Waftigii Uu Hogaaminayey Wasiirka Duulista Somaliland Oo La Kulmay Dhiggiisa Itoobiya

0
585

Waftigii uu hogaaminayey Wasiirka Duulista Hawada iyo Gaadiidka Cirka Jamahuuriyada    Somaliland Cumar Sh Maxamed Faarax ayaa kulan kula yeeshay  xafiiskiisa Wasiirka Gaadiidka iyo Isgaadhsiinta  ee Dawlda  Federaalka  Dimuqraadiga Itoobiya Mudane Workbeh Gebeyehu 

sssssssssss

Waxaana labada dhinac ay ka wadahadleen Guud ahaan Duulimaadyada u dhaxeeya Somaliland iyo Itoobiya, Mashruuca  Wadada  Berbera, iyo isu socodka Ganacsiga, iyo iskaashiga xaga Amaanka .

 waxaana ay ku dheeraaden labada dhinac xidhiidhka Saaxibtinimo ee  Taariikhiga ah ee mudada`dheer u dhaxeeyay  labada wadan.

Ugu danbayantii Kulankan oo ay Waasiir Cumar ku wehlinayeen Wasiiru Dawlaha Wasaarada Duulista Axmed Nuur Faahiye iyo  Safaarada Soamaliland ee Adis Ababa  ayaa waxa uu ku dhamaaday is afgarad.

 Wasiirka Gaadiidka iyo Isgaadhsiinta Itoobiya Mudane Workbeh Gebeyehu waxa uu balan qaaday in ay Dawladiisu siin  doonto Deeq  Tababaro ah  Hawlwadeenada Wasaarada Duulista Somaliland.

Gabagabadii Waftiga Somaliland ee uu hogaaminyo Wasiirka Duulistu ayaa uga mahad celiyey Deeqdaasi Tababarda ah iyo Wadashaqaynta ka dhaxaysa Labada Dawladood.

Allaa mahad

Ismaaciil Cali Axmed

Afhayeenka Wasaarada  Duulista