Ardayda Jamaacadda Edna Oo Deeq Lacageed Ku Wareejiyay Guddiga Abaaraha Gurmad

0
529

Hargeysa (Geeska)-Ardayda wax ka barata Jaamacada Edna ee Magaalada Hargeysa ayaa waxa ay ka qayb qaateen abaaraha baahsan ee dalka ka jira, waxayna bixiyeen lacag ay iska ururiyeen oo ay ugu talagaleen inay ku caawiyaan dadkooda ay abaaruhu ku habsadeen, iyaga oo lacagtana gudoonsiiyey Guddida Gurmad ee Abaaraha.

12806225_1031933910186178_3842535819419807058_n

Munaasibadii lacagtan lagu wareejinayey oo ka dhacday Xarunta Jaamacadda ee Edna Aadan, ayaa waxa ka soo qayb galay Marwo Edna Aadan, Madaxa Akadamiyada Jaamacadda Edna Xasan Ibraahim, Madaxa Maamulka Ardayda Maxamed Muuse Maxamed, Madaxa Xisaabadka Yaxye Maxamuud, Masuuliyiin ka tirsan Ururka Gurmad oo ay ka mid yihiin Sheekh Mubaarig Muuse iyo Cabdiraxmaan Cismaan, Arday, Macalimiin iyo marti sharaf aad u tiro badan.

Guddida Ardayda Jaamacadda Edna ee  iyagu isku xilqaamay inay lacagtan Abaaraha ururiyaan oo ay ka mid yihiin  Maxamed Maxamuud Aadan, Barkhad Axmed Muuse Siciid Xasan, oo iyagu munaasibadaas ka hadlay ayaa sheegay inay markay arkeen abaaraha baahsan ee dalka ka jira, iyo dhibaatooyinka kala duwan ee ay abaaruhu sababeen ee soo gaadhay dadka degan deegaanada miyiga inay is abaabuleen, is xilqaameen isla markaana garteen inay iyagu lacagtana iska ururiyaan kagana qayb qaataan abaaraha, waxa kale oo ay amaan iyo hambalyo u soo jeediyeen Marwo Edna Aadan oo ay sheegeen inay mar walba dhiirigeliso, kuna dhiirigeliso inay dadkooda wax u qabtaan, oo danta qaranka ka shaqeeyaan, waxayna u soo jeediyeen Ardayda kale ee dhigata Jaamacaddaha dalka  iyo Dugsiyadaba inay iyana ka qayb qaataan gurmadka abaaraha.

Dhinaca kale Marwo Edna Aadan oo iyana munaasibadaas ka hadashay ayaa hambalyo bogaadin iyo dhiirigelin u soo jeedisay Ardaydan, oo ay sheegtay madaama ay is xilqaameen oo wixii ay awoodan kaga qayb qaateen abaaraha in ILLAAHAY misaanka xasaanadka ugu dari doono, waxayna ILLAAHAY ka bariday inuu raxmaadkiisa inoo shubo, oo abaaraha inaga dulqaado.

Guddoomiyaha Guddida Gurmad ee  Abaaraha Sheekh Mubaarig Muuse oo isna Munaasibadaas ka hadlay ayaa Ardayda u duceeyey, waxaanu ugu duceeyey inay halkii ay ka  soo saareen lacagtan ay kaga qayb qaadanayaan gurmadka abaaraha inuu Alle khayr ugu bedelo, wanaag iyo sharafna ku nooladaan.

Ugu dambeeyntiina Guddida Ardaydani waxay lacag dhan lix boqol oo dollar ay gudoonsiiyeen Guddida Abaaraha ee Gurmad.