“Waan U Ololeeyay KULMIYE Habeen Iyo Maalinba Welina Laysma Gaadhin”

0
1067

Hargeysa(Geeska)-Maayarka degmada Berbera Cabdishakuur Maxamed Xasan Cidin ayaa daboolka ka qaaday inuu si aan xuduud lahayn ugu ololaynaayo xisbiga talada dalka haya ee Kulmiye.

Waxa uu maayar Cidin sheegay in aanu naf iyo hanti uu gaar u leeyahay waxba kala hadhayn xisbiga Kulmiye, isla markaasna uu ilaalin doono hantida degmada uu maayarka u yahay ee Berbera, waxa uu maayarku sidan u sheegay tilifishanka Saab oo waraysi gaar ah la yeeshay, waxaana ugu horayntii isaga oo ka hadlaaya u ollolaynta xisbiga Kulmiye uu yidhi “Muddo xileedkayagii shanta sano ahaa ee nala doortay waa gabogabo,waxa la kordhiyay mooyaane adeega aanu umadda u qabanaana kuma xidhna inaan xafiiska uun fadhino, xafiiska waan fadhiistaa oo umadda waan la kulmaa yaanu ahaanba sidii hore ee aan joogtada u joogi jiraybee, taas gaarka ah ee Kulmiye horena; marka horeba doorasho ayaan ku soo baxay xisbiyada oo dhan ma wada taageerayo ee mid uun baan teegeerayay iyada oo aan masuul iyo dhexba u ahay golahayga  hadana xisbi ayaan ka tirsanahay sidaan horeba u cadeeyay, waan u ollolaynayaa habeen iyo maalinba haddii ay tahay hanti gaar ah oo aan leeyahay iyo haday tay  xaqa u leeyihiin ee ay u siman yihiinba, waan u olloleeyay waanan ka olloleeyay walina laysma gaadhin.”

Maayar Cabdishakuur Cidin oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi”Qofka muslinka ah hal bireeg ayuu leeyahay bireegaasi waa iimaankiisa iyo aayadii lagu dhaariyay ee gacanta loo saaray, waxaan kuu sheegayaa waxaan ku ordo ee aad meel walba igu aragtay waxaan ku olloleeyaa hanti aan anigu leeyahay, ilaa Udub waxaan u huraa oo aan ugu ollolayn jiray hanti aan leeyahay, mabda’a aan qaatana waan ka dhabeeyaa, hantida umaddana saddexda xisbiba way u siman yihiin, waxii gacantayada ka baxaa si siman ayay uga baxayaan, cida nagu ilaalinaysaana maaha kamaradahan iyo muraayadahane waa Alle, oo isaga ayaanu kaga baqaynaa, waxaanu u balan qaadaynaa umadda sida aanu kitaabka gacanta u saarnay inaanu cadaalad u samaynayno, laakiin waxii buunbuunin ah ee naftayada iyo maalkayaga ah ee ka baxsan waxaanu umadda u haynay, waxaanu isla garab taagaynaa xisbiga Kulmiye.”