“Waar, Gini Heshiis Ay Ku Soo Saxeexaysa Ma Jirto, Ictiraaf Ay Ku Saxeexaysaa Ma Jirto, Waar Dadka Yaan La Madalufin”

2
805

Dr. Cali Khaliif Galaydh

Hargeysa (Geeska)-Siyaasi Cali Khaliif Galaydh, ayaa ka hadlay socdaalkii uu Madaxweyne Biixi ku tagay dalka Guinea.

Siyaasi Cali Khaliif Galaydh,  oo ka qayb galay Caasumad ay u sameeyeen madaxda dhaqanka ee Beelaha Arab, ayaa wuxuu yidhi “Waar Gini heshiis ay ku soo saxeexaysa ma jirto, Ictiraaf ay ku saxeexaysaa ma jirto,,waar dadka yaan la madaluufine, inooga miyir qabna oo aan is yeel-yeelayn aynu wada hadalno, wada hadalna lama ogola, Jaamacadihii baa la yidhi nimankani waxay ku dhex wareegayaan Caruurtii iyo Haweenkii, waa Jaamacadihii waa kuwii Jaamacaddaha wax ka dhigayey, waa kuwii Jaamacaddaha dhiganayey, nin Somaliya oo maanta sodon jir ah, ninka caruur ku sheega, isaga ayaan waxba garanayn, laakiin anagu geed dheer iyo mid gaabanba waanu u fuulaynaa, dagaal yar yaraysi ma leh, haddii mucaawino tahay, haddii ay Ictiraaf, tahay, waar cidna waxaan jirin u sheegi mayno,waar nin aan dadka wadankan gudihiisa haysan ictiraaf uu meel kale ka keenayo ma jirto, Somaliya uu la heshiin karaana ma jirto, waar dhaqankii haddii la doodo waa la isla garanayaa wixii samatalisa ee fiican, sidii uu Caddami sheegayey markii aanu waxaanu la hadalnaba weynay, ayaanu nidhi tabliiq siyaasiya aynu umadda ku wareegno, qoladan tabliiqu waa kuwan falaasyada iska biyeysta ee arlada meel walba lug ku taga, Masaajidada ayeyna seexdaan, anagu waxaanu is nidhi Siyaasada lafteedii ayaa u baahan in buraashyada loo biyeysto oo wadanka lagu wareego oo la tabliiqeeyo, waatan aanu hadda ugu soo socono Baligubadle”.

Isagoo hadalkiisa sii wata wuxuu Cali Khaliif yidhi “Ninka Madaxweynaha ah ama Maamulka Golaha Wasiiradda  iyo Barlamaanku waa kuwa aagaas ka yimid, meesha aanu ka nimid ee aanu wax u doonayno kuwa noogu qalafsan ee noogu af xun oo xumaato, been iyo xaalad abuur Wadanka kula wareegaya waa kuwaas Masuuliyiinta u ah,waar anigaa dadka ugu weyn oo wax alaale waxaan dadka ka rabaa ma jirto, wax badan baan ku cel-celiyaa waar da’ ii hadhay ma jirto sida loo kala horeyn doonaana ALLAA og wixii aan qaban lahaa waan soo qabtay, laakiin waxaa I dhibaysa umad halkaas joogta oo dhan walba seega, oo ka kule wakiilbaan ka ahay uu ka ugu daran yahay ka ku leh anaga Wasiir u ah, aniga Guddoomiye Balramaan u ah, meel daran ka dhaca, kama wakiil aha, kama masuul ah, haddii aanu markaas anagu khaldan nahay ismadiina.”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here