Ururka Xamaas Oo Si Dad Ban U Aqoonsaday Israa’iil, Akhwaanul-Muslimiin Oo Uu Ka Tirsanaana Iska Fogeeyey

0
621

Qaahira (Geeska)- Ururka Xamaas ee reer Falastiin ayaa Isniintii shalay ku dhawaaqay mabaadii’ siyaasadeed oo cusub, kuwaas oo uu hadda kadib ururku ku dhaqmi doono iyo go’aamo u muuqda in uu mustaqbalka u mari doono dadaalladiisa gobannimo doonka ah.

Waxa uu ururka Xamaas shaaciyey Axdi cusub oo xambaarsan aragtiyaha uu dhaq-dhaqaaqa Xamaas hadda kadib ka yeelan doono qadiyado kala duwan, oo qaarkood hore loogu ogaa in uu ka taagan yahay mawqif aad u fog, kuwaas oo ay ka mid yihiin, Xaqa dib u soo noqoshada qaxoontiga Falastiiniyiinta ee ku dhaqan dalalka Carabta.

War ay shabakadda Al-Carabiya heshay oo uu Geeska Afrika turjumay ayaa sheegaya in axdigan cusub uu caddaynayo in Xamaas ay hadda kadib ogoshahay in la dhiso dawlad Falastiin leedahay oo xuduuddeedu tahay dhulkii Falastiin ay lahayd sannadkii 1967-kii, taas oo beddelaysa maqifkoodii hore ee ahaa in Falastiin ay tahay dhammaan dhulkii Falastiiniyinta ee jiray sannadkii 1948-kii dhismihii dawladda Israa’iil ka hor.

In kasta oo aanay Xamaas axdigeeda cusub ku aqoonsan dawladda Israa’iil haddana waxaa ka muuqda in ay ka saartay baaqii ay Xamaas caanka ku ahayd ee ahaa in la tirtiro Israa’iil oo ay tahay dawlad sharci darro ah oo aan ku jiri karin khariiradda dunida, waxa kale oo ay Xamaas ka saartay go’aankii ay ku dheggenayd ee ahaa in dadka Falastiiniyiinta ah ee markii dawladda Israa’iil la dhisay ay xoogga kaga saartay dhulkoodii ay, dadkaas oo hadda ku filqan dawlado Carbeed, xaq u leeyihiin in dhulkoodii asalka ahaa ay ku noqdaan, arrintaas oo Israa’iil si adag u diiddan tahay.

Arrinta kale ee dadka xog-ogaalka u ah siyaasadaha Xamaas ka yaabisay ayaa ah, go’aanka ay Xamaas sida ku cad Axdigan ku gaadhay in ay iska fogeyso ka mid ahaanshiyaha iyo aragti la wadaagista urur weynaha Akhawaanul Muslimiin, taas oo loo fahmay in uu yahay dadaal ay Xamaas doonayso in ay ku ilaaliso in xidhiidh wanaagsani ka dhexeeyo dawladda Masar oo Akhwaanka u aqoonsatay urur argagaxiso intii ka dambaysay afgembigii uu madaxweyne Cabdifataax Siisi ku qabsaday xukunka.

Khaalid Mishcal oo ah madaxa xafiiska siyaasadda ee dhaq-dhaqaaqa Xamaas ayaa habeennimadii Isniinta faahfaahin ka bixiyey qodobbada axdigan cusub, waxa aana la filayaa in maalmaha soo socda uu ururka Xamaas ku dhawaaqo dib u habayn maamul iyo weliba doorasho ururka dhexdiisa ah oo lagu soo dooranayo hoggaanka sare ee ururka Xamaas.

Tallaabadan ayaa lagu tilmaamay mid Xamaas ay kula jaanqaadayso isbedellada ka jira gobalka oo ay ugu horreyso dawladaha Carabta oo qaar badan oo ka mid ahi wax weyn ka beddeleen siyaasadahoodii ku aaddanaa Israa’iil kuwaas oo ay ka mid yihiin Imaaraadka oo xidhiidho aan weli rasmi noqon la yeeshay iyo boqortooyada Sucuudiga oo la sheegayo in ay dejisay xiisadii ka dhexeysay Israa’iil iyada oo la og yahay in dalalka Khaliijku ay dhaqaalaha ugu badan ku bixiyaaan halganka xoraynta Falastiin. Waxa aan iyadana meesha laga saari karin in sababaha keenay in Xamaas ka fogaato akhaanul muslimiinta ay ka mid tahay burbruka ururka Akhwaanka ku yimid intii ka dambaysay afgembigii xukunka lagaga qaaday madaxweynihii Masar Maxamed Mursi, khilaafka dawladaha khaliijka iyo Iiraan oo madow soo geliyey xidhiidhkii Xamaas ay la’ lahayd dalalkan maadaama oo ay Iiraan taageero fiican siin jiray Xamaas, isbeddelka Trump intii uu yimid Maraykanka ku yimid siyaasadihii dalkaas ee ku aaddanaa Israa’iil iyo khilaaf huursan oo ku dhex jira ururka Xamaas hoggaankiisa gudaha iyo dibadda.

Lama oga in isbeddelkan aaasaasiga ah ee ku yimid aragtida Xamaas uu wax ka beddeli doono fogeyntii uu ururku muddooyinkii dambe kala kulmay dhinacyada aynu soo sheegnay, isla markaana u fududayn doonto in haddii talada Falastiin ay qabtaan ay dunida reer galbeedka iyo dalalka Carabtu aqoonsadaan.

Si kastaba ha ahaato ee Israa’iil oo arrintan ka hadashay ayaa ku tilmaamtay khiyaamo uu ururka Xamaas doonayo in uu dunida kaga majaro habaabiyo xaqiiqada waxa uu yahay. Afhayeen u hadlay raysalwasaaraha Israa’iil ayaa yidhi, “Xamaas waxa ay isku dayeysaa in ay khiyaamayso dunida, laakiin kuma guulaysan doonto” isaga oo intaas ku daray, “Godad dhulka hoostiisa ah ayaa ay qodaan, kumannaan gantaalo ah ayaa ay ku ridaan goobo Israa’iiliyiin rayid ahi joogaan. Waa taas Xamaasta runta ahi”

Ururka xoraynta Falastiin ee uu bilowgiisii hoggaamin jiray Yaasir Carafaat oo ah ka hadda haya talada ismaamulka Falastiiniyiinta ee uu madaxweynaha ka yahay Maxamuud Cabaas ayaa isagu ogolaaday in Israa’iil ay ka kacdo dhulka ay qabsatay dagaalkii Carabta lagu jebiyey 1967-kii iyo wixii ka dambeeyey, dawladda Falastiinna intaas uun dhulkeeda ku koobto, laakiin ururro leh garabbo hubaysan oo jihaadiyiin ah sida Xamaas iyo Al-Jihaad Al-Islaami ayaa iyagu aaminsan in dawladda Falastiin ay noqon karto oo keliya dhammaan dhulka Falastiiniyiinta ee jiray intii ka horreysay dhismaha Israa’iil kaas oo noqonaya gebi ahaanba dhulka ay hadda Israa’iil ku fadhido iyo inta Falastiin joogto, meeshana ka saaraya dawladda Israa’iil.