WADDANI Oo Sheegay In Ay Jiraan Dad Ay Warbixintii Musuqu Tudhaale Uga Tagtay, Madaxweyahana Ku Eedeeyey In Uu W. Warfaafinta Dhinac Saaray

29
3791

Hargeysa (Geeska)- masuul ka tirsan xisbiga Mucaaradka ee Waddani ayaa ka hadlay Musuq-maasuqa ay soo bandhigeen Guddida ilaalinta hantida qaranka ee Wakiilada ee ku waajahnaa Masuuliyiin ka tirsanaa Xukuumaddii hore ee Axmed Siillaanyo.

Siyaasi Cabdilaahi Axmed Maxamed (Daamuur), oo u waramay Wargeyska Geeska Afrika ayaa sidoo kale ka hadlay khilaafkii ka dhex taagnaa Wasaaradda Wafaafinta iyo xil ka qaadista Agaasimihii guud ee Wasaaradda Warfaafinta, waxaanu ugu horeyn uu yidhi, “Xukuumadii hore waxyaabo badan baa ku maqan. Xukuumaddanina lamay iman nidaam cusub oo hantida Qaranka lagu ilaalinayo, durdaba dad baa cabanaya, oo qaylinaya, oo leh dhulalbaa lanaga qaaday, aanu gaar u lahayn, oo Xukuumaddan aad uga cabanaya. Waxa jira Xafiis Dubia laga furay, oo la yidhi DP World ayaa lacagteeda lagu shubayaa, oo qaab xisaabeedkiisa, qaabka u furmay iyo mad-madawgiisa la wada ogaa, oo u muuqda inuu yahay Xafiis lagu lunsanayo hantida qaranka. Waxaanu Xafiiskani la kowsaday dhalashada Xukuumaddan Muuse Biixi, Xildhibaankan soo bandhigay musuq-maasuqa wuu ku mahadsan yahay, balse waxa jira dad ka maqan warbixintiisa uu u tudhayo.

Waxaana sida uu Xildhibaanku wax u sheegay wax looga qabto, kuwa uu ka tagayna waa la garanayaa ee ha lagu daro, musuq-maasuqa Xukuumaddan la kawsadayna wax ha laga qabto, musuq-maasuqana si balaadhan baanu u sheegaynaa, oo asalba hoosta ayaanu ka xariiqaynaa, dalkan dawladnimadiisa waxa siqiiriyey musuq-maasuqa,nin qudhina inuu hantida Xildihbaan Naasir Cali Shire uu ku saxan yahay inuu soo bandhigo musuqa la galay. Laakiin cida uu tudhaalaha uga tagay iyana ha soo bandhigo, musuq-maasuqa hadda socda iyo wixii hore ee uu ka tagayna inuu soo bandhigo waa looga baahan yahay. Waxaana ognahay in hadda qandaraasyada qaranku aanay si cadaalad ah ku bixin, Xafiiska khaldan ee Dubia laga furayna waxaan leeyahay Xildhibaan ku soo dar warbixintaada, maxa yeelay waa Xafiiska ugu khatarta badan”.

Daamur ayaa mar uu ka hadlaayey go’aanka ay gaadheen Telefinshada Madax banaan ayaa yidhi  “Siyaasada Warfaafinta ee Xukuumaddan asal ahaan u dhigtay ayaa ah mid la mid ah sidii Xukuumaddii Milatariga ahayd, oo ah hal Telefishin, hal Idaacad iyo hal Wargeys, dalkana waxyaabaha uu ku tamariyey ee uu ku tanaaday waxa ka mid ah, inuu yeeshay Warbaahintii ugu wanaagsanayd ee Geeska Afrika, oo uu ka qayb qaatay geedi socodka xisbiyada iyo dawladnimada. Taas oo keentay in dalkani ka horumarin rayiga xorta ah, wanaagaasna waxa sameeyey ILLAAHAY ka sakaw waa warbaahinteenaas madaxa banaan, iyagii baa xeerar loo sameeystay, oo la doonayaa in la xidh-xidho, taasina suurtagal maaha, hadda wey sahlan tahay in la yidhaahdo Madaxweynaha hadalkiisa duubi maysaan, ee waxa ka khatarsan ta soo socota, ee la rabo in sharci loo sameeysto, lagu cabudhin doono, dareenkaasna waanu qabnaa, waxaana Warbaahinta lagu wadaa gacan bidixayn xoogan iyo cabudhin, waana in laga daaya”

Mar uu ka hadlaayey Agaasimihii Warfaafinta ee xilka laga qaaday ayaa yidhi “Dawladdihii Kulmiye ee taladda dalka u kala dambeeyey waxaynu ku baranay, oo awood leh in Madaxweynaha Wasiirka ay is xigaan uu ka awood badan yahay madax kale ee meesha joogta, xil ka qaadista Agaasimaha Warfaafintana xal looma arag ee hiil Madaxeyne ayaa loo arkay, Madaxweynaha waxa la gudboonayd inuu hoos eego khilaafka ka taagan Wasaradiisa, balse may ahayn inuu Wasiirka Warfaafinta uu dhinaca saaro, una hiilayo, xilkana ka qaado Agaasimaha Warfaafinta, iyadoo aynu la wada socono khaladaadka iyo meel ka dhaca uu sameeyey Wasiirka Warfaafintu, la iska indho tirana maaha”

Daamur mar uu ka hadlaayey Shirka Ceel-afweyn ayaa yidhi “Mar haddii uu Shirkii dhammaday, waxaan ku talinayaa in wax laga qabto baahiyiihii aasaasiga ah ee deegaanadaas,oo Dugsiyo la sameeyo, Goobo Caafimaad la sameeyo, Ceelal iyo Baraago laga qodo”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here