“Wadan Keliya Oo Ay Somaliland Saaxiib La Tahay Oo Ina Aqoonsani Maanta Ma Jiro”

0
917

Prof.Axmed Ismaacil Samatar

Berbera(Geeska)-Prof.Axmed Ismaacil Samatar ayaa sheegay in aanay Somaliland 28 sanadood oo ay jirtay kasban hal saaxiib oo ay dunida ku leedahay, waxaanu ku tilmaamay siyaasada arimaha dibada mid aan la socodsiin.

Prof.Axmed Ismaacil ayaa Berbera kala hadlay dadweyne badan oo lagu casuumay madal ay soo abaabuleen Naadiga akhriska ee Berbera, waxaanu ku nuuxnuuxsaday in Somaliland ay ka gaabisay inay dunida iska iibiso“ 28-kii sanadood ee ugu danbeeyay anigu waxaan qabaa in mudo ahna aan ku doodayay,  Somaliland si dhab ah umay bilaabin inay raadiso inay aduunyadu garato,waa sheeko yar oo Hargeysa iyo meelahaas taaltaala oo lagu sheekaysto laakiin wax dhab ah maynu samayn waana 28 sanadood, markaas halkaas khasaare weyn ayaa yaala, anigu waxaan qabaa 28 waxii aan islahayn waad isku daydeen in aanay faa’ido keenin, wadan kaliyaata oo maanta ina aqoonsan oo aan saaxiib la nahay ma jirto sida Xirsi uu sheegay habeenkii dhawayd, waana runtii, in lays waydiiyo sow maaha oo dadka iyo dawladu intay isku yimaadaan la yidhaahdo maxaynu 28 sanadood waxba uga keeni waynay.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here