Baqdaad (Geeska)- “Waxaa maalinba maalinta ka dambaysa dunida ku soo badanaya doodda iyo murannada la xidhiidha koritaanka awoodda ururka la baxay dawladda Islaamiga ah ee Ciraaq iyo Shaam, oo hadda gacanta ku haya dhul aad u ballaadhan oo ka mid ah labada dal ee Ciraaq iyo Suuriya, guulo waaweynna ka soo hooya dagaallada ay iskaga hor yimaaddaan ciidamada labadan dal, Isbahaysi reer galbeedku hoggaaminayo oo weerarro ku haya iyo maleeshiyo hubaysan oo gudaha labadan dal ka jira oo iyaguna dagaal kala soo horjeeda. Ururkan oo si badheedh ah u raac siyaasad gacan bir ah ku dhisan, argagax iyo baqdin in uu abuurana ka dhigtay siyaasadda uu u maro la macaamilka cadowgiisa, isla markaana leh nidaam dacaayadeed oo ay ku kasbadaan dhalinyaro ciidamadooda ku biira oo daafaha dunida oo dhan ay ka qortaan” Sidaas ayaa lagu bilaabay maqaal dhowaan ay shabakadda Al-Jazeera ka soo xigatay degelka Foreign policy oo uu Geeska Afrika Afsoomaali u rogay. Maqaalkan oo ay qortay Rosa Brooks oo bare sare oo sharciga dhigta ka ah jaamacadda Georgetown ee dalka Maraykanka. Brooks waxa ay maqaalkeedan ku hoga tusaalaysay in marka taariikhda dib loo eego ay hore dunidan uga dhacday in ururro iyo dawlado awood iyo cabsigelin argagaxiso adeegsaday ay aakhirkii ku dambeeyeen in ay noqdeen dawlado sharci ka ah dunida oo xubin ku leh Qaramada Midoobey waxa aanay tusaale u soo qaadatay, dalka Ingiriiska oo Imbaraadooriyad weyn dhisay isaga oo ku tiirsanaa dakhliga uu ka helo ka ganacsiga addoonta, sidoo kale Jarmalka ayaa geystay xasuuqii taariikhda dunida inta la og yahay ugu weynaa ee dhaca (Xilligii Hitler). Brooks oo horena la-taliye ugu ahaan jirtay wasaaradda difaaca ee dalka Maraykanka ayaa qoraalkeedan isku weydiisay su’aasha ah, “Yaa odhan kara, Ururka DAACISH mustaqbalka Gaashaanbuur lama samaysan karo Maraykanka?”
Ku tumashada carruurta:
Ururka DAACISH si uu dawlad u dhiso waxa uu adeegsadaa gacan bir ah iyo dhiig daadin, kumannaan dad ah ayaa uu ku dilaa Ciraaq, Suuriya iyo deegaanno kale isaga oo aan dheg u dhigayn cambaaraynta dawladaha iyo warbaahinta dunida oo si adag u dhalleeceeya farsamadaas bahalnimada leh ee uu ururku maro, oo ay ka mid tahay in uu madaxa ka jaro dadka iyo gawrac-wadareed. Laakiin marka aynu dib u dhuganno taariikhda reer galbeedka, waxa aynu odhan karnaa, waa suurtogal in ururka dawladda Islaamiga ah ee Ciraaq iyo Suuriya uu hayo jidkii uu ku gaadhi lahaa sharciyadda caalamiga ah, waayo taariikhda ayaa inoo xaqiijinaysa in xasuuq iyo dhagar wadareed fool xun oo la gala aanay caqabad ku noqonayn guul mustaqbalka la gaadho. Halkaa marka ay marayso Brooks waxa ay tusaale kale u soo qaadatay xukuumaddii Kacaanka Faransiiska markii uu ka dhashay kacaankii la magac baxay Xorriyadda, Sinnaanta iyo Walaalnimada oo iyada oo dunida oo dhami u jeeddo faagaare madaxa kaga jartay 40 kun oo qof, sidoo kale horraantii sannadkii 1790kii xukuumaddaas Kacaanka ee Faransiis waxa ay dishay in ka badan 150 kun oo qof, xitaa fardaha ay ciidamada dawladdu wateen ayaa ku tuntay carruurtii yaryarayd. “Haddana maanta waa kaas oo Faransiis waxa uu xulafo la’ yahay dalka Maraykanka” ayaa ay tidhi Brooks.
Sidoo kale qoraagu waxa ay ka warrantay xasuuqii iyo gumaadkii intii taariikhda casriga ah ee dunidu jirtay ay geysteen dawlado kala duwan oo markii dambe Midowga Yurub ka noqday xubno firfircoon oo la ixtiraamo ama kaba tirsan Gaashaanbuurta NATO”
Baqdin iyo argagax:
Aynu ku noqonno nidaamka ururka dawladda Islaamiga ah ee, hoggaamiyaha ururkan Abu Bakar Al-Baqdaadi oo laga yaabo in uu masuul ka yahay kumannaan xad-gudubyo dagaal ah iyo dhagaro laga galay bani’aadamnimada, laakiin doqon ma’aha oo waa uu garanayaa waxa uu samaynayo, ururka Dawladda Islaamiga ahi waa uu qallafsan yahay laakiin waxa uu doonayaa in uu jidkaas cabsi gelinta iyo argagaxinta ah, ay isku bartaan nacabkiisa iyo nasteexiisaba si isku mid ah.
Qoraagu waxa ay intaas ku sii dartay in Isbahaysiga caalamiga ah ee la dagaallamaya Dawladda Islaamiga ahi aanu illaa imika wax badan soo kordhin, ururka DAACISH na uu weli haysto awooddiisa mana uu daciifin, waxaa intaas u sii dheer in weerarrada cirka ee lagu qaadayo Dawladda Islaamiga ahi ay ka sii dhegeen uun mid daafaha dunida oo dhan ku faafa, siina kordhiyeen fursadaha uu ku soo qoranayo dagaalyahanno cusub.
Ugu dambayntii Brooks waxa ay qoraalkeedan ku soo gunaanadday, “Waxaa suurtogal ah in ugu dambaynta ay dalalka reer galbeedku gaadhaan heer ay ogolaadaan in ay wada-hadal la galaan ururka Dawladda Islaamiga ah, si la mid ah sida uu imikaba Maraykanku u taageersan yahay wada-xajoodka lala yeesho ururka DAALIBAAN ee dalka Afghanistan, sidoo kale waxaa suurtogal ah in ururka dawladda Islaamkiga ahi uu maalin uun kursi ku yeesho Qaramada Midoobey oo weliba uu xulafo la noqdo dalka Maraykan qudhiisa”