Waddani Oo Guddoomiye Iyo Ku-xigen U Magacaabay Gobalka Hawd

0
653

Hargeysa(Geeska)-Xisbiga Waddani ayaa masuuliyiin cusub u magacaabay gobalka Hawd, waxaanay u magacaabeen guddoomiye iyo guddoomiye-xigeen.

1

Xoghayaha guud ee xisbiga Waddani Maxamed Cabdillaahi Uurcade, ayaa guddoomiyaha xisbiga Waddani ee gobalka Hawd u magacaabay aqoonyahan Mubaarik Cabdiqaadir Cooli, halka ku xigeenkiisana loo magacaabay Maxamed Jibriil Muuse.

Wuxuu xoghayaha guud madaxda xisbiga Waddani ka codsaday inay la shaqeeyaan masuuliyiintan cusub oo uu Alle uga baryay inuu u fududeeyo xilkooda.