Ururka Soltuo Oo Baaq U Diray Xukuumadda Iyo Maayarada Dalka

0
551

"Ururka Soltuo, ayaa warsaxaafadeed ay soo sareen mahadnaq u soo jeediyey Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada, oo ay uga mahadnaqeen amarkii uu ka soo saaray in lacag laga qaado ardayda bilaha ay fasaxa yihiin, waxa kale oo uu Ururkani baaq u diray  Dawladda iyo  Maayarada dalka, waxaanu ku baaqay in la caawiyo oo loo naxariisto shaqaalaha, dadka danyarta ah, macalimiinta iyo waalidiintii ay Ubadkoodu ku dhinteen Badaha.

Guddoomiyaha Ururka Soltuo Maxamed Axmed Cabdi iyo Xoghayaha Xidhiidhka Dibadda ee Ururka Soltuo Cabdilaahi Xasan Magan oo si wada ah u soo saaray War-saxaafadeed ayaa wuxuu u dhignaa War-saxaafadka ay soo sareen "Waxaanu war-saxaafadeedkani u qabanay in aanu muujino taageero iyo qodobo kale oo shaqaalaha iyo ururada shaqaalaha khuseeya waxaana leenahay

1-Waxaanu taageernaynaa go'aankii Wasiirka Wasaaradda Waxbarashada iyo Tacliinta sare Mr Cabdilaahi Ibraahim Habane, ee uu ku joojiyey lacagta laga qaadayo ardayda bilaha fasaxa si gaar ah dhib ugu ah Danyarta iyo Xoogsatada oo ka ah bulshada boqolkiiba sagaashan (90%).

2-Waxaanu soo jeedinaynaa in Xukuumaddu amar ku bixiso sidaas oo kale in macalimiinta Dugsiyada iyo Jaamacadaha rayidka ah ay siiyaan Macalimiinta mushaharka biloodka ah bilaha ay fasaxa yihiin sababo Dugsiga iyo Jaamacadda ayey u soo shaqeeyeen sannad dugsiyeedkii oo dhan.

3-Waxaanu codsanaynaa in Macalimiinta Mushaharku ka maqan yahay ee dugsiyada iyo jaamacadaha gaar ah ay si dhakhso ah u siiyaan

4-Waxaanu ku adkaynaynaa dhammaan macalimiinta rayid iyo dawladba xoojiyaan ururada macalimiinta si ay danahooda ugu difaacan

5-Iyadoo ayna isku dheeli tirnayn mushaharka iyo noloshu shaqaaluhuna u adkaysteen waxaanu Xukuumadda ka codsanaynaa in raashin la siiyo shaqaalaha ama mushaharka loo kordhiyo

6-Iyadoo Maayarada Magaalooyinka  dalka ku shirayaan xilligan caasimadda dalka JSL ee Hargeysa waxaanu soo jeedinaynaa Xooggaga u shaqeeya Dawladda la siiyo qof walba meel u dego, laguna magaacabo xaafada shaqaalaha ee magaalo kasta

7-Waxaanu si naxariis leh uga codsanaynaa Maayarada Magaalooyinka Somaliland in dadka ubadkoodu ku dhammaadeen baddaha una badan danyarta oo naf iyo maalba iska raaceen in la siiyo dhul ay degaan loona dhiso.

8-Waxaanu u sheegaynaa Shaqaalaha Somaliland in sida ay iskugu bahda yihiin u sameeystaan ururkooda shaqaale sida ka jirta Caalamkaba si aynu u ilaashano danaheena, dalkeenana ugu horumarino.