Ururka Soldda Oo Furay Dugsi Gaar U Ah Caruurta Baahiyaha Gaarka Ah Leh, Kulan Dhaqaale Ururin Ahna Qabtay

0
594

Hargeysa(Geeska):-Ururka Wadaniga ah ee Sollda ayaa magaalada Hargeysa ka furay dugsi loogu tala galay in wax lagu baro caruurta baahiyaha gaarka ah leh.

1

Ururkan  ayaa haatan gacanta ku haya 12 caruur ah oo dhigtay dugsiga ay hir geliyeen ee loogu tala galay in wax lagu baro caruurta baahiyaha gaarka ah leh, iyada oo ujeedada munaasibadanina ay ahayd sidii dhaqaale loogu ururin lahaa 20 caruur ah oo la gaynayo dugsigaasi.

Munaasibad dhaqaale loogu ururinayey dugsigan oo lagu qabtay magaalada Hargeysa ayaa waxa ka soo qayb galay masuuliyiin ka tirsan xukuumada somaliland,aqoonyahan kala duwan iyo marti sharaf kale.

Aas Aasaha xarunta Khadra Cali Cigaal oo ka hadashay furitaanka munaasibadan ayaa faah faahin ka bixisay ujeedada loo sameeyey dugsigan,  waxaanay ugu baaqday marti sharaftii kala soo qayb galay munaasibadan  iyo shacabka somaliland-ba inay taageero dhaqaale ka gaystaan dugsigan iyo ardayda wax lagu barayo taas oo wax ka taraysa horu marinta iyo hir gelinta dugsigan iyo sidii caruurta baahiyaha gaarka ah leh wax loo bari lahaa.

Wasiir ku xigeenka wasaarada warfaafinta somaliland Shugri Xariir Ismaaciil oo ka hadashay munaasibadan ayaa sheegtay inay soo dhawaynayso xarunta, waxaanay soo jeedisay in la barbar istaago xarunta waxaanay tidhi “Waxaynu u baahanay in dadka baahida gaarka ah leh ee caruurta ah, dadka maskaxda wax ka qaba ee ka xanuusanaya iyo dadka naafada ah inaynu intaba isku taagno oo aynu soo dhawayno, caruurtana waxay ka mid yihiin dadka naafada ah, dawladuna waxay hir gelisay oo ay ansixisay siyaasadii naafada somaliland lagu maamuli lahaa.”

Agaasimaha xafiiska sama falka madaxtooyada somaliland Aamina Maxamuud Diiriye oo iyaduna ka hadashay munaasibadan ayaa balan qaaday inay taageero dhaqaale ka gaystaan xaruntan lagu dar yeelayo caruurta baahiyaha gaarka ah leh waxaanay tidhi “Xafiis ahaan waxaanu jecelnahay inaanu ku soo booqano goobahooda oo aanu waxtar ka gaysano insha allah qoys ahaan, waanan balan qaadayaa taas.”

Agaasimaha guud ee wasaarada madaxtooyada somaliland Khadra Xaaji Gaydh oo ka hadashay munaasibadan  ayaa sheegtay in loo baahan yahay in caruurtaas la garab galo waxaanay tidhi “Waxaan talo ahaan u soo jeedin lahaa in loo furo iskuul caruurtaas maadaama oo ay bulshadii ka mid yihiin inaynu ku tala galkeeda yeelano oo aynu qorshaha ku darsano, xataa aqalada caruurta lagu hayo ayeynu arkaynaa  kuwaas oo qaarkood yihiin guryo aan lagu hayn karayn oo aan albaab xidhmaba lahayn, markaa wax kastaaba waa sadaqo ee qof kastaaba wixii uu tari karo ha taro.”

Ugu danbayna wasiirka wasaarada qorshaynta somaliland Cali Xuseen Ismaaciil oo ka hadlay munaasibadan ayaa  aas aasayaasha xaruntan ugu baaqay inay ka qayb galiyaan ganacsatada waa weyn iyo wasaaradaha dalka waxaanu yidhi “Inaga oo ka duulayna  inaynu qabano wixii aynu qaban karno ilaahayna inagu garab gali doono waxaan idinku boorinayaa inaad ganacsatada waa weyn u tagtaan, wasaaradahana qaar badan ayaanay gaadhine la gaadhsiiyo oo ay ku tala galaan inay wax bixiyaan.”

Drs. Edna Aadan Ismaaciil. Dr Bulxan, Gudoomiyaha guddida mihnadlayaasha caafimaadka Dr. Axmed Xaashi Oday,Khubaro ajaanib ah iyo waalidiin oo iyaguna munaasibadan ka hadlay ayaa faah faahin ka bixiyey  ahmiyada ay xaruntani u leedahay caruurta baahiyaha gaarka ah leh,  waxaanay soo jeediyeen in xil layska saaro sidii loo buuxin lahaa baahiyaha ay qabaan caruurtani.

Xadiga dhaqaalaha ee munaasibadan lagu ururiyey ayaa gaadhaya $20,000 taas oo ay masuuliyiintii iyo marti sharaftii ka soo qayb gashay munaasibadani ay ku caawiyaan caruurta ku jirta dugsiga baahiyaha gaarka ah ee ururka Soldda furay.