Rashiid Sheekh Cabdilaahi Xaaji Axmed Guuleed (Rashiid Gadhweyne), oo hooyadiina ahayd, Jawaahir Aw Maxamuud Aw Cilmi Qabile, waxa uu ku dhashay degmada Cadaadley ee gobolka Maroodi-jeex, xili ku beegan 1944kii. Maadaama oo uu kasoo-jeeday laba qoys oo culimo ah, dhinaca aabihii iyo dhinacii hooyadiiba, waxa culuumta diiniga ah ku barbaariyey oo waxbaray Rashiid, aabihii Sheekh Cabdilaahi Xaaji Axmed Guuleed, oo kamid ahaa culimada diinta ee deegaankaasi ay ku noolaayeen ee Cadaadley.
Rashiid, markii uu si fiican uga bartay aabihii, Quraanka iyo cilmigii kale ee diiniga ahaa, ayaa waxa uu u wareegay dhinaca magaalada Burco, oo uu ka galay Mac’had diini ah oo xiligaasi ku yaalay Burco. Sanadkii 1963kii, markii uu dhamaystay Mac’hadkii diiniga ahaa, ayaa waxa uu u baqoolay dhankaas iyo dalka Masar, oo uu kasii amba-qaaday hayaankiisii waxbarasho. Ugu horeyn waxa uu magaalada Qaahira ee dalka Masar ka galay waxbarashadiisii dugsiga sarre, isagoo markii uu dhamaystayna ku biiray jaamacadii Qaahira University, oo uu ka bartay cilmiga bulshada ee loo yaqaano ‘Sociology’.
Sanadkii 1970kii, markii uu soo dhamaystay geedigii waxbarasho ee uu ugu maqna dalka Masar, waxa uu kusoo noqday Soomaaliya, waxaanu shaqadiisii ugu horeysay ka bilaabay magaalada Muqdisho, oo uu markii ugu horeysay ka hawlgalay wasaaradii waxbarashada Soomaaliya, gaar ahaan waaxdii dhaqanka. Markii uu in muddo ah ka shaqaynaayey waaxdii dhaqanka ee wasaaradii waxbarashada Soomaaliya, ayaa waxa ay dawladii Soomaaliya, magaalada Mosko ee dalka Ruushka, ugu dirtay aqoon-korodhsi. Halkaasi oo uu ku sugnaa muddo sanad ku dhaw.
Markii uu soo dhamaystay, safarkii waxbarasho ee uu ugu maqnaa dalka Ruushka, waxa uu kusoo laabtay magaaladii Muqdisho. Waxaanu markiiba ka hawlgalay xafiiskii Siyaasada. Markii uu muddo ka hawlgalaayey xafiiskii siyaasada ayaa wuxuu uga wareegay Xisbigii Hanti-waddaaga Kacaanka Soomaaliyeed, oo uu Tifaftire ka noqday Wargeys bile ah oo uu xisbigu soo saari-jiray. Wargeyskaasi xisbiga, ayaa markii uu isna in muddo ah ka tirsanaa ee uu ka hawlgalaayey, ayaa wuxuu uga wareegay Akaadamiyadii Hidaha iyo Dhaqanka Soomaaliyeed, oo markii uu iyana wakhti-yar oo kooban ka tirsanaa uu dalka ka baxay, isagoo ku biiray ururkii dhaqdhaqaaqa waddaniga Soomaaliyeed ee SNM.
Sanadkii 1982kii, ayaa uu si rasmi ah Rashiid ugu biiray halgankii hubaynaa ee SNM, oo uu kamid noqday, aqoonyahankii horseedka ka ahaa bilowgii iyo unugii ugu horeeyey ee lagu bud-dhigaayey, halgankii dheeraa ee Mujaahidiintii SNM ku xoreeyeen JSL.
