Reer Lowyacado Oo Ku Celiyay Cabashooyin Ka Dhan Ah Maamulaha Kastanka Saylac

0
546

Lawdyacado(Geeska)-Qaar ka mid ah duqayda, waxgaradka, odayaasha iyo xildhibaanada golaha degaanka degmada Saylac ayaa  dhaliilay hab-maamulka Maamulaha Kastanka Saylac, Cabdirisaaq Aadan Yuusuf oo ku magac dheer Faysal Dheere.

 Shirkan Jaraaid ee u dambeeyay oo lagu qabtay magaalada Lowyacado ayaa waxa uu kulmiyay haldoorka iyo masuuliyiinta degaanka ee Lawyacado, waxana ay si wayn u dhaliileen wax ay ugu yeedheen, kala haybsooc loo adeegsanayo hantidii qarank.

Mid ka mid ah dhalinyarada Lawyacado oo uu magaciisu yahay  Axmed Cabdi Habane ayaa hadalka bilaabay waxana uu yidhi “Waxa aan ka cabanaynaa Maamulaha Kastanka Saylac ee Faysal la yidhaa, laguna naanayso Magafe, waxa uu furfur, tafaraaruq iyo qoryo isugu-dhiib ka dhex wadaa dhalinyaradii degaanka ee aan ka midka ahayn, maantana ma jirto laba qof oo biyo wada cabaysaa, qabyaalad iyo kala fogaasho ayuuna ku dhex beeray, 24ka saacna waxa uu abaabul ugu jiraa kala fogaynta bulshada isaga oo dakhligii dalka ka soo baxay u isticmaalaya xumaanta bulshada dhexdeeda uu ku beerayo, habeenkasta labadiio saaxiibo ahayd ee Lawyaco ku wada noolayd midba midka kale ayuu iska ilalinayaa” 

Dhawaqan dhalinyarada waxa sii adkeeyay Siciid Cabdiraxmaan Cilmi oo fariin u diray Wasiirka Maaliyada Somaliland Waxana uu yidhi “ Marwo Samsam ayaan la hadlaynaa oo aan halkan dacwad ka dhan ah ninka la yidhaa Faysal-magafe uga gudbinaynaa, ninkaasi tuuladii Lawyacado ee aan nabada ugu noolayn, carqalad iyo isku dhac joogto ah ayuu ku hayaa, waxa uu naga dhex sameeyaa kooxo-kooxo iyo jabhado iska soo horjeeda oo uu midwalba rabo in uu danihiisa shaqsi u isticmaalo, waxa uu ku masaxdaa oo isku sheegaa qabaa’il markaaba, waxana aan leenahay ninkaas boqol goor oo hore ayaan marwooy codsiyo u soo gudbinay, oo aanan waxba laga qaban, waxana aan rabnaa in kan u dambeeya wax laga qabto oo dhagaha loo furo.

Caaqil Saleebaan Aadan Axmed Timacade oo isaguna hadalka qaatay ayaa yidhi “Waxa aan cambaaraynaynaa in 30/12/2015kii  waa bishii horee uu Maamulaka Kastanka Saylac Lawyacado ka abaabulay kuna qabtay shir beeleedlabo beelood kulmiyay, isaguna uu ka noqday oday beeleed, ajandihiihu ahaa iska horkeen, waxana hadii aaan nahay cuqaashii gobolka Selel aan sheegaynaa in arintu faraha ka baxayso oo aan dhalinyarada waxa intan ka dambeeya la xakamayn Karin, waxaas oo mushkilad ahna waxa u aabo ah waa Faysal-dheere, Selel waa meel nabdoon oo ay dadwaynuhu u bisil yihiin cashuuraha iyo hormarka, loomana waayin cid hogaamiye fiican ah, ee ninkaas wax ha laga qabto ayaan leenahay” 

Xildhibaan Maxamed Daahir Camir ayaa fariin u diray Xukuumada waxana uu yidhi “Waxan aan baaq u dirayaa Madaxwayna iyo Madaxwayne ku xigeenka oo aan leenahay Madaxwayne arinta aan ka hadlayno wax ka qabo, waa arintii aan 2014kii markii aan kula kulanay kuu sheegnay ee aan ku nidhi wax ka qabo, imika ayaan mar kale baaqii ku celinaynaa, oo aan idin leenahay wax ka qabta arinta ninkan, hadii aad Salal ka maaranteena noo sheega, sidoo kale waxa aan leenahay Wasiirka Madaxtooyada, xani waa ceebe ninkan adiga ayaa u adeer ah oo aan kuu tirinaa, oo xiniinta intaas le’eg la barbarjooga, balse waxa la gaadhay waqtigii aad wax ka qaban lahayd ee aad codka shacabka dhagaysan lahayd. 

Ganacsade Muxumed Axmed Dhimbiil ayaa Xukuumada ka codsaday in Saylac loo soo diro gudi xaqiiqo raadin ah oo xog-ogaal u noqota eedaymaha iyo cabashooyinka ka soo yeedhaya degaanka waxana uu yidhi “Waxa aan kaa doonaynaa in aad noo soo dirto gudi baadhiseed oo nala aragta waxa aan sheegayno ee aan ka cabanayno, fidno huruda ayuuna ninkaasi kicinayaa, ee Marwooy inta aanay kicin fidnadu ayaan kaa codsanaynaa in aad wax ka qabato, ogoowna Marwo Samsameey adiga ayaa masuulkii ugu sareeyay Maaliyada ah oo uu Eebena wax kaa waydiinayaa, hadii uu xaalku sidan ku sii socdana Waxa ka soo socda degaanka isku dhac beeleed oo uu huriyay Faysal-dheeraha Kastanka Saylac aad u soo magacawday.”