Wadani Oo Qaabilay Masuul Ka Soo Digo Rogtay Umadda

0
518

dadka waan iska xignaaHargeysa(Geeska)-Urur siyaasadeedka Wadani ayaa xaflad soo dhawayn ah u sameeyay Nuur Aamiin Ismaaciil, oo ka tirsanaa ururka Umadda, horena u noqday wasiirkii madaxtooyada ee dawladii UDUB.

Munaasibadaas oo uu goob joog ka ahaa guddomiyaha ururka Wadani Md. Cabdiraxmaan Maxamed Cabdillaahi (Cirro) oo sidoo kale ah guddoomiyaha golaha wakiilada, ayaa waxa hadal ka jeediyay masuulka ka soo digo rogtay ururka Umadda Nuur Aamiin Ismaaciil, “Mudadanayaal iyo marwooyin dadka meesha isugu yimid Ururka WADDANI iyo Madaxada Sharafta leh eek a tirsan Ururka WADDANI Dhamantiin waxan idinku salaamayaa  sida laydiin sheegey waxaan ka mid ahaa Ururka UMMADA layidhaahdo in mudo ah  markii aan wax badan eegey markaaan ururada insha mariyey howlhooda iyo barmaamijyadooda waxaan go,aansaday in aan ka Soo diga Rogto Ururka UMMADA una Digo Rogto Ururka WADDANI .” ayuu yidhi Nuur Aamiin Ismaaciil.

 Jiif Caaqil Cali Cismaan Xuseen, oo ka mid ahaa dadka uu horkacayay Nuur Aamiin, ayaa  isna halkaas ka hadlay ayaa yidhi “Anigu  waxaanu ka nimid Ururka UMMADA waxaanu u soo digo roganay Ururka WADDANI Ururkani urur jir ayuu ahaa laakiin waxaan nahay dad faro badan  waxaanu taageersanhay Ururka WADDAN.”

Cali Maxamed Warancade ayaa oo hore ugu biiray ururka Wadani, ayaa hadal uu halkaas ka jeediyay, wuxuu ku soo dhaweeyay soo digo rogashada masuulkan ku soo biiray ururka Wadani oo ay isku xukuumad ka tirsanaayeen,  “Ururka WADDANI waxaa ku midoobay Somaliland oo dhan min bari ilaa galbeed halkii dowladii Daahir Rayaale waxaa ay ahaan jirtay mid sal balaadhan markaa WADDANI waxaa uu yahay mid la mida oo sal balaadhan  markaa waxaan leeyahay halkan ayaa laga helay Qoomiyad ee ku soo biira.”

Axmed Cali Ubaxle Xogyahaya Arrimaha Gudaha Ee Ururka WADDANI oo hadal kooban halkaas ka jeediyay ayaa soo dhaweeyay masuulkan cusub. Waxa kale oo iyaguna halkaas ka hadlay xildhibaan Bashiir Tukaale iyo xoghayaha guud ee Wadani Maxamed Cabdillaahi Uurcade.

Gudoomiyaha Aqalka Wakiilada Somaliland ahna hogaamiyaha Ururka WADDANI ayaa gabo gabadii Munaasibadani soo dhawaynta ahayd ka hadlay  waxaanu yidhi  “Runtii farxad wayn bay ii tahay aniga oo ku hadlaya magcayga iyo magaca Ururkaba waxaanu soo dhawaynayaa Awnuur Aamin Ismaaciil oo aad wada garanayaasan jamhuuriyada Somaliland wasaarado adag ka soo qabtay markaa waxanu ku soo dhawaynaa gacco iyo laab furan, waxaanu filayna in uu Wasiirku halkan ka heli doono saaxiibadii oo faro badan halkana  uga soo horeeyey oo aanu ku qaloon doonin markaa waxaan ilaahay ka baryeynaa in uu nabad gelyo inoogu dhameeyo. Doorashada  marka laga hadlayo dadka Reer gebilay meel sare ayey kaga jirtaa kala saarida doorashada Cida ku guulaysanaysa. Markaas Gabilay waa meesha lagu kala hadho marka aan eegno cududa inagu soo biirtay iyo tii shalay haddii aan isku darno waxaan u malaynayaa in gobolka gebilay qaadan doono halka ugu saraysa.