Muddadii uu Rashiid Sheekh Cabdilaahi, ka tirsanaa ururkii SNM, waxa uu kasoo qabtay xilal kala duwan oo ay kamid ahaayeen:
- Madaxa xafiiska Addis-ababa ee SNM.
- Agaasimihii SNM ee Radio Halgan.
- Xoghayihii Arrimaha Debedda.
- Sidoo kale, waxa uu Rashiid kamid ahaa, shir-gudoonkii, shirweynihii afraad ee SNM, 1984kii, oo uu gudoomiye kuxigeenka labaad ee shir-weynaha ahaa iyo kii lixaad ee 1990kii, oo uu Guddoomiye ku-xigeen koowaad ee shirka ahaa.
Xiligii ay dalka ka dhaceen dagaaladii sokeeyee ee dhexmaray beelaha walaaha ah ee reer Soomaalilaan, 1994kii ilaa 1996kii, waxa uu Rashiid kamid ahaa guddidii nabadaynta, ee dib-u-heshiisiinta beelaha Soomaalilaan ka hawl-gashay. Sidoo kale, Rashiid Sheekh Cabdilaahi, 1997kii-2007dii, wuxuu guddoomiye u ahaa guddida baadhista dembiyadii dagaalka (Guddidii Xasuuqa).
Rashiid Sheekh Cabdillaahi, waa qoraa, qalinkiisu dhaxalreeb noqday, oo qoray buuggaag door ah iyo maqaalo mugle, oo uu kusoo bandhigay, aqoon durugsan iyo afkaar dihin oo duugyaal u noqonaaya jiilasha kala danbeeya ee ummadda Soomaaliyeed. Rashiid Sheekh Cabdilaahi, sidoo kale, waa mu-fikir, suugaan-dhaadhi ah, oo si qoto-dheer u faaqida hidaha, dhaqanka iyo suugaanta Soomaalida.
Abwaan Maxamed Ibraahin Warsame ‘Hadraawi’, oo ay Rashiid, muddo dheer saaxiibo aad iskugu dhaw ahaayeen, ayaa waxa uu ka markhaati kacay, shakhsiyada iyo qofka uu yahay Rashiid Sheekh Cabdilaahi. Waxaanu in badan oo suugaantiisa kamida kusoo hal-qabsaday, kuna xusay saaxiibkii. Suugaantaasi abwaan Hadraawi ku hal-qabsanaayo, ayaa waxa aynu ka xusi karnaa, tuducyadan kala duwan ee ka kala mid ahaa, suugaan uu Hadraawi wakhtiyo kala durugsan tiriyey, oo uu ku xusay Rashiid Sheekh Cabdilaahi, waxaana kamida :
- “Curad suubbaneey heedhe
Summadii Rashiid yeelo”
— Maansada Sirta Nolosha.
- “Hindisaha godkaan dego
Ku danbee Rashiidoow
Jire waa il-duufaa
Jarta haygu sii deyn”
— Maansada Debedyaal
- “Dhanbaalkii digiintaan is idhi caawa yuu dhixine,
Dheehdaa Rashiidow mar baan neefka loo dhigine”
— Maansada Dhulgariir
- “Waxaan dooddi kaga baxay
Hadalkana ku daa idhi
Nin dab liqay Rashiidoow
Dhuxul buu ka daacaa”
— Maansada Debed-yaal
- “Weji gabax is dhaafiyo
Nabaddoo gurracantiyo
Gob jabtaa ka dhalatee
Iga gunud Rashiidoow”
— Maansada Gol-janno
- “Ma Rashiid Gadhweynaa
Kugu yidhi ganbooley
Iyo guurti waayeel
Garta waa u simanyiin?”
— Maansada Isa Sudhan.
- “Hirka Daalalleydiyo
Dersan iyo Rashiid iyo
Dulucdaan ku dhaartay”
— Maansada Daalalay.
Miyir Cali Xuseen
www.facebook.com/MiyirCaliXuseen
Call/Whatsapp: 0634046313/0634864245