Waayaha Cusub Ee U Bilaabmay Madaxweyne Muuse Biixi Iyo Macalin Axmed Ismaaciil Samatar

1
1785

Hargeysa(Geeska)-Waxa muuqata inay siyaasadda ku kala durkeen Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi iyo Macalin Axmed Ismaaciil Samatar, oo ay halgan siyaasadeed oo xoogan u soo wada galeen in Madaxweyne Biixi iyo xisbigiisa KULMIYE, ku guulaystaan doorashadii kal hore dalka ka dhacday.

Axmed Ismaaciil Samatar, ayaa toddobaadkan qormo uu ku qoray shabakadda wararka ee Somaliland Chronicle, wuxuu ku duray hoggaaminta Madaxweyne Muuse Biixi Cabdi, oo uu ku eedeeyay inuu ka leexday waxyaabihii uu xisbiga KULMIYE ku ololeeyay doorashadii madaxtooyada ee 2017.

Madaxweyne Biixi iyo Macalin Samatar, waxa saaxiibtinimadooda siyaasadeed hore loogu qeexay xumbo deg deg u gudhi doonta, iyadoo laga shidaal qaadanayo sida deg-dega ah ee ay isugu milmeen siyaasad ahaan iyagoon aqoon sal  balaadhan hore isugu lahayn.

Axmed Ismaaciil Samatar, waxa lagu tilmaamaa nin calool xaadhan oo aan qarsan dareenka uu qabo iyo aragtidiisa siyaasadeed, waxaana sidoo kale lagu tilmaamaa nin fudud oo si aan hubsiimo lahayn u dhex gala badweynta siyaasadda, una jeediya cidda aanu hoggaamintooda la dhacsanayn eeddo siyaasadeed oo aanu ka fiirsan.  Inkastoo uu yahay macalin jaamacadeed oo wax ka dhiga jaamacadaha dalka Maraykanka ee horumaray, haddana waxa ay dad badani u arkaan inaanu la haysan wacyiga siyaasadda gudaha ee Somaliland.

Madaxweyne Biixi, ayay isna saaxiibadii ku tilmaamaan hoggaamiye aan iloobin ninka ay maalin uun siyaasad isku seegaan amaba si uun uga horyimaada jidka uu u marayo damaciisa hoggaamineed. Wuxuu caan ku yahay isna inaanu qarsan Karin dareenka uu shakhsi ama koox siyaasadeed ka aaminsanyahay.

Inkastoo uu Madaxweyne Biixi yahay nin furfuran oo kaftan iyo dood badan, haddana saaxiibadii waxa ay ku sheegaan inaanu jeclayn cidda hoggaamintiisa ama aragtiisa siyaasadeed ka hortimaada. Tusaalena waxa loo soo qaadan karaa sida uu uga takhalusay saaxiibkiisii mudada dheer ee Jaamac-shabeel oo eeddo kala duwan oo uu xukuumadiisa u jeediyay ku waayay xilkii xisbiga KULMIYE.

Inkastoo uu Professor Samatar leeyahay miisaan siyasadeed oo culus, haddana waxa suurtogal ah in Professor Axmed Ismaaciil Samatar, mari doono halkii uu maray Jaamac-shabeel, oo ay qormadan uu ku dhaliilay hoggaaminta Madaxweyne Biixi sabab u noqon doonto  inuu lumo isfahamkii siyaasadeed ee isaga iyo Madaxweyne Biixi.

Si kastaba ha ahaate , waxa uu ifaafalaheedu muuqdaa hirdan siyaasadeed oo u bilaabmi doona Madaxweyne Muuse Biixi iyo Macalin Axmed Ismaaciil Samatar, waana kuwan qodobada uu Samatar ku eedeeyay Madaxweyne Biixi.

  1. Madaxweyne Biixi weli ma’ uu fulin aragtidii la isku ogaa soo ee jiidatay inta badan ee dadka u codeeyey, taas oo mid ka mid ahi ay ku dhisnayd in la sameeyo caddaalad ballaadhan, sinnaan jinsi iyo isir, iyo xilgudasho aad u heersarraysa, arrimahaas oo ah kuwii loo ballan qaaday dalka.
  2. Dhismaha golihiisa wasiirradu waxa uu burinayaa ballanqaadkii ololaha ee soo noqnoqday oo ahaa in uu soo magacaabi doono haween iyo rag ah dadka aqoontoodu sarrrayso ah.

Waxaa intaas dheer, in uu ka baxay wixii la isku ogaa oo ahaa in xukuumadda la soo dhisayaa ay ugu badnaan ku xadaysnaato Labaatan wasaaradood.  Runtii, Biixi waxa uu si degdeg ah dib ugu gurtay hannaankii guunka ahaa ee ceebaysnaa, ee ahaa in la buunbuuniyo magacaabista, (32 Wasiir iyo wasiir ku xigeen), iyo isu dheellitirnaan la’aantii caddaanka ahayd ee bulshada, taas oo illaa u eexanaysay beesha dhexe. (22 iyo 10 iyo gabadh keliya oo wasiir buuxa ah).

Marka la eego calool xumadii weynayd ee ku xeernayd arrinta u xaqsoorka, waxa ay u muuqataa in ay munaasab tahay in aynu dib u eegno aragtidii uu qabay, Michael Ignetieff (Waa siyaasi hore iyo qoraa u dhashay Kanada) “Wada noolaanshiyaha isirka kala duwan, meel kastaba ha ku noolaado ee waxa uu k uxidhan yahayisu dheellitirnaanta awoodaha. Isirrada laga tirada badan yahayna, waxa ay nabad kula noolaan karaan isirka tirada badan, inta ay kuwa tirada badani, aanay badnaantaas u isticmaalayn in ay hay’adaha dawladda ka dhigtaan qalab u daneeya isirka.

  1. Xukuumadda Biixi waxa ay ku sii socotaa, jidkii bilaa xikmadda ahaa, qorshe xumidii, shaqaale liidashadii, iyo hannaankii sida bakhaylnimada ah loo maalgelinayey ee arrimaha dibadda. Taas oo ah xanuunka hayey xidhiidhka ay Somaliland dunida la samaynaysay tan iyo markii ay dib u dhalatay, 27 sano ka hor.

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here