“Waa Qasab Inay Doorashadu Dhacdo, Xagga Rabi Oo Ay Ka Dhacdo Mooye, Maxkamad Ayaa Xukuntay, Meel Looga Leexdaa Ma Jirto”

0
507

Hargeysa (Geeska)-Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID Eng: Faysal Cali Waraabe ayaa ka hadlay xaalada uu dalku marayo, Siyaasada Arrimaha Guddaha, Siyaasada Arrimaha Dibada, Shirkii muddada uga socday Caasimadda Safiirada Somaliland iyo aragtiisa ku waajahan Doorashada.

fffffffffffffffffff

Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ee UCID Eng: Faysal Cali Waraabe oo wareysi gaar ah siiyey Wargeyska Geeska Afrika waxa uu sidoo kale ka hadlay loolanka loogu jiro xilka Guddoomiyaha Wakiilada iyada oo la filayo inuu dhawaan xilka iska casilo Cabdiraxmaan Cirro, waxaanu hadalkiisi ku bilaabay sidan "Arrimaha Dibada iyo Arrimaha Gudduhu wey isku xidhan yihiin, kow haddii aan guddaha la hagaajin oo maamulka iyo sharci la gaadhsiin xuduudaha,  laba haddii dadka reer Somaliland isku aragti ka ahayn gooni istaagu,markaas uu kala dhiman yahay gooni isutaagi, nabadii iyo dimuqraadiyadii weynu haynaa laakiin waa inaynu ku darnaa dawlad wanaagii, oo Shacabku dhinaca u wada geestaan, oo qolona aanay odhan waanu ka soo horjeedna, qolona aanay odhan waanu ogol nahay, oo gooni isu-taagna laga wada shaqayaa oo aragti midaysan laga yeesha, oo dadka diiwan Somaliland ee leh ma rabno in la kala gooyo Somaliya waa in dadkaas la qanciyaa"

Eng:Faysal Cali Waraabe ayaa mar uu ka hadlaayey wada hadaladii Somaliland iyo Somaliya ayaa  waxa uu yidhi "Waxa aanu nidhi waa in la adkeeya wada hadaladii Somaliland iyo Somaliya sidii ay markii hore ku bilaamatay wey fiicnayd, balse markii dambe ayey xumaatay, waa in la xoojiyaa, mar haddii la yidhi kala baxa waa in cid adag la galiyaa, oo Gudida dhex dhexaadinta la badiyaa, oo aynaan halkaas oo qudha eegin ee adduunkana si gaar ah ula hadalnaa, oo adduunka qadiyadeena ka dhaadhicinaa, oo albaab kasta la garaacaa".

Guddoomiyaha Xisbiga UCID mar uu ka hadlaayey faragelinta Somaliya ay ku hayso Somaliland waxa uu yidhi "Horta Somaliya wax jira maaha, waa Wadankaas la haysto, oo Kismaayo dagaal ayaa ka dhacaya, Marka dagaal ayaa ka socda, Balawad-weyne dagaal ayaa ka socda, Galkacayo dagaal ayaa ka socda, meesha nidaam dawladeed ma jiro, caqli Somaliyeed ma jiro, caqli ajinabi baa socda, waxa qudha ee ay ku mideeysan yihiin waa xumaanta iyo xaasidnimada Somaliland, marka horena waa inaynu mawqif adag ka istaagnaa, oo aynu kow ka joojinaa Basaboorada ay ku imanayaan wadanka,inay soo galaan maaha,Somaliya dawladnimadeedu waxa ay ka koobnayd Somaliland iyo Somaliya , mid qudha in la ictiraafo waa xaaran, anigu ma icitaafsani, ee waa in nimanka la iska celiyaa, waxa jira xoogag badan oo Somaliya ah oo inaga ina taageersan, oo aan waxba ka qabin qadiyadeena, waa in xidhiidh lala yeeshaa, dad badan ayey xaasidnimadeenu ku yar tahay, arintooda cid waliba wey ka shaqaysaa, ee si looga hortago qaybintaas reeraha lagu qaybinayo waa inaynu ka shaqaynaa iyo si looga hortago road mapka beelaysan, ee dan Somaliyeed ahayn ee dan beeleed ah, oo dhibaatada iyo rafaadka ku sii dheeraynaya shacabka Somaliyeed, waxa la yidhi hunguri wax ka weyn la galiyaa uu dilaaciyaye dadkaas doonaya in wax aanay xaq u lahayn dusha ka saaran Somaliya waxa weeye inaynu ku dhawaaqno oo aynu nidhaahno waxaasi suurgali mayso ee cadaalada ha lagu soo noqdo, oo gacan weyn ka geysanaa ayaanu jecel ahay insha allaah".

