Wafti Norway Ka Socda Oo La Kulmay Wasiirada waxbarashada

0
562

Hargeysa(Geeska)-Wasiirka Waxbarashada Somaliland, Marwo Samsam Cabdi Aadan ayaa shalay kulan la yeelatay wefti ka socday dalka Norway, kuwaas oo booqasho ku jooga Somaliland maalmihii u dambeeyey.

Kulankan wasiirka Waxbarashadu la yeelatay weftiga Norwegian-ka ah ayaa waxa uu ka dhacay xarunta wasaaradaasi waxbarashada, waxaanay wasiirku sheegtay in kooxdan ay ka wadahadleen sidii wasaarada waxbarashada ay u taageeri lahaayeen. “Runtii waxa aanu maanta la kulanay wefti ka socday Norway oo qaarkood dalka ay maanta ugu horayso amaba Afrikaba ay hada ugu horaysay oo jecel inay wasaarada waxbarashadana wax la qabtaan oo ay caawiyaa, wadankana aad u celaaday oo la yaabay in meel caynkan ahi ku taalo Afrika oo aad habeenkii iska lugayn karto, oo la yaabay dahabka suuqa lagu kaho, kuna balan qaaday inay Somaliland si weyn ula shaqayn doonaan siiba waxbarashada.” Ayay wasiiradu tidhi, waxaanay intaas raacisay, “Su’aalo badan ayay na waydiiyeen oo ku saabsan sidaynu usoo bilawnay, anaguna aanu uga waranay wadankani uu burburay oo aanu meel hoose ka soo bilawnay iyo dhibaatadii aanu la soo marnay iyo waxa aynu qabsanay, runtii iyaguna waxa ay aad u jeclaadeen  inay Somaliland macaamilo la yeeshaan oo waxa ay arkeen ay tahay wax run ah oo aan indhaha laga qaarsan Karin.

Waxaanay noo sheegeen in wadamadaa Scandinavian-ka oo dhan ay ku wacyigalinayaan in Somaliland wax lala qabsadaan Somaliland oo ahayd dal dagaal ku dhacay oo hadana ay dadkoodu waxqabsadeen oo ah ta Somaliland ay kaga duwan tahay dalal badan oo wixii awoodooda ah ay dadkani qabsadeen wixii kale ee awoodooda ka waynaadana ay kala kaashan doonaan dalalka ay xidhiidhka leeyihiin ee wax taraya”. Ayay tidhi Samsam Cabdi Aadan.

Weftigan ka socday Norway oo iyaguna kulankaasi ay Wasiirka Waxbarashada la yeesheen kadib warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in dadka Norwegian-ku ay si weyn ula socdaan xaalada horumarineed ee uu dalka Somaliland ku sugan yahay isla markaana aanay waxba ka hagran doonin Somaliland oo wixii karaankooda ah ay ka taageeri doonaan.

Waxaanay intaasi ku dareen in maalintii shalay ay ka qaybgaleen xafladii qalinjabinta Jaamacada Hargeysa oo ay aad ula dhaceen.