay in Muqdisho laga furo ku dagaalamay ee Sheekh ka dhex furay,hadii ay leedahay marka uu Idiris wasiirka ahaa maxaad umadda wax ugu qaban wayday, anigu waxaan ahaa marwo gurigeeda fadhida oo caruurteeda korsata oo shaqadeedana iska haysata,laakiin anigu sida dumarka qaarkood intaan wafti xanaanada xoolaha ah hor kaco magaalooyinka kumaan soo wareegi jirin,mashaariic uu isagu furaayana maan odhan anigaa kuu soo furaaye sariirta sii hurud,sida dadka qaarkood,anigu waxaan ahaa marwo garanaysa in ninkeeda laga danbeeyo,waxay ahayd Aaminay markaad soo hadal qaaday odayga inaad faataxada u marto,laakiin kula yaabi maayo oo taasiba aqoon ayay u baahan tahay, taasina waa mid aan waligeed ku soo marin.”

Marwo Fadumo Siciid oo hadalkeeda sii wadataa waxa ay tidhi“Waxaad tidhi Huda, ayaad hoos fadhiday,umaddu way ogtahay in aanan anigu cidna hoos fadhiyin,Aamina Waristay igu haysto ee ay kolba koone igaga soo wareegaysaa waxa weeyaan markii ay Maansoor igu casuuntay ee ay gadhka igu haysay KULMIYE ku soo biir ee aan diiday,mabda’yaanan ku diiday, waligayna gabadh maan hoos fadhiisan.Markaad leedahay Gabilay Faadumo Saciid ma iman karayso, adigoo ayo ah ayaad iga joojin kartaa,Gabilay adigu maxaad u qabatay samafalka ayaad sheegataa iyada oo digreeyto madaxweyne lagaaga wareejiyay oo madaxtooyadii lagaaga soo tuuray oo dib u dajintii lagugu geeyay, bal hal su’aal ayaan idin waydiinayaa ee haldoorkii iyo libaaxyadii Gabilay meeye, waar Boobe halkaad ku aasteen,Taani xagaad ku aasteen,jidhif mee,magacoodu waa uu jiri doonaa oo waa haldoorka Somaliland, waa nimankii Somaliland badbaadiyay haday maanta idinka hilaaca yar ee madaxtooyadu uu idin dulmaray anagu waanu garanaynaa iyaga.”

Xoghayaha maaliyadda xisbiga mucaaradka ah ee UCID marwo Faadumo Siciid Yuusuf,waxay hadalkeeda ku soo gunaanaday “Aamina warista maanta leh mujaahid mujaahid waanagii Ingiriiska wada joognay ee SNM aanu anagu u ololaynaynay ee aanu kula baryi jirnay kaalay xafladaha soo fadhiiso hala yidhaahdo waa xaaskii gudoomiyahee,tii na diidi jirtay miyaanay adiga ahayn ee ka dhuumanaysay ee lahayd mayee in lay arko ma doonayo, anagaa doonaynay in nalagu arko oo beerka iyo shafkaba u dhignay.dhagaxii uu shalay madaxweynuhu dhigay Wajaale oo maantana hadana marwadiisii dhigtay iyada oo wax laga qabtayna aanay jirin,idinka ayuunbaa laydin waydiin doonaa markay dadku ku jajabaan,Aaaminana waxaan odhan lahaa kunkan aad la taagan tahay ilaa qiyaamaha,marwo dhan oo madaxweyne ayaad tahaye ha odhan kunbaan ku deeqay uune waxaan helayaan ku deeqayaa dheh,kun lagaagama baahna oo anagaa bixina,kunbaan la cararayaa ayaad nagu ceebaysay oo aanu suuqa ceebtaada ka mari karni la’nahay ee naga daa.anagu UCID waanu ahayn hadaad ka dhimanaysaan iyo hadii aad ku farxaysaanba,UCID-na waa xisbi mucaarad ah oo la soo doortay oo codka shacbiga ku fadhiya,cirka kamaanu soo dhicin dhulkana kamaanu soo fuurin umadda ayaa na doortay oo kursiga nagu fadhisisay,waanan ku fadhiyaynaa,afartan sano ee aad ku hamiyaysaana alle ayaa ku shaqo leh inaad hayn doontaan iyo in kale,Daahir Rayaalaba si sharaf leh ayuu uga daadagey ee waxaan ku leeyahay marka laydinku yimaado si sharaf leh uga soo daadega.”