Faysal Cali Waraabe ayaa mar aanu wax ka weydiinay sida uu u arko Doorashada iyo inay qabsoomayso iyo inay dib u dhici karto ayaa yidhi "Waa qasab inay Doorashadu dhacdo, xagga Rabi oo ay ka dhacdo mooye, Maxkamad ayaa xukuntay, meel looga leexdaa ma jirto, taas wax Maanta shaki la galiyaa maaha, Doorashadu haddii ILLAAHAY yidhaahdo waa inay inoo dhacdaa, gacmaha la iska qabsadaa, sidii ay ku dhici lahayd waa in la sameeyaa, in imika taas laga hadlo maaha, ee waa in laga hadlaa sidii ay Diiwaangelintu inoogu dhici lahayd, in nabadgaliyada la ilaaliyo oo meelaha aanay gaadhi jirin Doorashadu la gaadhsiiya, oo maamulkii la geeya, oo dadka la diiwaangeliyo, oo laga heshiiyo sidii kuraasta loo qaybsan lahaa, oo Saddexda Xisbi fadhiistaan, oo Komishanka iyo Akadamigu ka soo qayb galaan, oo sidii aynu 2005 u go'aasanay lagu heshiiyaa"

Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa mar aanu wax ka weydiinay loolanka loogu jiro Kursiga Guddoomiyaha Wakiilada oo la filayo inuu is casilo ayaa ku jawaabay sidan "Xildhibaanada Wakiiladu Xisbiyo maaha, Saddexdii Xisbi ee ay ahaayeen midna daacad uma aha, laakiin haddii uu baneeyo Cabdiraxmaan Cirro, oo aan qabo in markii horeba uu baneeyo oo aanu halkaas fadhiyin hore looma arag Guddoomiye Mucaarid oo Barlamaan madax u ah, Sharci darada Somaliland ka socata ayey ka mid tahay, waxa ka soo baxa weynu arki, laakiin waxa xisbinimo ku shaqeeyaa way yartahay Barlamaankaasi, laakiin inuu baneeyo ayaa muhiim ah, waana soo dhaweeynaynaa dad aanu soo saarnay, oo aan doorasho galin ayaa ku fadhiya kuraastaydii, Xisbi Waddani la yidhaah oo Doorashadii 2005-tii aan jirin,aduunyada lama arag Xisbi aan jirin oo kuraas Xisbi kale ku fadhiya, waa sharci darada Somaliland baabisay, waa sharci darada Somaliland curyaamisay, waxa aan ku baaqaya in Beelaha Boorama, Sanaag Barri iyo Sool kursiga la siiyo, si la iskugu simo oo cadaalad loo helo".

Dhinaca kale Guddoomiyaha Xisbiga UCID Faysal Cali Waraabe ayaa sidoo  kale ka hadlay Shirkii Caasimadda Somaliland ee Hargeysa uga socday Safiirada Somaliland u fadhiya Wadamada Calaamka, waxaanu   Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Dibada Sacad Cali Shire uu ku bogaadiyey qorshan oo uu sheegay inuu yahay Wasiirkii ugu horeeyey ee qorshahan oo kale la yimaada.