Hargeysa (Geeska)-Wada hadalo rasmi ah ayaa shalay u bilaabmay isbahaysiga KULMIYE iyo xisbiga mucaaradka ah ee Waddani.
Kulankaas ayaa la iska dhex doortay guddi labada dhinac ah, si ay u sii ambo qaadaan wada hadalada.
Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaridka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cabdiraxmaan Cirro) ayaa waxa uu ka hadlay kulankaas, oo uu sheegay in la isku afgartay. “Kulankii ugu horeeyey ayuu ahaa, fariinta aanu gaynay waxay ahayd go,aan xisbigu gaadhay oo ah in si rasmiya loola bilaabo wada hadalka isbahaysiga garabka xisbiga Kulmiye, siyaasiyiin miisaan leh oo fara badan ayaanu ugu tagnay halkaas, fariintii waanu gaadhsiinay, waxaanan isla qaadanay inaanu si rasmiya u bilawno wada hadalka noo dhaxeeya.” sidaas ayuu yidhi guddoomiye Cirro.
Xusbno ka tirsan isbahaysiga ayaa iyaguna xaqiijiyay bilowga kulankaas oo ay ku tilmaameen mid isfaham laga gaadhay.