Wada Hadalka Somaliland Iyo Somaliya U Socda Oo Shalay Galay Marxalad Xaasaasi Ah

0
550

Picture4Istanbul(Geeska)-Wada hadalada Somaliland iyo Somaliya uga socda wadanka Turkiga ayaa shalay hakad galay ka dib markii ay labada dhinac si adag isugu maandhaafeen ajandaha labada dhinac kala wateen.

Shirka oo khamiistii loo sameeyay xaflad furitaan ah, ayuu qorshuhu ahaa inuu shalay si rasmi ah u furmo, laakiin wada hadalada ayaa shalay la joojiyay sida uu wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Md. Maxamed Biixi Yoonis, waxaana la isku afgartay inuu dhinac waliba la tashi soo sameeyo.

Wada hadalada oo maanta mar kale dib u bilaabmaya ayaa u muuqda kuwo marxalad adag afka la galay islamarkaana aanay wax natiijo ahi ka soo bixi doonin maadaama oo aanay waxba ka fulin heshiisyadii lagu gaadhay shirarkii taxanaha ahaa ee ka horeeyay shirkan.

Weftiga Somaliland waxa hoggaaminaya wasiirka arrimaha dibadda Maxamed Biixi Yoonis, halka weftiga Somaliya uu hoggaaminayo wasiirka amniga Cabdikariim Xuseen Guuleed.