Haweenweyne Taageersan Musharrax Cabdillaahi Nuur Beegsi (Cawl) Oo Dhoolatus Weyn Ku Qabtay Hargeysa

8
615

kuwaasHargeysa(Geeska)-Boqollaal ka mid ah haweenweynaha taageersan murrashax Cabdillaahi Nuur Beegsi (Cawl),.oo xisbiga Kulmiye uga sharraxan Degmada Berbera ee Gobolka Saaxil lambarkiisuna yahay 313 ayaa munaasibad dhoolatus ah oo ay cududooda ku muujiyeen ku qabsaday Hudheelka Crown ee Magaalada Hargeysa.

Agaasihii hore ee Wasaaradda Kalluumaysigiga iyo Khayraadka Badda Cabdiraxmaan Cawil Xasan, oo furitaanka munaasibaddan taageerada hadal ka jeediyay, ayaa sheegay in murrashax Cabdillaahi Nuur Beegsi (Cawl), yahay ganacsade waayo-aragga oo ku sifoobay ammaano iyo hawlkarnimmo, islamarkaana yahay shakhsi mujtamaca dhexdeeda milgo iyo magac ku leh oo u qalma  xilka.

 Cawil Cawl, oo isna halkaas ka hadlay, ayaa u mahadceliyay haweenka taageerayada u muujiyay murashaxa, waxaannu yidhi, “Waxaan idiinka mahadnaqayaa wakhtigiinna qaaliga ah ee aad u hurteen munaasibaddan aad taageerada ugu muujinaysaan Murrashax Cabdillaahi Nuur Beegsi (Cawl),  oo u tartamaya Doorashada Golaha Deegaanka Berbera, waxaan dhammaanteen u rajaynayaa inaynu guulaysano oo codkeena ku soo saaro murashaxa”

Cabdiraxmaan Jibriil oo ka mid ah Guddida Ololaha murrashxa oo halkaa ka hadlay, ayaa hawwenka ku gubaabiyay inay si wanaagsan codkooda ugu huraan murrashax Cabdillaahi Nuur Beegsi (Cawl).

Qaar ka mid ah haweenka madasha isugu yimi oo iyaguna goobta ka hadlay, ayaa muujiyay taageerada ay u hayaan Murrashax  Cabdillaahi Nuur Beegsi (Cawl), “

“Waxaynu taageeraynaa Cabdillaahi Nuur Beegsi, xaajiga sharafta, qiimaha iyo qaayaha badan ee inagu culus, aad iyo aad buu innoogu culusyahay Xaaji- cabdillaahi, waxaan Ilaahay ka baryayaa inuu Iaahay innagu guuleeyi innaguna ku guulaysanno.” Sidaa waxa tidhi Koos oo ku hadlaysay afka haweenka .

Comments are closed.