Uurcadde Oo Masuuliyadii Guuldarada Doorashada Dusha Ka Saaray Cabdiraxmaan Cirro

47
3662

Hargeysa (Geeska)-Xoghayaha guud ee Xisbiga Waddani Maxamed Cabdilaahi Uurcadde, ayaa ka hadlay khilaafka u dhexeeya isaga iyo Guddoomiyaha Xisbiga Cabdiraxmaan Cirro, waxaanu sheegay inuu Cabdiraxmaan Cirro doonayo inuu Xisbiga u isticmaalo awood iyo sharci daro aanu siinayn xeerka Xisbigu.

Xoghayaha guud ee Xisbiga Waddani Maxamed Cabdilaahi Uurcadde,  oo shalay soo saaray War-saxafadeed ayaa sidoo kale Cabdiraxmaan Cirro ugu baaqay inuu xilka Guddoomiyaha ku wareejiyo Cabdiqaadir Jirde, waxaanu xusay in aanu isna dib isku soo sharixi doonin, waxaanu iclaamiyey wakhtiga uu qabanayo Shirweynaha Xisbiga, waxaanu ugu horeyn uu hadalkiisi ku bilaabay “Arbacadii dhawayto waxa la saaray Guddi, arintan naga dhexeysa aniga iyo Guddoomiyaha, ee dhex-dhexaadin ka gasha, balse wakhtigii uu balanku ahaa waxa dib u dhigay Guddoomiye Cirro, waxaan u arkaa faragelin qaawan, waxaana ku war helay, fariin uu ii soo diray, halkii Khamiista laga balansanaa inuu Sabtida ka dhigay, anigoo Guddidu waxay ila socodsiiyeen haba yaraate aanay jirin, arinta ay qaadayeena ay ahayd arin labadayada noo dhex ah, oo ahayd madaxdii Xisbiga oo is qabatay, oo la yidhi dhex dhexaadiya, oo si dhex-dhexaad ah, inay nagala tashadaan dib u dhiga, inay ila socodsiiyaan bay ahayd, waxa la yaab leh inuu Guddoomiyuhu Guddida ku qasbaayo ama iskugu dayaayo inuu ku qasbo, inay soo saaraan go’aan odhanayaa Xoghayahay Guud, waxaanu siinaynaa sannad fasax ah, oo Adduunyada meelna lagu maqal, sidii Xoghayaha Guud u shaqaynayney Shirkad uu isagu gaar u leeyahay, nuxurka meesha ku jira ee saaxibkay Cabdiraxmaan wadaana wuxuu doonayaa inuu keensado Xoghaye Guud oo jeebka sare ugu jira,oo u looga awooda shirweynaha si aanu u dhicin Shirweyne xor iyo xalaala”.

Mar uu ka hadlaayey Shirweyne uu qaban doono ayaa uu yidhi “Xisbiga Waddani waa Xisbi Qaranku leeyahay, ma’baadida loo aasaasayna ay ka mid tahay Dimuqraadiyada tartanka xorta ah, iyo in lagu dhaqmo sharciyadiisa iyo ta dalka, Shirweynihii Xisbiga Waddani, wuxuu qabsoomay 8 ilaa yo 9 April, 2012, Hoteelka Maansoor, iyadoo lagu doortay Guddoomiye, iyo Shan Guddoomiye ku xigeen iyo Xoghaye Guud, xubnahaas Shirweynaha lagu doortay waxa ka sii jooga Guddoomiye, laba Guddoomiye ku xigeen iyo Xoghaye Guud, anigoo ah Xoghayaha guud ee Xisbiga Waddani Maxamed Cabdilaahi Uurcadde, waxaan u taagan nahay inaan qaban-qaabiyo isla markaana qabto, Shirweyne xor iyo xalaal ah oo daahfuran, oo lagu wada tartami karo, oo qabsoomi doona haddii ALLE yidhaah 8 ilaa 9 April 2019, isla markaana Taageerayaasha Xisbiga iyo Xubnaha tartami doonaba waxaan u caddaynayaa in aan anigu mar labaad aanan ka mid noqonayn tartamayaasha Shirweynaha, si aan u hirgalin karo Shirweyne daah-furan oo lagu kalsoonaan karo, oo umaddu kalsooni ku heli karto, inkastoo Guddoomiye Cabdiraxmaan Cirro, oo ah saaxibkay aanu aad iskugu dhaw nahay, talo hore ugu siiyey, dhawr goor, haddana aan ku celinayaan, inuu baneeyo jagadda Guddoomiyaha iyo Musharaxa, isla markaaana uu ka hadho tartanka Shirweynaha, si uu Xisbigu u hiigsan karo inuu guul gaadho”.

Mar uu ugu baaqay inuu Cabdiraxmaan Cirro xilka Guddoomiye ku wareejiyo Cabdiqaadir Jirde ayaa yidhi “Haddii uu ku adkaysanayo inuu sii joogo, waxaan u soo jeedinayaa inuu Guddoomiyaha ku wareejiyo Cabdiqaadir Jirde, sidii uu balanku ahaa, Shirkii Golaha Dhexe ee lagu qabtay Amasadoor Hotel, lagu ansixiyey, xeerka Xisbiguna dhigaayo, si aanu uga wada shaqeeyno Shiweyne ma’baadida Xisbiga waafaqsan oo xor iyo xalaal ah, oo daah-furan”.

Xoghayaha Waddani mar uu ka hadlaayey Doorashadii Madaxtooyada ayaa yidhi “Xisbigu kumuu guulaysan Doorashadii dhawayd ee dhacday 2017, ee Madaxtooyada, Guddoomiyuhuna wuxuu raadinayaa halkii uu kaga baxsan lahaa masuuliyada, sidii uu mar kale isku soo sharaxo, balse waxaan leeyahay masuuliyadda ugu weyn waxa leh ninka gaadhiga u hayey shookaanta, gaadhiga dhacay, ninka shookaanta u hayey ayaa masuuliyadeeda qaada, ugu dambayn Shirka Xoghayaha Guud ee aan hayo waa mid Shirweyne la igu doortay, haddii ku takrifalka awoodeed uu ku sii wado ama ay sii socoto, ee aanu sharciga u lahayn Guddoomiye Cirro, waxa lagama maarmaan noqonaysa in aanu iskula gudubno Garsoorka iyo Sharciyada dalka waxaan ku cel-celinayaa Xisbiga duminta iyo burburinta aad ku hayso Guddoomiye, inaad ka dayso, sharciyada Xisbiga iyo nidaamka dalkana inaad u hogaansato, wixii ka soo baxa arimaha aad wadana masuuliyadeeda adiga ayaa qaadi doona, Aniga iyo Guddoomiyuhu isma hayno, ee wuxuu doonayaa waxaanu awood u lahayn oo sharci u banayn oo awoodiisa ku socodsiiyo, anaguna taanu isku haynaa waa ka daayo sharciga u soo noqo”

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here