Waa Sidee Nolosha Dadka Ku Xoogsada Qodista Xabaaluhu (Xafaar)? Warbixin: Weriye Cumar Seerbiya

0
961

seerbiyaHargeysa (Geeska) – War-bixin Wariye Cumar Seerbiya ka diyaariyey shaqada Xabaalo qodista ee dhalinyarada qaarkood ku shaqeystaan, ayaa dibada u soo saartay inay tahay shaqo la mid ah shaqooyinka kale ee sida maalinlaha ah dadka ugu kalahaan isla-markaana leh macaash maalin leh ah.

Wariye Seerbiya, oo Toddobaadkii hore booqday xabaalaha Naaso-hablood ee Waqooyi Bari ee Magaalada Hargeysa, ayaa la sheekaystay Ibraahim Axmed oo ka mid ah dhalinyarada shaqada Xafaarka halkaasi ka haya, waxaanu Ibraahim Axmed iftiimiyey in shaqadan oo dhalinyaro ka badan 30 ay ka hayaan Xabaalaha Naaso-hablood ay tahay mid ku filan nolol maalmeedkooda.

Ibraahim Axmed oo Xaaskiisa iyo Carruur uu dhalay ay deggan yihiin meel dhowr talaabo u jirta xabaalahaasi, ayaa si xarago leh u tilmaamay in shaqadani ku xidhan tahay qofka qabanaya iyo sida uu hadba wax soo saar u sameeyo “Nolosha dhalinyarada (Xabaalaha qodaa) waa nin iyo kartidii iyo sida uu iska dhigo, mid wax dhigta iyo mid aan waxba dhigan (Kaydsan lacagta uu qaato)” ayuu yidhi Ibraahim Axmed, waxaanu intaasi ku daray inay Xabaalaha ay qodaan dib uga iibiyaan dadka ugu baahan inay ku aasaan qofka ehelkooda ah ee ka geeriyooda “Xabaalaha annagu dadka ayaanu uga shaqeynaa ILAAHAY Dartii, wixii ay na siiyaana waanu ka qaadanaa, baahi dadku u qabaan ayuunbaanu u qodnaa”

Ibraahim Axmed, oo la waydiiyey in shaqada qodista Xabaaluhu noloshooda ku filan tahay iyo hadba inta qof ee ay ku qodaan ayaa ku jawaabay “Nolosha Masaariifteeda waan ka helaa ilaa xaafadda, maalintiina xabaal kaliya ayuunbaa qodi karaa, laakiin si joogta waxaanu ugu qodnaa laba ilaa saddex nin, haddii 300 SL Shilin la naga siisto min boqol ayaanu qaybsanaa”

Xafaarkani, waxa kale oo uu sharaxay qiyaasta Xabaasha ama inta ay ka dhigaan “Xabaasha qiyaas ahaan Joog (Dherer) ayaanu ka dhignaa, dhanka iilkana waa 2Mt, sidaas ayay ku dhan tahay markaa” ayuu yidhi, waxaanu intaasi sii raaciyey in suuqooda iibinta Xabaaluhu maalinba cayn tahay, balse muddooyinkan dambe geeridu badan tahay “Maalinba waa si – laakiin imika waxaad moodaa inay dhimashadu badan tahay, dadkana waanu ka caawinaa ilaa aasitaanka”

War-bixinta Wariyaha, ayaa waxa ku jirta in dadka ku xoogsada qodista Xabaalaha aan wax cashuur ah laga qaadin dhaqalaha ay soo saaraan.