Waddani Oo Xukuumadda Ku Eedeeyay Ku Ololaynta Hantida Qaranka Iyo Jawaabta Kulmiye

0
962

Hargeysa (Geeska)-Xisbiga Mucaaradka ee Waddani, ayaa sheegay in Xukuumadda iyo Xisbul xaakimka Kulmiye ay wadaan olole sharci daro ah, oo waliba Xisbiga Kulmiye hantidii umadda loogu ololaynayo,oo Wasiiraddii, Agaasimayaashii iyo Badhasaabadii u ololaynayaan, oo Gaadiidkii iyo Shidaalkii Dawladdana loogu ololaynayo, balse Xisbiga Kulmiye ayaa eedahan iska difaacay, waxba kama jiraana ku tilmaamay.

Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Waddani Cismaan Afgaab Nuur iyo Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee  Xisbiga Kulmiye Jaamac Ismaaciil Cigge (Jaamac Shabeel), oo u waramayay Wargeyska Geeska Afrika ayaa ugu horeyn Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbiga Waddani Cismaan Afgaab Nuur, wuxuu yidhi isagoo ka hadlaya ololahan uu ku eedaynayo Xukuumadda iyo Kulmiye “Ololahan aan la gaadhin ee Xukuumadda iyo Xisbigeeda kulmiye ku dhaqaaqeen,wuxuu ka mid yahay boobka ay dalka ku hayaan, Sharcigii dalka wey boobeen, oo Shaqaalihii Dawladda, Agaasimayaashii, Badhasaabadii Gobolada,Gaadiidkii Dawladda, Shidaalkii Dawladda, Hantidii Dawladda, Wasiiraddii, dhammaan waxa loogu ololaynayaa Xisbiga Kulmiye, waana arin baalmarsan sharciga, haddii sharciyada la ilaalin waayo, oo sida la doono laga yeelo, dhibaato ayey keenaysaa”.

Mar uu ka hadlaayey Komishanka ayaa yidhi “Komishanka Doorashooyinkii cidii ay laahaayeen waar joojiyo ololaha, cidii baa hor kacaysa, Badhasaabadii dhammaan Hay’addihii Dawladda, Kulmiye ayey u ololaynayaa, ee Komishanka waxaan leeyahay arinta uu Xisbiga Kulmiye ka bilaabay Gobolada Gabiley iyo Awdal, waa arin ka soo hor jeeda Sharciga, haddii ay Komishanku arintaas waxba ka qaban waayaan wax u muuqanaysaa in hadhawna waxyaabo kale oo badan waxba ka qaban waayaan, Komishanka waanu u cudur daaraynaa in aanay ciidan haysan, oo aanay iyagu awoodaas haysan, balse waxay xaq u leeyihiin inay hadlaan, waxay xaq u leeyihiin inay talaabo qaadan,dhacdadan imikana ilaa hadda kamay hadal, waanu ka sugaynaa inay ka hadlaan”.

Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Waddani mar uu ka hadlaayey siyaasada Xisbigiisa, ayaa yidhi “Xisbiga Waddani, wuxuu doonayaa, oo qorshihiisa siyaasadeed uu yahay inuu dalkan ka saaro xaaladan uu ku jiro, ee ah in dadkii aad u dhiban yihiin, in hantidoodii la boobayo, in loo soo shaqo tagay, waxaanu Xisbigu rabaa inuu sicir bararka jira uu meesha ka saaro, in sharcigan la jabinayo meesha laga saaro, oo kala dambayntii iyo maamul wanaagii dib loo soo celiyo“

Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbul Xaakimka Kulmiye Jaamac Shabeel oo isna eedahan loo soo jeediyey Xukuumadda iyo Xisbiga Kulmiye ka hadlaya ayaa ku jawaabay “Si aad u balaadhan baa Xisbiga Kulmiye loo soo dhaweeyey, oo dadkiisu u soo dhaweeyeen, ee Mucaaradku waxay doonaan bay ku doodayaan, oo dood waxba kama jiraan ah ayey ku doodayaan, oo wali ololihii lama gaadhin, Xisbiga Kulmiyena wax olole ah oo uu haba yaraate uu wadaa ma jirto”.

Guddoomiyaha Golaha Dhexe ee Xisbul Xaakimka Kulmiye Jaamac Shabeel mar uu ka hadlaayey Siyaasada Xisbigiisa ayaa yidhi “Xisbiga Kulmiye wuxuu muddadii uu taladda dalka hayey, horumar la taaban karo ayuu dalka gaadhsiiyey, haddii uu mar kale taladda dalka ku guulaystana wuxuu balanqaadaya inuu halkaas ka sii wado horumarka, oo barnaamij siyaasadeedka Xisbiga ayaa sidaas dhigaya”.

Jaamac Shabeel mar uu ka hadlaayey Doorashada ayaa yidhi “Waa inaynu ka wada shaqeeyno sidii ay Doorashadu inoogu dhici lahayd, oo waliba si nabadgalyo ah inoogu dhici lahayd, oo si xor iyo xalaal ah inoogu dhici lahayd,