Wada Hadaladii Somaliland Iyo Somaliya Turkey Uga Socday Oo Lagu Soo Gunaanaday War-Murtyeed 7 Qodob Ka Kooban Iyo Nuxurka Ku Duugan

2
571

Picture8Hargeysa(Geeska)-Wada hadaladii wadanka Turkiga uga socday dalalka Somaliland iyo Somaliya, ayaa xalay lagu soo gunaanaday war-murtiyeed ka kooban 7 qodob.

War-murtiyeedkaas oo ay wada jir u saxeexeen Wasiirka arrimaha dibadda Somaliland Md. Maxamed Cabdillaahi Cumar iyo Wasiirka Arrimaha gudaha Somaliya Md. Cabdikariim Xuseen Guuleed, ayaa waxa lagu cadeeyay in la saxeexay ka dib markii ay labada Madaxweyne ee Axmed Maxamed Siilaanyo iyo Xasan Sheekh Maxamuud, ay yeesheen Kulan. War-murtiyeedka waxa lagu sheegay in dawladda Turkigu wada hadalkan martigelisay, ka dib markii ay labada dhinac ka codsadeen. Qodobada lagu heshiiyay waxa ay kala yihiin:

 Waxay isla qaateen in la sii wado wada hadalka

Waxa ay ansixiyeen qodobbadii lagu gaadhay kulamadii chevening house ee lagu heshiiyay 21 June, 2012 iyo cahdigii Dubai ee la saxeexay 28 June, 2012.

Waxay cadeeyeen in wada hadalku u dhexeeyo dawladda federaalka Somaliya iyo dawladda Somaliland. Bulshada caalamka ee wada hadalkan taageeraysaa waxay ku taageeri doonaan fududayn marka loo baahdo

Waxa lagu heshiiyay in la dhiirigeliyo, lana fududeeyo caawimada caalamiga ah iyo mashaariicda horumarineed ee la siinayo Somaliland

Waxa lagu heshiiyay baahida loo qaabo in la iska kaashado arrimaha amniga, iyadoo la wadaagayo xogaha sirdoon, tababarada iyo sidoo kale wadaagista deeqaha waxbarasho ee haolwadeenada amniga, si ay u xoojiso la dagaalanka argagixisada, xagjirka, budhcad badeeda, kalluumaysiga sharcidarada ah iyo khashinka badda hoosteeda lagu aaso, dambiyada badaha iyo dambiyada culculus ee kale.

Waxa la isku raacay in 90 maalmood gudahood lagu kulmo Istanbul, iyadoo taariikhdana ay dhinacyadu dib ugaga  soo heshiin doonaan

Waxa lagu heshiiyay in la xakameeyo isticmaalka hadallada xaaladda sii hurinaya, iyo wax kasta oo halis gelin kara sii wadi taanka wada hadalada.

Comments are closed.