WAJAALE: Mulkiillaha Balli-biyood Dhawaan La Aasay Oo Madaxweynaha Farriin U Diray

0
741

Wajaale (Geeska)- Mulkiilaha Balli-biyood dadka iyo duunyadu  manaafacaadsan jireen oo ku yaalla degmada Tog-wajaale ee gobolka Gabiley, kaasi oo dhawaan uu aasay guddoomiyaha degmada Wajaalle ayaa ka hadlay dhacadadii lagu baabiiyey dhaamkaas iyo kuwo kale oo ka horreeyayba. 

2

Abokor Axmed Xuseen oo ah xaqlaha dhaamkan oo xalay warbaahinta u qaybiyey qoraal uu kaga hadlayo arrimahan waxaa uu yidhi “ Gudoomiyaha degmada Tog wajaale Cabdi Saleebaan Iyo Cabdilaahi xaaji Cumar Gaboobe Ayaa Taariikhdu markay ahayd 07/01/2015 Iyadoo wax sharciya iyo ogolaansho U haysan waxay  khasaare u gaysteen balliga  waxaa dhacdadaa goob joog ka ahaa guddoomiyaha maxkamada Gabiley ee xiligan oo markaa garsoore ka ahaa maxkamada wajaale Cabdikariim.

  Arrintaasi waxay  maxkamadu ka qaaday talaabo iyadoo xidhay labadan nin balse markii danbe Waxa lagu sii daayay DAMIIN, Nasiib daro se gudoomiyaha wajaale  oo xiligaan Aan xil haynin  ayaa waxaa loo soo magacaabay Maayarka Wajaale  Isagoo danbiile ah islamarkaana aanay bixinin magdhawga khasaarihii ay hantidayda u gaysteen Waa labada nin ee aan magacaantooda kor ku xusaye.  Muddo Bil iyo sedex cisho ah markii uu xilka hayay  wuxu biaabay in uu awood iyo shaadh dawladeed isagoo adeegsanaya  xoog   sandaqad(jiingad) kaga hor dhistay wajahada balayga wali way ku taal. taasi oo kaliya kuma uu jooge wuxuu maalin dhawayn sameeyay in uu xoog caf cafyo u galiyay balaygayga isagoo awood ku aasay balaygii khasaare balaadhana ugaystay. waxaa ‘nasiib daro iyo argagax nagu noqotay in balaygii oo laga cabayo awood iyo sifo uu ku aasano lahayn uu  marlabaad waxaasi kula kacay. Haddaba aniga oo ah mulkiillaha balligan waxaan madaxweynaha Somaliland Md. Axmed MAxamed Maxamuud Siilaanyo  si xushmad leh ugaga codsanayaa in ay si dhakhso ah u soo faro geliyaan dhacdadan hantidaydii loogu baabiiyey shaadhkii qaranka ee ahaa in shacbiga lagu ilaaliyo, balse xilligan uu masuulkani  u adeegsaday sifo sharciga baal marsan”. Ayuu yidhi mulkiillaha balligan.