Pyongyang (Geeska)- Kuuriyada Woqooyi ayaa jimcihii shaaca ka qaadday hadallo muhiim u ah taariikhda oo ay ku sheegayso in nabadda iyo jiritaanka qarannimo ee dunida maantu uu ku dhisan yahay uun hadba dalku inta uu awood milateri oo weliba dhinaca Nukliyeerka ah leeyahay, waa aanay tusaale u soo qaadatay dhacdooyin taariikhi ah oo sannadihii u dambeeyey duni da ka dhacay.
War rasmi ah oo uu soo saaray dalka Woqooyiga Kuuriya ayaa lagu sheegay in wixii ku dhacay madaxweynihii la dilay ee Ciraaq Saddaam Xuseen iyo hoggaamiyihii qudhiisana la dilay ee dalka Liibiya Mucammar Al-Qaddaafi ay tusaale u yihiin masiirka foosha xun ee sugaya dowlad kasta oo ogolaata in ay faraha ka qaaddo barnaamijyadeeda Nukliyeerka.
Warkan oo ay baahisay wakaaladda warar ee dowladda ayaa lagu sheegay in Woqooyiga Kuuriya ay tijaabadii u dambaysay ee hubkeeda Nukliyeerka u aragto ‘Dhacdo weyn oo muhiim ah’ oo siinaysa awood ku filan in ay isku difaacdo, kuna ilaashato jiritaankeeda iyo xuduudaheeda si aanay ugu soo dhicin quwadaha cadowga ah ee uu Maraykankuna ka midka yahay, sida warka lagu sheegay.
Warkan oo uu Geeska Afrika soo turjumay ayaa lagu yidhi, “Taariikhda ayaa ina tusaysa, in awoodda difaac ee Nukliyeerku ay tahay seefta ugu afka badan ee cadow kasta oo dibadda ka iman lahaa lagu niyad jabin karo”
Dowladda Woqooyiga Kuuriya waxa ay warkeedan ku sheegtay in xaalka dunida maantu uu la mid yahay noloshii dugaagga ee kaynta, “Sharcigii kaynta” kaas oo ku dhisan in kii itaal roon uun uu noolaado.
Warkan ka soo baxay dowladda Woqooyiga Kuuriya oo dad badani u arkeen in uu maangal yahay ayaa isaga oo mar kale ka hadlaya wixii ku dhacay Qaddaafi iyo Saddaam Xuseen iyo sida uu ugu cashar qaatay waxa lagu yidhi, “Nidaamkii Saddaam Xuseen ee Ciraaq iyo kii Mucammar Al-Qaddaafi waa ay ka nabadgeli waayeen in la burburiyo, kadib markii laga hor istaagay dhamaystirka horumarkii ay ka samaynayeen dhinaca Nukliyeerka, ee lagu qanciyey in ay faraha ka qaadaan barnaamijkoodii Nukliyeerka ah iyaga oo ikhtiyaarkooda sidaa ku dooranaya” (Waxa ay filayeen in marka ay hubkaas joojiyaan ay nabadgeli doonaan laakiin ma’ay dhicin taasi”
Pyongyang waxa ay ku celcelisay in Saddaam Xuseen iyo Mucammar Al-Qaddaafi ay labaduba ku dhaceen qalad, markii ay ogolaadeen in ay ka joogsadaan barnaamijkoodii Nukliyeerka kadib cadaadis badan oo kaga yimid dalka Maraykanka. Waxas aanay si adag u sheegeen in Woqooyiga Kuuriya oo laga doono in ay iyaduna qaladkaas mid la mid ah gashaa ay tahay arrin aan marnaba dhici Karin, waayo marnaba ma aqbali doonto.
Ugu dambayntiina waxaa warbixintan dowladda W. Kuuriya lagu yidhi, “Dadka Woqooyiga Kuuriya dhammaantood waxa ay ku faraxsan yihiin Bamkooda Hydrogen ka ah. Waxa aanay u arkaan in uu yahay hab ay ku gaadhi karaan cadaaladda.”